Madaxweynaha Somalia oo booqasho ku jooga Dalka Sudan

Muqdisho (Alshahid)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafi uu hogaaminooya ayaa booqasho ku jooga dalka Suudaan, isagoo halkaa kaga qeybgalaya sanadguuradii 57aad ee ka soo wareegatay xornimada dalka Suudaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in uu wadahadalo la yeesho madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir iyagoo ka wadahadli doona xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweynaha Somalia booqasho ku tago dalka Suudaan oo saaxiib dhaw la eh Somalia.

Sudan waxaa ku sugan tira badan oo arday Somali ah kuwaas dhigta jaamacada kala duwan oo Sudan ku yaala.

Xogta: ALSHAHID

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone