Ninkastoo tagaa muxuu talo udiidaa!? (Qaybta 1aad)

Siyaaasada somaliya waxay isku xirantahay muddo dhan 20 sano lagana soo bilaabo dadaalkii lagu raadinayay dowlad nimada somaliya oo lagu doortay Dr cabdi qaasim waxan ahaa nin aad u daba gala siyaasada somaliya hadii ay ahan lahayd shabakadaha waxa ay ka qoren ama qoralada laga sameyay oo ay sameyan xarumaha baritan, hadaba siyaasadu inta badan waxay ku xirantahay siyaasiyiinta ayaga sameya oo siyaasada cayaraya hadii ay siyaasad cilmi iyo caqli ku dhisan ay cayaaraan waxaa suura gal ah in laga faalooda oo wax laga qoro ama rag aqoonyahanno ah in ay wax ka dhahan, haddaba siyaasada somaliya tan illaa iyo inta ay bur burtay dowladii dhexe waxaa la shegaa in aysan lahayn waji sax ah oo la raaco taasoo keentay in ay qorayasha ama ragga ka faalooda siyaasadaha ay wax ka dhihi wayen arrimaha somaliya wixi laga dhahana ay noqdaan nin somaliyeed qiyaastiisa oo aan ku salaysnayn wax cilmi ah mar hadii ragga samaynaya siyasadaba ay san si cilmiyaysan usamayn.

Si,aan wax ooga qoro waxan ogahay aniga ka qoraa ahaan ama inta aan goobjoog u ahaa ayaan waxaan il gaar ah ku fiiriyay inta dadaal ee loo galay somaliya inay dowlad yeelato oo ay dib uhelan dadkii somaliyed dowlad ay ku midaysanyihiin.

Dadaaladii hore waxaa aad ugalay odayaal qabiil iyo hogaamiye kooxeed oo mid kasta doonaya in ay cidiisa heshaa libinta (guusha) hase ahatee gogoshii la fidiyay Djabouti oo aan aniga ka bilaabay dadaalkaygii aan oogu jiray la socoshada siyaasada dalka gadeedsamay dadkiisuna daaleen ee somaliya ayaa waxaa hormuud ka ahaa oo ka dhex muuqday aqoonyahanno ku waa oo lays yiri waa marka ay is ka baareen wadani nimadii waxay halkaa isugu keeneen aqoonyahanno badan kuwaas nin waliba uu matalayay reerkii lakin hadana ajigii hore iyo shaararkii hore ka gadisan. Dadka oo idil waxa ay gar waaqsaden aqoon yahanka inuu door leeyahay hadduu dadaal dheeri ah ubixiyo dadka iyo dalka dartiis, hase ahate dowladii markii la dhisay dadyowgii aqoonyahanka ahaa ninkii ay waten markuu ku guulaystay dowladiina dalka dib loogu soo celiyay dadkii waxay wada rumaysten in dalka dowlad yeelatay rajo wacanna la qabo hase ahatee hogamiye kooxeedyada riyo ayay ku ahayd wayna dareensanayen in dowladan soconayn waxayna ku go,aan garen inay waxay awoodaan ka qaataan…

Dhanka aqoonyahanada waxay dajiyeen qorshooyin badan oo ay dib isugu keenayan dalka waxayna go,aamiyeen in ay kulmiyaan dad badan oo aqoonyahanada dalka ahaa wallow ay feker ahaan kala gadisanayen ,dadaalkaasna wuxuu ka bilowday gudaha dalka waxana waday aqoonyahanno ka mid ah dadka howsha dowladnimada wax ka waday.hase ahate dhaman aqoonyahanadii fekrad ahaan ka soo horjeday aqoonyahanada qorsha wadatay oo u arkayay dowladnimadatan in ay tahay qorsha ay dad kale watan ayaa waxay ka doorbideen in ay sidooda ahadan kista ay hub ahaan uhaysteenna ay sidooda u haystaan.

Dhanka kale Dr.cabdiqaasim salad xasan oo isagana dhanka kale u arkay ragii asxaabtiis ahaa ee dowladnimada la kenay rag raba inay ajanda ku fushadan ayaa wuxu ugu baaqay inay shacabka ku biiraan oo ay talada dalkana faraha kala baxaan wixii xiligan ka dambeyana dalka uu leyahay dowlad oo uu isagana ka yahay madaxweyne ayna daruuri tahay talada in looga dambeeyo.”1”

Waxaa fursadas damcay inay ka faa iidaystaan ragii aqoonyahanada dalka aha ee ayaga marka hore diiday inay ka qayb qaatan raacdaynta raganna waxay u arkayen aflax siyasadeed oo uu gaaray Dr cabdiqasim waxayna ushegen in ay garab taaganyihin ayna diyaar uyihiin inay la garab istaagan wax kasta oo dowlad nimadiisa ay ku horgalayso…lakin nasiib darro mar labaad taladas ka ma faa iidaysan wuxuuna ugu baaqay inay hubka ku soo wareejiyaan ciidankana ay kala diran sacadana wixi ka dambeya ay shacabka ku biiraan “2”

Labadii garab ee aqoonyahanada dalka aha wallow afkaartoodu ay kala gadisnayd hadana labadodaba wax fursad ah looma siin ,waxaa laga yaba dadka inay moodayan khilaafaadka u dhexeeya aqoonyahanada kowooda islamiyiinta ah inay hadda bilow tahay lakin waxa muhiim ah in la ogaado in ay ku kala qaybsanayen xiligii dowlada cabdi qasim la soo dhisay hase ahate ayaga ma aysan ukala qaybsanayn sida ay hadda u kala qaybsan yihiin oo tu walibahi ay usii kala jabtay dhowr qebod .

Waxba yaan ku fogaan qeebaha islamiyinta waxana aan la,aadi doonaa qoraal kale oo aan ayaga ooga faaloonaya . ee hadi aan usoo laaabto qoraalkaygan ah ninkastoo tagaa muxu talo udiidaa !!!??? ayaa waxay tahay su,aal mudan qof walibaahi inuu is weydiiyaa .

Hadaba taa waxay ahayd tii dowlada cabdi qaasim salad hadii aan isha la raacno oo xusuus taariikheed aan dib oogu laabanno dhacdooyinkii dhacay xilligii madaxweyne cabdilahi yusuf iyo maxkamadaha bal ayadana maxaa talo diid ah oo dhacay.

Kadib gogoshii Nairobi iyo dhamadkii shirkas oo mira ahan uu ka yimid madaxweyne qaran oo Somalia oo idil ay yeelato ayaa waxaa mirahas ugu madax weynaa madaxweynaha dalka somaliya ee xiligaas md cabdulahi yuusuf axmed .

Kadib doorashiisi iyo baaqii ay usoo jeedisay dowlada Kenya ee ahaa inay isaga baxan dalkeeda isla markaana uu san qadi Karin dalkeeda 2madaxweyne iyo 2gole barlaman ayaa waxa ay dowlada usoo baqoshay dhankaa iyo magalada jowhar , dalka goboladiisa bari waxaa loga dabaldagay si waali ah iyo qaar ka mid ah koonfurta kadib ku dhawaaqistii cali maxamed gedi ra’isul wasaare nimada loogu dhawaqay dadki rajo ayaa soo gashay wallow tii hore oo kale aysan ahayn wargesyada casimada dalka ka so baxaya qaar ayaa subaxas waxay cinwan ween ooga dhigen wargeeskooda ( NIN KU TAKHASUSAY XANANADA XOOLAHA OO LOO DOORTAY INUU XANAANEEYO DAD SIDA XOOLAHA UDHAQMA ) halka qaar ka kalena ay dhigayen malag samada ka soo dagay oo Somali nasiib uyeelatay inuu maamulo yaanan waxba ku fogaanin ee halkee ayay isla gaareen taladana inay iska diidaan waa tii ay ka darnaadan cqaasim iyo galayr oo la ogaa tii kala raacday…iyadoo saas ay tahay ayaa waxay isla soo garen madaxtooyada Somalia oo aan siyaad barre gadashiis salka la dhigin , si kastoo ay ahaataba talo iska dhagaysasho la,aan dhexdooda ah ka hor inta aan la gaarin dadyowga kale ayaa waxay kentay inay dhahan bulshada caalamka xilkan aad haysan laydin kuma halayn karo.

Intaan la dhihin muqdishana aan laysla soo gaarin bal ila eeg maxaa ka socda dhanka maxkamadaha ayagana waa ka dar oo dabi dhal waxaa taladii qabsaday nin waligii talo doon ahaa waxana loo magacabay jagada gudoomiyaha golaha shuurada(barlamanka) waxana golaha fulinta haysta saaxiibkiisa sh shariif labadoodana beel ahaan ka sokow waxay ka soo wada jedan koonfur ta somaliya waxayna rabaan inay ka taliyaan illaa iyo deeganada Somaliland puntland ayada warkeeda daa wallow aysan Somali ka bixis ku dhawaqin dhankeeda wali waxyaabahaas oo idil waxay ka mid ahayen talo maqal la,aanta maxayelay nin waliba markuu kursiga sare saaranyahay war qof kale ma,maqlo markuu ka daguu Malaha dareemaa.

Yaanan qoralka iyo taariikh aruurinta ila fogaanine waqtiyadaa oo idil waa ay tagen maxakimtiina waa la jiiray dalkiina wxuu galay gumaysi xabashi ah waxaana loo bahday cilmi ciidan iyo caqli siyaasadeed oo aan oola jedo nin ka ciidanka ahaa istiraatiijiyadii uu yaqiinay iyo inta uu ka soo aflaxay iskuuladii askar nimada uu ka soo bartay…

Iyo caqali iyo cilmi siyaasaded oo aan ka wado dunidan waxay ubaahantahay fahan waxana loo bahanyahay waa in wax laga dhaadhicyo oo aad wax ku shubato inta aan lagaa horumarin qolo kastoo aad isleedahay waxbay kuu qaban kartaana waa in fakarkaaga iyo farintaada gaartaa hase ahaatee somaliya sidaa mahane si ka gadisan ayaa timid dadkii dagaalka inay galan oo ay ahayd inay shacabka iyo ciidankaba siiyaan taatika ciidan oo ay ku dagaal galaan hase ahate ma dhicin waxaa soo cararay ciidankii waxaa haray siyaasiyiintii oo dhidibada inay aastaan dagaalamanna go,aan ku gaaray .

Si ay si qota dher iila fahmaan aqristayaasha waxan sii cadaynayaa madaxda dagalka inay galan ay ahayd ee dalka ka cararay waxana ka mid ahaa coll.xasan daahir aways oo ahaa dadyowga ku baaqayay” khibradayda ciidan aawadeed dadka waxan ucadaynaya itobiya dhulka wan ooga adagnahay cirkana hada diyaradaha dhul lagu ma furto” . waxaa kaloo ka mid ahaa Gen.jaamac maxamed qaalib oo isagana soo noqday beritaliyaha booliska somaliyeed ayna ahayd wax allale waxa uu ka yaqan magac askar inuu ku howl galiyo dadka .hase ahaatee ma dhicin oo waxaa dhacday taa badalkeeda oo ayagana waxay ahayen dadyowgii ugu horreeyay ee asmara garay ka hor inta aanay cabdulaahi yuusuf garin xamar taasna hadda waxay ahayd ceeyb wayn oo ay aabo u ahayd talo la,aanta dhacdaa markii talada dalka la,qabsado

Dhanka kale ragga in ay siyaasada ku baaqdaan oo ay si geesinimo leh ay siyaasada mar ka hore in ay uhor istaagan ayay ahayd ayaa gudaha ku haray misana hadda aan dhihi karnaa waxay ka fadhiisteen siyaasada dalka oo idil oo ay u arkeen in ay tahay khiyaana shacab, hase ahaatee waxaa xusid mudan in siyaasiyeen ama aqoonyahanna aan ka qayb qaadan qiyaamida dalka oo aan u aaminsanahay inay ahayd (run ka sheegis la,aanta ragii maxkamadaha dumiyay) ayaa waxay ka soo gurmadeen dibada dalka ayagoo dadaalkaa oo dhan ubixinaya badbadinta dalka iyo dibada waxayna xilli loo baahnaa waxana xusi donta taariikhda dadkaa hadii aan labo iyo seddex ka shega waxaa ka mid ahaa maxamed amiin maxamed alhadi oo haysta dhalashada ingiriieska oo aadna wada taqaanaan jazeera sida uu toos ooga hadli jiray oo uu mar waliba soo bandhigi jiray qoraalada hay,adaha xuquuqul insanka ay ka qoren …waxaa kaloo ka mid aha proff.maxamed cabdi gani oo isagana haysta dhalashada france waad garanaysan sida uu shaqadiisa ooga soo tagay si uu udifaaco dalka xiliga uu ubaahanyahay ….raga aan la,ilobayn waxaa ka mid ah cumar sh cali idriis oo isagana haysta isla dhalashada ingiriiska ayaa isagana dadaal badan ku bixiyay sidii dalka looga sari lahaa gumaysiga waxadna xusuusataan isaga iyo gaani markii ay ka hadlayeen QM horteeda sida ay ujeedkooda uqeexeen ,,,ragga dadaalka bixiyay aad ayay utira badanyihiin oo waxay yimaadeen xilli loo baahnaa oo ragii gudaha ka soo cararay ee asmara yimid ay la,yihiin wax ay ku socdaalaan .raguse waa kala haray qaar baa qadiyad wadan usocday qaarna waxay ka shaqo bilaaben nabad sugida erteria halka qaar kalena illaa hadda ay afduub u haysato waxas oo dhanna waxay ka yimaaden talo la,aanta markii talada loo baahnaa.

Dhanka dowlada waxaa yimid siyaasiga ugu horreeyay ee Somalia ay yeelato dowladii siyaad barre kadib waa nur xasan xusen (nuur cadde), halka dhanka isbahaysiga uu yimid nin isna da,yar siyaasina ah lakin inta badan aan dadka ka hor qeexi Karin siyaasadiisa sababo ay ka mid tahay raaligaraynta dadbadan oo isaga ku harareesan wallow aysan siyaasadu sidaas qabin oo loobahanyahay go,aanka aad qabto ama lagula qabo ninka si amar ku diida ah ooga hor yimaado waa in uu gaaraa heer ka takhalusid hadii ay dowlad madani tahayna qawaaniinta ay leedahay la marsiiyaa hase ahate gudoomiyaha isbahaysiga siyaasada taa ka gadisan ayuu kenay oo ah in qofkasta qalbigii la ilaaliyo xitaa hadii ay tahay xissaabta wadanka waana waxa isaga manta wadanka ku haysta .

Nuur cadde wuxuu udhigay darsi nimanka mucaradka ahaa oo markaa dowlada ka soo horjeeday wuxuuna tusay in dowlad xun lagali karo waxna laga badali karo ama gabigeeda la badali karo, oo wxuu ka dhigay dowlad niman shalay ciidan dowlad lagu diray la dhahay argagxiso ayaa tahay la raacdeeyay oo waayay dowlad soo dhawaysa aan ka ahayn ereteria ayadoo markaa ooga faa,iidaysanaysa mucaaradnimada ay u hayn ethopia.

Nimankii waxay noqdeen dowlad waxana lagu wareejiyay hoganka dalka cabdulaahi iyo nuurcadde labadoodaba waa ay ka shareecdeen meesha waxana manta dalka taladiisa gacanta ku haya nin shalay argagaxisa ka ahaa reer galbeedka agtooda oo wuxuu ka qudbeynayaa QM horteeda ..taasna kuma aysan imaan dagaal ee waxay ku timid siyaasad wanagii nuur cadde iyo ka danqashada uu ka danqaday dadkiisa iyo dalkiisa.

Hadii ay maxkamadaha wax ka garanayan siyaasad maxay oola hishin waayen dowlada? Oo maxay markaa kadib sida nuur cadde oo kale ooga tuuri wayen cabdulaahi iyo cida markaa ay isleeyihin dowladnimada ma anfacaysaa? Dadkaaga iyo dalkaaga dantooda hadii ay kaaga horeysa dantaada kursi doonka ah waa taa sidii nuur cadde waxad ubaahantahay waad helaysaa hadii uu kursiga kaaga horeeya danta dalka iyo dadkana sidii sh xasan dahir oo kale ayaad duul kasta oo yimaada ku jin(fac) noqonaysaa.

Dhaman dhacdoonyinkaas kadib sh shariif madaxweyne ayuu noqday wuxuna madax unoqday jamhuuriyada Somalia…….

1. Waxan ka soo xigtay nin ka mid ahaa golahaas

2. Waxa uu ku qoranyahay buga “almaxakim al islamiyah” oo u qoray Dr cumar iiman

Xogta: ALSHAHID

One Response to Ninkastoo tagaa muxuu talo udiidaa!? (Qaybta 1aad)

  1. c.qadir mxamad ciro April 8, 2010 at 7:38 pm

    walaal ugu horayn waad salaamantahay , ee walaal aniga siday ila tahay mase aniga waxay iltahay in siyaada shariif ay ka ara toosantahay tii dr:c.qaasim waayo dr ka wuxuu wax qaban waaayay dalka iyada aysan ka jirin waxa hadda kajira walllaaa sidaa daraadeeda dr ku wuxuuu haystay fursad uu san haysan shiiqan da”da yar balse kama uusan faa iidaysan
    ok wallaaal macasalllaamo ok

    Reply

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone