Home » Archives by category » Warbixin

Ra’isul wasaare SAACID oo Kulan la qaatay Amb. Mahiga

Mogadishu (Alshahid)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb. Augustine Mahiga. Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeysay Horumarada Xukuumada, aqoonsiga Dowladda Mareykanka iyo sidoo kale Difaaca Xuquuda Aadanaha iyo Dib u [...]

Askar Xukunno Dil iyo Xarig isugu jira lagula riday Magaalada Jowhar

Askar Xukunno Dil iyo Xarig isugu jira lagula riday Magaalada Jowhar

Jowhar (Alshahid)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Xukunno Dil iyo Xarig isugu jira ku ridday Askar Ciidamada Dowladda ka tirsan oo Dambiyo lagusoo oogay. Illaa 4 Askari oo lagusoo eedeeyay Dambiyo Dil, Dhac iyo dhibaateeyn kale oo dad rayida loo geeystay ayeey Maxkamaddu Shalay dhagaysatay Dacwadahooda, waxaana ugu dambeyntii ay soo saartay Xukunno [...]

Maamulka Khatumo oo Ciidamada Somaliland ku eedeeyay inay boobeen Xoolo ay rayid leeyihiin

Sool (Alshahid)- Maamulka Khatumo State ee ka jira Deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa Ciidamada Maamulka Somaliland ku eedeeyay inay Boob u geeysteen Dad Xoolo-Dhaqato ah oo Gobalka Sool ku nool. Maxamed Axmed Ducaale oo ah Wasiirka Amniga ee Khatumo ayaa isagoo Warbaahinta gudaha la hadlayay wuxuu sheegay in Ciidamo Somaliland taabacsan oo Shalay soo [...]

Midowga Yurub oo sii wadaya tababarista Ciidamada Soomaalida

Brussels (Alshahid)- Midowga Yurub ayaa shaaciyay inuu diyaar u yahay sii wadista Tababarada la siinayo Ciidamada Soomaalida, iyadoo Sanadihii lasoo dhaafay uu Midowgu qayb wayn ka ahaa Tababaro Ciidamo Soomaaliyeed ay heleen. War kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Midowga Yurub ayaa lagu xusay in Labada Sano ee soo socota uu Midowga Lacag dhan 11.6 Milyan [...]

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dalka kusoo laabtay

Mogadishu (Alshahid)- Madaxweynaha Soomaaliya  Xassan Sheikh ayaa maanta kusoo laabtay Dalka, ka dib Safar uu maalmihii lasoo dhaafay ugu maqnaa Wadamo Caalamka ah. Madaxweynaha oo ay wehliyaan Wasiirro iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan ayaa Socdaalkiisii ugu dambeeyay wuxuu ku joogay Wadanka Sucuudiga, Halkaas oo uu ka hor imaanshihiisa Maanta ee dalka kasoo kicitimay. [...]

Madaxweyne Xassan Sheikh oo Hadal ka jeediyay Shir Madaxda Carabta uga soconaya Riyadh

Riyadh (Alshahid)- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa Hadal ka jeediyay Kulan ay Madaxda Carabtu ku leeyihiin Dalka Sucuudiga Caasimadiisa Riyaadh. Madaxweynaha oo ka mida Madaxda Carbeed ee ka qayb galaya Kulankan oo ah mid looga hadlayo Dhaqaalaha ayaa wuxuu Khudbadiisa kaga hadlay arrimo badan oo Soomaaliya ku saabsan. Sida ay Warbaahinta guduhu baahisay, [...]

Dowladda Britain oo ku deeqday Lacag lagu xoojinayo la dagaalanka Burcad-Badeeda Soomaalida

London (Alshahid)- Dowladda Ingariiska ayaa xaqiijisay  inay bixinayso Lacag gaaraysa 2.25  Milyan oo Giniga Istarliinka ah si loogu xoojiyo Ololaha Caalamiga ah ee lagula dirirayo Kooxaha Burcad-Badeedda ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya. Bayaan kasoo baxay Xafiiska Wasaarkaa Arrimaha Bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika u qaabilsan Wasiiradda Arrimaha Dibadda Ingariiska ayaa lagu sheegay in Burcad-Badeeddu ay [...]

Qarax ka dhacay Jowhar

Jowhar (Alshahid)- Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay Qarax uu ku dhintay Hal ruux. Qaraxa ayaa sida ay Wararku sheegayaan ahaa mid ka dhashay Miinada Dhulka lagu aaso. Waxaana Goob-joogayaashu ay Warbaahinta u sheegeen in Ruuxa dhintay uu ahaa Qofkii isaga diyaarinayay Qaraxa. Dhawaqa Qaraxa ayaa [...]

Waa sidee Aragtida Aqoonyahanka ee Ciidameynta Jaamicyiiinta!! (Warbixin)

Mogadishu (Alshahid)- Wasaaradda Gaashaandhiga ee Soomaaliya ayaa Shalay ku dhawaaqday inay fursad siinayso Ardayda Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha kasoo baxa si ay ugu biiraan Ciidamada Qaranka. Waxayna tani kusoo aadaysaa iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto soo nooleynta Ciidamada. Dadaaladaas nooleynta iyo Dib u dhiska Ciidamada ayaa waxaa qayb ka ahaa Kulamo uu Wasiirka [...]

Dowladda Soomaaliya oo Albaabada u furtay Ardayda Jaamacadaha ka baxa ee doonaya inay Ciidamada ku biiraan

Mogadishu (Alshahid)- Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay soo dhawaynayso Ardayda Jaamacadaha ka baxa iyo kuwa Dugsiyada Sare dhameeya ee danaynaya inay ka mid noqdaan Ciidamada Qaranka. Hadalkan waxaa sheegay Wasiirka Difaaca ee Dalka Cabdi Xakiim Xaaji Faqi oo Warbaahinta la hadlayay. Wasiir Faqi oo Shalay kusoo laabtay Dalka ka gadaal Safar uu Wadanka Turkiga Maalmahan [...]

Page 1 of 155123Next ›Last »

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone