Home » Archives by category » Suugaan

Mas’uuliyiinta Somaliland oo ka qayb-galay Aaska Abwaan Gaariye (Sawirro)

Mas’uuliyiinta Somaliland oo ka qayb-galay Aaska Abwaan Gaariye (Sawirro)

Hargeysa(Alshahid)- Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ka dhacday Munaasabad Aas-qaran ah oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), iyadoo Aaskana ay kasoo qayb galeen madaxda ugu sareysa maamulkaas. Dadweyne fara badan ayaa iyaguna kasoo qayb galay Aaska Marxuum Gaariye oo isagu Meydkiisa maalintii Shalay ahayd lasoo gaarsiiyay garoonka diyaaradaha [...]

Saadaal ( Gabay)

Gabayagan waxa tiriyey Axmed Siciid Maxamuud waxanu uu ku saadaalinayaa in waqtigii umada sooamaaliyeed dhibtan ka bixi lahayd soo dhowaatey. Gabaygan waxa la tiriyey markii ay wadamada carabta badankooda kacaanadu ka bilawdeen inbadan oo ka mid ah ragii haystayna ay dhaceen taasoo abwaanka tusisay in tii soomaaliyana soo dhowaatey oo mar uun dhibkan laga wada [...]

Deeleyda Q: 21aad: Maansada Daleel

Maansada Daleel.  Deelleeyda kama harin Dabuubteeda maan dhigin Dacalkaan hayaa wali Dibnahaa ku daakira Diiwaanka qoraniyo Iyo doodda furanbaan Wali sii durkinayaa Dusha sare u rarayaa I daymiya dhagaha’oo Dareenkana isiiyoo I dul qaata gacalkoow.   Dadku waxuu xasuustaa Damiirkuna ka giigaa Diirkuna ku ololaa   Dulmigii Shaamoow Duhurkii la weeraray Ardadii la duubee Darajada [...]

DAWO WEEYE MAANSADU

Waxaan u doortay maansadan DAWO, in aan ku biiriyo Hal-abuurka Deelleyda Qarnigan 21, loogu magacdaray, anoo run ahaantii si gaar ah uga mahadcelinaya dhalintii bilaawday, iyo aragtiyahooda ay ku soo bandhigeen Suugaantooda qaaliga ah, tanoo ka mid noqondoonta sidaan filayo baraarujinta dadka Soomaaliyeed lagu kobcinayo garaadkooda, qiimaynteeda iyo halka ay taariikhda ka galeysana ku xiran [...]

Dulmigii Shaamoow

Marka hore waxaan tacsi u dirayaa dhamaan eheladii iyo muslimiinta Soomaliya ee laga gumaaday mas’uuliyiintoodii iyo caruurtoodii, aqoonyahankoodii iyo waalidiintoodii Waxaan leeyahay dilka la dilay aqoonyahanadaas  waxaa la aasay maskaxdii iyo caqligii loo barbaarinayay mustaqbalka dalka, iyo aabayaashii wax barayay, runtii aad ayaan uga niyad jabay, arinkaas oo xataa wax ka badalay aragtidayda ku saabsan [...]

MUQDISHO (Maanso)

“Muqdishaannu doodnoo, madhax reeba bay tiri…anna mooyi baan iri, mawlaha dugsaan iri, midigtay go’day tiri, oohin baan la miirsaday,” Maansadan waxan curiyey ka dib qaraxyadii dhowaan ka dhacay Muqdisho mar aan indhaha ku dhuftay fiidyow naxdin iyo argagax igu reebay. Iyadoo dhibaatadu in badan soo jiitamaysay, ayaa haddana xaaladda imminka Muqdisho ka taagan u muuqataa [...]

Baroordiiqdii Bir Ma Geydadii Qarixii Huteelka Shaamow

Waxa uu gabaygani soo baxay bishan December 04, 2009. Taas oo ah maalin ka dib markii qof ismiidaamiyay uu isku qarxiyay Huteelka Shaamow ee magaalada Muqdisho oo xaflad loogu qabtay arday ka qalin jebisay Jaamacadda Banaadir. Waxa wax arrin aad looga naxo iyo mid laga muruggoodaba ah dadka beegsaday dhallintaas maanta iyaga oo duruufaha aynu [...]

Maanso: Jawaab Muqaawamo waa tee?

Maanso: Jawaab Muqaawamo waa tee?

Maansadaan waxaan jeclaystay inaan uga qayb qaato maanso ay horay isu waydaarsadeen labada hal-abuur ee kala ah: Xasan Maxamed iyo Cabdiraxiin Hilowle Galayr, oo ku caynsaneyd: Muqaawamadu waa tee?. Run ahaantii ahayd laba farriin oo aad u qiima sarreeya, waxaanse maansadaan ku muujinayaa qaabkii ay uga hadleen qaab ka duwan, si aan ugu bixiyo weji [...]

Maanso : jawaab Muqaawamo waa tee?

Maanso : jawaab Muqaawamo waa tee?

Marka hore Xasanoow waxaan kaaga mahad naqayaa su’aasha aad i soo weydiisay taas oo ah wax meesha ku jira, iyo silsiladda miinlayda ah ee aad noo bilawday, taas oo aan rajaynayo in ay asxaab fara badan nagala qayb qaadan doonaan.   Kolay anigi su’aashaas jawaabteedii iyo sida aan wax u arko waa iga tan :. [...]

Muqaawamo waa tee?

Muqaawamo waa tee?

Maansadaan waxaan ugu magac daray muqaawamo waa tee? waana silsilad u bannaan dhammaan abwaannada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda da’da yar ee daneeya xaaladda dalkooda iyo ciddii kale ee wax ka oran kartaba in ay ka qayb qaadato silsiladan, taas oo jawaab u doonaysa erayga muqaawamo, kaas oo ay cid walba boorkiisa dhegsatay.   Waxaan si [...]

Page 1 of 212

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone