Shuruudaha Qoraallada

Bahda Alshahid waxay soo dhoweneysaa dhammaan suxufiyiinta iyo qoraayaasha soomaaliyeed ee wax ka qora mise ka tebiya arrimaha murugeysan ee Soomaaliya iyo meelaha ay joogaanba ee dunida dacalladeeda.

Balse Alshahid si ay mas’uuliyadda si wanaagsan ay uga baxdo waxay ku shardineysaa qoraallada loo soo diro:

1- Inay noqdaan wax asal ahaan uu qoraalku leeyahay ee uusan meel kale ka xadin.

2- Inuu haddii war uu yahay ku dadaallo inuu run ka sheego dhacdada uu ka waramayo.

3- In haddi uu isticmaalo xog asaga uusan lahayn sida saxa ah u sheego una celiyo qofka mise meesha asal ahaan uu ka qaatay. (reference)

4- Haddii qoraalka uu yahay mid laga tarjumay af qalaad uu xuso nuqulka asalka iyo magaca qoraaga hore.

5- Qoraal kasta mas’uuliyaddeeda waxaa qaadanaya Qoraaga soo dira ee Alshahid mas’uul kama ahan nuxurka mise aragtida uu sito.

6- Alshahid wuxuu xaq u siinayaa inuu qof waliba ka cabbiro ra’yigiisa sida uu u arko. Balse waxaa ka reebban in uu faafiyo wax tafaraaruq kusii ridaya ummadda, mise u ololeynaya qabyaalad, mintidnimo, xagjirnimo iyo wax ka soo horjeeda Diinta Islaamka.

7- Alshahid waxay xaq u leedahay in aysan faafini qoraalka soo gaara ayadoon sheegin sababta.

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone