Masiixiyaynta Soomaalida dacdaraysan

Kadib markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dalkuna uu gacanta u galay kuwa ilaashada dantooda gaarka ah ayaa  musiibada ugu weyn waxay ku habsatay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwood aan awooda dhaqaale lahayn.

Inta badan shacabka Soomaaliyeed waxay u barakaceen wadamada dariska ah si ay u helaan xasiloonidii ay ku waayeen dhulkooda hooyo.

Dalka Kenya ayaa noqday meesha ay qaxootiga Soomaaliyeed qaarkood u arkeen inuu noqon karo dalkoodii labaad, waxaana xeryo qaxooti looga dhisay dhulka ay Soomaalida degto ee Waqooyi Bari Kenya.

Sanadyadii hore, xerooyinka qaxooti ee  ku yaala Waqooyi Bari sida: Dhadhaab, Ifo iyo Xagar dheer, maysan ahayn kuwo ay noolashoodu aad u xuntahay balse markii la arkay in Soomaaliya xal uusan kasoo socon, shacabkeeduna ay kusoo qul qulayaan xerooyinkaas ayaa waxaa hoos u dhacay kaalmadii ay “Reer galbeedku” siin jireen qaxootigaas.

Haddab waxaa todobaadkan aad loo hadal hayay, Masiixiyaynta (Gaalaynta) Soomaalida dacdaraysan ee ku dhaqan qaxootiyada Kenya iyo sida ay hay’addaha Kiristaanka ah dadkaas ugu faafinayaan waxa ay aaminsanyihiin.

Haddaba arrinta Masiixiyaynta Soomaalida ma ah mid ku kooban qaxootiyada Kenya balse waxay ka jirtaa ama ka jiri jirtay Soomaaliya gudaheeda.

Kadib markii uu dalka galay fawdada iyo kala dambeyn la’aanta, waxaa fursad helay hay’addo intooda badan ay maal galiyaan Kaniisado kuwaas oo hawlo ay ku sheegaan banii’aadanimo ama samafal ka fulinayay Soomaaliya.

Hay’addahan ayaa intooda badan waxaa madax ka ahaa Soomaali qurbaha laga keenay badankoodna si qarsoodi ah u faafin jiray Masiixiyada.

Sanaddii 1994 maleeshiyaad ka amar qaata Sheekh Xassan Dahir Aways ayaa hawl gal caskari oo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxay ku dileen  6 ruux oo uu kamid ahaa Liibaan Ibrahim Xassan (Liibaan Saint of Somalia),  Soomaali Diinta Islamka ka baxay madaxna u ahaa koox Soomaali ahaa oo Kiristaanimada qaatay ayna kamid ahaayeen Prof. Xaaji Maxamed Xusseen, macallina ka ahaa Jaamacada Ummada Soomaaliyeed, Dr. Axmed Cayntow Gobe, Saleban Maxamed Saleban, Maxamed Sheekdon Jaamac iyo xaaskiisa.

Sheekh Xassan Daahir ayaa qirtay in falkaas uu ku leg lahaa sanadii 1996.

Afar iyo toban  sheekh uu ka mid yahay  Sheekh Nuur Baarud Gurxan kuna midaysan “kullanka Culimada Soomaaliyeed” ayaa sanadii 2003 Fatwo Diimeed ka soo saaray Soomaalida Diinta ka baxda, waxaana ay sheegeen inay loo baahanyahay in la mariyo wax uu sharciga Islaamka ka qabo kuwa ridooba.

Sanadii 2005 wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland, uuna xilligaas wasiir ka ahaa Sheekh Maxamud Sheekh Maxamed Sufi ayaa amartay in la xiro Ayaan Abdulqadir oo lagu eedeeyay in  magaalada Hargeysa ay ku gaalaysiisay caruur iyo haween, waxaana 30kii October ee isla sanadkaas ay wasaaradu bixisay waaran lagu soo xiray nin u shaqaynayay hay’ad laguna eedeeyay inuu Masiixiyada Somaliland ku faafinayay.

Haddaba qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku dhaqan ayaa khatar muuqata ugu jira in Diintooda laga saaro maadaama hay’addaha Kiristaanimada faafiya ay adeegsadaan xeelado aad khatar u ah.

Tusaale ahaa hay’adda “The Horse” oo ah mid faafisa Kiristaanimada lagana leeyahay  gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa xeryaha qaxootiga Waqooyi Bari Kenya ku leh xafiisyo ay ka fuliso hawlaheeda waxaana la xaqiijiyay in uu u shaqeeyo Baadari Axmed Cali Xayle oo ah Soomaali Diinta Islamka ka baxay.

Baadari Axmed Cali Xayle

Sidoo kale caasimada Nairobi, waxaa ka jira cisbitaalo ay leeyihiin Kaniisado kuwaas oo Soomaalida ay ku raacaan qiimo jabnida.

Soomaalida tagto cisbitaaladaas, kuwooda awoodi waaya inay iska bixiyaan lacagaha adeega loo fuliyay, waxaa loo sheegaa inaysan wal walin ayna la kulmaan shaqsiyaad loo xilsaaray caawinta dadka dhibaatadooda oo kale ay haysato.

Shaqsiyaadkaas ayaa u sheega Soomaalida aan awoodin inay bixiyaan kharashaadka adeega loo qabtay in Kaniisada ay ka bixinayso taas badalkeedana ay ku biirayaan Masiixiyada.

Cisbitaalada hawlaha noocaas ah fuliyo waxaa kamid ah: Kijabe Hospital oo qiyaastii u jira magaalada Nairobi 80 KM, waxaana cisbitalkaas aad ku arkaysaa Soomaali Masiixi ah oona hawshooda ugu weyn ay tahay soo jiisada dadka ay isku afka yihiin.

Dhinaca kale waxaa jira Soomaali si aan cabsi lahayn u sheegata inay yihiin Masiixi, waxaana ka mid ah; Pastor Cabdiwali Ahmed oo ah Soomaali ku dhashay Kenya gaar ahaan magaalada Garrisa.

Cabdiwali waxaa uu Diinta ka baxay sanadii 1990, waxaana uu kamid yahay Soomaali Kiristaamowday kana dooda fagaarayaasha Diimaha looga doodo.

Xogta: ALSHAHID

10 Responses to Masiixiyaynta Soomaalida dacdaraysan

  1. dahir November 6, 2010 at 2:50 pm

    dhibkan oo dhan waxa u wacan dagaalada kajira dhulkena

    Reply
  2. Abdelfatah November 6, 2010 at 3:37 pm

    Waxaa oogu wacan diinta islamka yeysan aqoon ama waxey shaki ka galay allahi abuuray waxana sii caawiyay dowlad la’aanta

    Reply
  3. Cali Sheegoow November 7, 2010 at 8:53 am

    Runtii waa arin aad u naxdin badan arinta tani oo ah in diinta Islam-ka laga doorta diinta Masiixiga ah , Anigu waxaan islahaa wadan-ka keliya diinta Islam-ka ay ka rumeeyeen dhamaantooda uu san midna ka harin Waa Soomaalida oo ah 99.9 % Muslim Suni ah ,

    Anigu waxaan ugula talin lahaa dad-ka ka doortay diintooda Islam-ka inay ku badashaan aduunyo aad u raqiis ah , Dad-ka Diinta Masiixiga doortayoow waxaa ku saaran wixii adiga gadaashaada oo gaalooba dinbigooda waayo adigaa ugu horeeyay qof Soomaali ah oo Masiixi noqda . .

    Ugu Danbeentii . . . ,

    Alle ayaan waydiisanaynaa inuu san naga fidneen diinteena Islam-ka ah, uuna na tusiyo maalinta Danbe wajigiisa Qiimaha badan . . .

    Allow walaalaheena diinta Masiixiga doortay Allow hanuunkooda dib u soo celi waayo qof-kaad dhumisaa qof hanuunin kartaa ma jirto . . Ameen Ameen . .

    Wabilahi Towfiiq .

    Reply
  4. Cali xassan November 11, 2010 at 3:55 pm

    Walle waa yaab. Ma haddaa Soomaalidii la dhihi jiray Diin laguma gaaro ay sidaan isu badashay? Allow naga bad baadi sharta gaalada

    Reply
  5. Fahma Nur November 17, 2010 at 12:23 am

    Ninkan meesha ku sawiran ma ahan Soomaali. Axmed Xayle noocan uma eka ee Ilaah ka yaaba qoladan dadka ku been abuuranaya.

    Reply
  6. abdiwahid November 17, 2010 at 10:57 pm

    hada kahor baan maqlay sheeko kadhcday dalka kanada :waxay ahayd iyadoo rag soomali ah ay turub ciyaarayaan baa nin kamid ah markuu badshay wuxuu yiri isagoo faanaya “ogaada in aan ahay nin masiixi ah” dabadeed oday baa yiri :walle nimankii reer hebal ahaa (wuxuu sheegay qabiilka ninka gaaloobay) ilaahay waa u nimceeyey haduu kaas fooshaxunba diintoodii uga baxay”dabacan ninku nin gaalnimada foolxumadeedu ka muuqatuu ahaa.

    marka kana meesha ku sawiran waxba kama sheegayee kolayba waa lacag raadis malaha.meeshaas in aan diin lagu hayn wuu ogyahayaye.

    Reply
  7. jaamac December 25, 2010 at 12:30 pm

    runtii aadbaan ugu qoslay maqaalkan iyo wuxuu ka waramaayo. Soomalidu badiyaa waxay rumaysan yihiin wax khuraafaada oo aanay waxba ka jirin. sidaad moodaysan maaha Masiixiyaddu Soomaalida iyo Muslimiinta toona dano gaara kama laha. haddaba, waxaa jiro tiro aad u badan oo Soomali ah isla markaasna Masiixiyiin noqday, oo aniga ayaa ka mid ah. waxaa haboon inaad indhihiina furtaan oo wax badan aad lasocotaan. Ilaahna waxaan idiinka baryaynaa inuu idin tuso dariiqa suuban ee isaga loo maro, kaasi oo ah Ciise Masiix. waxaan idinka ducaynaynaa shaydaanka idin duufsaday inuu idinka soo dabaalo. amen.

    Reply
    • Cali xasan December 27, 2010 at 2:51 pm

      Jaamac Gaal, ma waxaad mooday in gaalnimo lagu faano, ey baad tahay waxaadna ku dhiman gacanta Muslimiinta Alle Idinkii.

      Reply
  8. Cali xasan February 5, 2012 at 4:16 am

    War markaan Bible-kiina akhriyay waxaanba ku arkay wax badan oo wanaagsan!

    Reply
  9. CabdiMasiix April 2, 2012 at 12:01 am

    Maqaalka wax badan oo run ahu wuu ku qoran yahay, wax badan oo been ahuna waa ku jiraa. Way jirtaa in raggaa la laayay ay ka dambeeyeen Xasan Daahir Awees iyo Sheekh Suuleey, balse arintaasi ma dhammaan, lamana illoobin raggii xaqdarrada lagu xasuuqaye waa la isaga daba iman doonaa.
    Waxaadse been ku sheegtay, in Soomaalida laga gato in ay diinta Kiristaanka ku biiraan. Masiixiyiintu diinta aawadeed qofna wax kuma siiyaan. Dadka in la caawiyaa waa bilaa shuruud.
    Waxaad been ka sheegtay Axmed Cali Xayle. Axmed baadari ma ahayn; hay’ad samafalla madax kama ahayn. Wuxuu ahaa professor wax ka dhiga jaamacad ku taalla magaalada Nairobi, waligiina ma tagin qaxootiga Dhadhaab.
    Waxa aad meesha ku soo qortayu waa uun beentii iyo dacaayaddii Muslimka.

    Reply

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone