Deeleyda Q: 21aad: Maansada Daleel

Maansada Daleel.

 Deelleeyda kama harin

Dabuubteeda maan dhigin

Dacalkaan hayaa wali

Dibnahaa ku daakira

Diiwaanka qoraniyo

Iyo doodda furanbaan

Wali sii durkinayaa

Dusha sare u rarayaa

I daymiya dhagaha’oo

Dareenkana isiiyoo

I dul qaata gacalkoow.

 

Dadku waxuu xasuustaa

Damiirkuna ka giigaa

Diirkuna ku ololaa  

Dulmigii Shaamoow

Duhurkii la weeraray

Ardadii la duubee

Darajada mudneydee

Digriigiyo aqoontiyo

Da’yartii cusbaydiyo

Digtooradii qarniga kacay

Ninka dabarjarkoodii

Darajada u haystee

Daafacayaa walibee

Waa daalimiin yidhi

Dad allow muxuu yahay?.

 

Digtoor caafimaadoo

Cudarada daweeyiyo

Ubaxii dalkeennaan

Berri daadahaynlaa

Waalid soo daryeeliyo

Dadkii ugu mudnaa iyo

Aqoonyahankii doornaa

Danjiraha dalkeeniyo

Dadkeenaba u duubnaa¨

Duqaydiyo waxgaradkii

Ninka dilay muxuu yahay?!.

 

Wariyaasha diraneee

Farriimaha dadwaynaha

Daafaha aduunyada

Marka uu dab dhaca iyo

Dirirtiyo colaadaha

Dadkooda  u adeegoo

Daabula dhambaallada

Nabadana u doodaa

Ninka dilay muxuu yahay?!.

 

Dawladdeeda diintee

Wadaadada ku daabani

Diirsooc ma daysee

Miyaan laga digtoonayn?!.

 

Dersibaraha diintiyo

Ducadiyo dabiibkiyo

Aqoon yahan ditooriyo

Nin doorkii bulshadaa

Loo dilaa danaaniyo

Dakano uusan galinoo

Daallin dhiiga quutiyo

Dadqal ay wareemaan

Doqon luqunta uu jaro

Markii ay dideenee

Sida deero loo dilay

Darna waa dhamaadeen

Darna way dareereen

Dibadda dalkeeneey

Daryeel li’i ku haysiyo

Midna diif xanuun badan

Dalka ay ku haysaa

Ma danteena qaranbaa? 

 

Ma degmadaan Anaaliyo

Gobolkaan dadkaygaa

Deganoo ku nool baa

Lagu wada dacwoonaa?.

 

Ma siyaasi dibaddaa

Diinaar iyo lacag adag

Ka soo daabulaayoo

Dibitaatiyo caaniyo

Danjire in laga dhigo

Magac uun ku doonaa

Yaan laga digtoonayn?.

 

Ma gedisleey dukaanloo

Dubaay iyo Shiinaha

Wax kasoo  soo dejiyoo

Cuntadoo daadsan keeniyo

Badeecadda dekeeyoo

Ku dul xira baskhaarkoo

La beegsada diraacdoo

Doollar uun ku iibshoo

Miskiin iyo danley iyo

Danyartiyo agoonta

Duunyo aanan haynoo

Ducafada dhibaayaa

Dirqi kaga dhigaayoo

An Wax ugu deeqinoo

Isha uun ka daawada

Diinta sadaqadeediyo

Canshuurteeda dawladda

Midna aanan dirinbaan

Ka dibiray xumaanbaa?.

 

Diirsooca baahee

Umaddu ay dul joogtee

Marna aan la daynaynoo

Duqow iyo caruur iyo

Culimo aw diinka iyo

Kan digriiga sheegtaba

Cidna aan ka daaleyn

Maxaa lagu daweeyaa?!.

 

Faqri baa na daashadoo

Saboolnimaa na duugtoo

Dadka wuxuu la liitaa

Abaariyo diraac iyo

Jiilaal aad u daranee

Waxa ay la dooc tahay

Durdur ruux ag jiifoo

La il daran harraadoo

Garanyn dibnaha qoo

Degelkaaga beeroo

Dibad iyo waxeedaba

Iska diid aqoonoo

Dar allee kaaluunkaa

Daafaha baddeena ah

Dabo aanan garanayn

Hareerihiisa damalkiyo

Dooggu uu ka baxayee

Xoolaha ku daysoo

Ku dawayso nabaddoo

Dusha qaar ka rara’oo

Darna caano duxa iyo

Ka durduuro subaggoo

Darna daaqso garanayn

Doqonimo ka waynoo

Dunidaba ma taallee

Sidee loo daryeelaa

Dantii mooge shacaboow?

 

Deelay ku sheegnoo

Diiwaan u marinnoo

Kama daali doonnoo

Dadkanaan duxleeynoo

Samahu aanu deeqine

Dibnahaa hadlaayoo

Dubaaqaa gurxamayaa

Nafta i dirqiyeeysoo

Ma dayn karo su’aashee

Abwaanoow dareemoo

Degdeg iigu sheegoo

Dawada ila doonoo

Kuligiin dedaal gala!.

 

Doodda waxaan ku jarayaa

Dabarka ugu xidhaayaa

Daa’inkiin ka yaaboo

Aamina dalkiinnoo

Xumaha iska daayoo

Noqda ul iyo diirkeed.

  Dhammaad.

Bashiir M. Xersi

Xogta: ALSHAHID

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone