Dhool Bari (Maanso)

W/T: Hal-aqoon:
Cali X. Maxamed Cabdi (Cali Ileeye)

“Dib maxaa idiin celinayoo hore, idiin diiday
Maruun maad ku dayataan khalqiga, libinta doonaayaa’’
Abwaan: Xaaji Aadan Afqalooc

Qof kasta oo si dhab ah u fiiriya waayaha Degellada iyo Dadka Soomaaliyeed –waa marka uu iska faydo daaha Tolnimada, Kooxaysiga, GobolaysigaIWM ee dahaadhaya aragtida qummane –waxa u soo baxaya heerka dibudhaca Waxbarasho, Dhaqan Dhaqaale, Maamul iyo kan Bulsho, ee aynu ku sugan nahay, marka la ina barbardhigo dadyowga bahweynta Carro-edeg. Si kale hadii aan u dhigo, marka aad sidaa u jeedaaliso dhulkeena waxa aad dheehan kartaa muuqaallada naxdinta leh ee horteena yaalla. Hadii aynaan indhaha saaban cidna ma diidi karto inaynu halbeeg u noqonnay wax kasta oo taban. Haa, waa la odhan karaa waa la is yar dhaamaa, wax se aan badnayn. Tusaale ahaan dhulka Soomaalida waxa aynu u qaybin karnaa saddex waaxood oo kala ah:-
1 –Qaybo jiritaankoodi halis galay oo dadaal ugu jira inay mar kale cagahooda isku taagaan. Hantaaqo gudeed iyo mid dibadeedna ay isugu biireen, walina kufaa kacaya.
2-Qaybo xasilan balse uu hadheeyay; Musuqmaasuq, Maamul xumo, Caddaalad daro, Eex, Qaraabo-kiil IWM. Kuwani waxa ay halis ugu jiraan inay qoddobka koowaad dib ugu noqdaan.
3-Qaybta saddexaad waa meelo nabdoon jiritaankooduna aanu halis ku jirin, ha se yeeshee ay istaagtay giraantii horumarku – maamul xumo darted.
Hadaba su’aalaha isweydiinta lihi waxa ay yihiin;
*Inagu ka Soomaali ahaan ma ognahay halka aynu taagan nahay?.
*Ma ku baraarugsan nahay in la inaga tagay?.
*Sidee baa la inoo hayaa ama maxaa dib inoo dhigay?.
*Dhaymaheenu waa maxay? Maxaa, Maxaa…?
Waydiimahaas iyo kuwa kaleba maansada tan “Dhool bari” ayaan si guud mar ah isugu dayay inaan kaga halceliyo. Shifo ku afsaar.

Dhool Bari

Dhalandhoolka waayaha
Xilliyada is daba dhacal
Dheef iyo wanaaggiyo
Xume iyo dhibaatiyo
Dhacdo lagu xasuustiyo
Midba sheeko dheer lee
Dhiiftiyo abaaraha
Ama dhamacda jiilaal
Marka dhibicu baaqdee
Sahan loo dhaqaaqee
Dadku kala dhuyaale
Inba dhinac u socotee
Dhulka laga hayaamee
Siigadu ku dhabatee
Dhudhun yaraha Adhi iyo
Geeslaydu dhimatee
Booyad dhayne saarkiyo
Biyo dhaamis noqotee
Raggu hawl la dhuubtee
Dhaforradu gotaanee
Gaarina dhalaalkiyo
Dhaashiga illowdee
Dhexda maro ku xidhatee
Laga dhaarto raaxiyo
Dhayal lays ag-seexdoo
Dhakafaarka sabankiyo
Maalmahay dhanaan tahay
Iyadoo la dholondholay
Dhibta laguma waaroo
Ruuxii dhursugayee
Dhawraaya falagguna
Rajo kama dhammaatoo
Dhamme lagama quustee
Cirka dhaysta keeniyo
Dhool bari ka muuqdaa
Dhaan loo nagayn jirey.

Dhibic seerma waydiyo
Gu’ga dhalashadiisiyo
Kolba heego dhigatiyo
Balli iyo dhijaamiyo
Dhul xareedi jiifiyo
Doog dharabku fuuliyo
Dhirta oo magooshoo
Man dhalaalay bixisoo
Dhaayaha u rooniyo
Dhafaruur macaaniyo
Shinni malabka dhoobtiyo
Geeloo intuu dhalay
marki dhiilka loo culay
Xoorkii is dhooroo
Dhaydiyo Karuurkiyo
Maygiyo dhanaankii
Iyagoo is dhinac yaal
Cidi aanay dhaminoo
Dharag lagu caweeyiyo
Dhallintoo is cugatoo
Shirabka iyo Dhaantiyo
Dheelaysa Heelloo
Jaan-dheerta tumatoo
Dhisme aqal la daahiyo
Yarad layska dhiibiyoo
Guur loo dhagtaagee
Guryasamo dheh Iidoow
Baryo lagu dhaqnaan jiray.

Dha’ ley jiiftadayduna
Af-soomaali dhaladiyo
Murti weeye dhilanoo
Siday tahay hunguri-dhubuq
Dhakhso loo hamhamiyoo
In-dhaw-aragga jeediyo
Humbul dhaadi maayee
Ruuxii il-dheerbaan
U dhawaqayaayoon
Rajo soo dhawaatiyo
Dhugo leeyay heestoo
Marna dhiillo culusiyo
Waa baaq dhambaaloo
Kasha daxalku dhoobmiyo
Dhagihii daboolmaan
Dhukaygiyo dahaadhkiyo
Dhiiqada ka tirayoon
ka dhabaandhab leeyoo
Kolba waxan ku dhayayaa
Dhidhka boogahaygoo
Xalay dhalalawgaygii
Hurdo dhaban ma saarine
Dhafar baan ku joogoo
Dhawawalanka aayaha
Anigiyo dhulkaygaa
Dood dheer wadaagnoo
Mid waliba dhankiisuu
Dhirin dhiriyay weedhoo
Dhab intaan abbaarnaan
Dhexdhexaad u hadalnoo
Dhiidhiibnay eraygee
Biya-dhaca araartiyo
Dhaabbaddiisu waatane
Bal dhagaysta sheekada.

Waxaan idhi dhulkaygoow:
“Illamaa dhiskaagii
Nin qabiil ku dhaatoo
Dheeraad ku raadshoo
Dadka ka kala dhawaystiyo
Dhillawyahan dulsaariyo
Daba-dhoon shisheeyiyo
Doqonkiyo dhabcaalkiyo
Nacaskiyo dhagwayntiyo
Tuug iyo dhadhamo raac
Durrujaa dhamaantii
Dhaxalkaaga yaa baday?.

waxan idhi dhulkaygoow
Dharaartii la joogaba
Mayd dhoolli sido iyo
Dhaawac tirada beeloo
Dhakhtarrada ka buuxiyo
Dhagar iyo shirqooliyo
Xabsi laysku dhacanshiyo
Madfac lagu dhammaadiyo
Baaruud dhacaysaa
Dhagihii na daaloo
Dhimannaye ma nooline
Ma mid aan dhamnaanbaa?.

Waa maxay dhulkaygoow
Daba-dheer abaarbaa
Dhuuxayga Shubatoo
Ubadkiyo dhallaankii
Caano looma dhiijoo
Dhami maatidaadii
Dhiilaha faqriga iyo
Dhoomaa la saaree
Baddan dhereran xeebtiyo
Wabiyada is dhaafiyo
Dhoobadaada wacanee
Khayraad dhex jiifiyo
Dheemanta iyo luulkiyo
Dhagaxaantan Dabahbkiyo
Buurahaagan dhumucdale
Dheeftooda yaa cuna?.

Waa maxay dhulkaygoow
Hashan dhudi la leeyiyo
Dhiin iyo sacaagiyo
Adhigaagan dhaaddiyo
Summaduhu ku dhigantee
Malaayiinka dhaafee
La dhaqaayo uunee
Mar dhibiiqa Shilintiyo
Laga dilo dhibiijoo
Laga duusho dhuuggiyo
Dhibta goor la mariyoo
Carro loo dhigaayiyo
Marka ceelka loo dhuro
Reer mii ku dhabar jabay
Miyaan dhiriq qadhmuuniyo
Dhibi iyo ur mooyee
Ruuxii dhex joogaa
Dhenged wuu ka daranyoo
Dheehaa ka daatee
Dhito subag la tuuliyo
Dharku hay danbeeyee
Talow caano laga dhamin?.

Wuxu yidhi dhulkaygii:
“Su’alahan dhinbiishaa
Bulshadaan u dhaafoo
Iyagaa dhigdhigiyoo
Macnahooda dhuuxiye
Aniguba dhankaygaan
Dhabdarada xanuunkale
La dheeldheelliyaayoo
Dhariguba kulaylkuun
Dhuuni kuma bisleeyee
Haddii aan dhandhaarradu
Dhinacyada ka haynoon
Isu dheelli-tirahayn
Dhaylo kuuma kariyee
Qaran iyo dhiskiisuna
Saasuu ka dhiganyoo
Inta dhiig sokeeyiyo
Dhaca iyo xasuuqiyo
Dhimashada jidaysiyo
Kuwo diin ku dhuuntaa
Qayrkay i dhaafshoo
Inta barasho dhigatiyo
Dhallintiyo wax-garadkiyo
Kasmo dhaadhigaygiyo
Dhakhtarkiyo aqoolkaan
Dhaymaha ka sugayee
Dhimirkooda dabartee
Xiska dhacanta saartee
Dhaleecaynta badawdiyo
Ka gabbada dhaliishee
Odayada dhammaadee
Dhulluxyada damqanayiyo
Dhaqdhaqaaja doogtiyo
Dibusocodka dhugatee
Dhakadoodu curintiyo
Dhimirlisidda diiddee
Dhalanrogad ku culusyee
Asal lagu dhagnaadiyo
Dhagaxawga yeelee
Dharag uun ka talisee
Kamballada dhabacatee
Iga galay dhufayskaan
Li’idood dhutinayaa.

Xilka kaan u dhiibtee
Walle iigu dhaartee
Wacadkii dhantaalee
Hantidayda dhuuqaa
Dhibka ii horseedoo
Kuwa dhuuqsan duubkee
Boqolaalka dhaafee
Kursi dhinaca joogee
Xaqa dhagaxa saaree
Markastaba dhawaaqaa
Dhaqankayga biiyoo
Inta Qaadka dhilatee
Noloshii ka dhacayee
Waqtigooda dhumisee
Shilinkooda dhiibtaa
Iga guray dhaqaaloo
Inta sibiq dhaqaaqdee
Saxaraha ku dhugucdee
Dhul shisheeye aaddiyo
Inta dhoof ku maqan baa
Dhaxan igu bannaysayoo
Inta dhuxusha shidatee
Dhirta iga idlaysaa
Xaabkii dhammaysaa
Iga dhigay bannaanada.

Bal ogaw se dheeroow
Wixii dhabanna haysiyo
Dhakafaar la soo maray
Isma dhiibin aniguye
Waxan dhawaryaa wali
Soomaali dhalatoo
Dhudhun iyo awoodiyo
Dhiig iyo dareenloon
Daba dhilif ahaynoo
Dhinacyada is haystoo
Dhibran oo is jeceloo
Nabarkii dhexdoodiyo
Dhiriftii illoowdoo
Dhididkooda maaloon
Dawarsiga dhunkaashiyo
Sunta dhabaqsigeediyo
Deeq aan dhursuginoo
Gobonimada dhimatiyo
Sharaftooda dhawrtoo
Magaceena dhaadhacay
Dhiiqada ka qaadoo
Dhaska iga garaacdee.

Waxan dhawrayaa wali
Axmed Gurey dhashiisiyo
Faarax Nuur dhugtiisiyo
Dhamacdii Darwiishkiyo
Dhiirranoow Aweysiyo
Bashiir dhiidhigiisiyo
Dhawaqii Suldaaniyo
Barkhad dhaayihiisiyo
Dhammi geesiyaashii
Dheddig iyo labooodkaba
Dhihid laguma koobee
Usha kulul la dhici jiray
Dhidarkiyo gumaystaha.

Waxan dhawrayaa wali
Dhallintii xornimadiyo
Leegada dhiggoodiyo
Dhagaxtuur kolay tahay
Raggii dhiirranaayee
Dhagxumada ka diriraay
Iyo dhaadashada guud
Markay dhacanto Maandeeq
Dhicinteeda awgeed
Nafhur uugu dhiman jiray.

Hadal iyo dhammaantii
Warka lama dhabqiyo’oo
Dhexda lama sudhnaadoo
Dhurmi maayo aniguye
Dhoohane dadkaygoow
Qofu maanku dheeliyay
Dhanjaf lagama cuudshee
Dhakhtar aynu aadnee
Dhibta maysla qirannaa?!

Dhammaad.

Allaa Mahad Leh

W/T: Hal-aqoon:

Cali X.Maxamed Cabdi (Cali Ileeye)
Biligdire/Facebook : naleye99@hotmail.com

Xogta: ALSHAHID

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone