Sheekh Cumar Faaruuq Shalayna wuu Saxnaa Maantana wuu Saxan Yahay!!!

Waxaan akhriyey faallo ku saabsan Sheekh Cumar Faaruuq oo uu qalinka dul dhigay qoraa sare Bashiir Maxamed Xirsi, taas oo uu Bashiir ku faaqiday hadal ka soo yeeray Sheekha oo ahaa inuusan waxba ka qabin inay ciidamo Afrikaan ah dalka yimaadaan.

Markii aan wada dhuuxay faallada Bashiir oo ah mid si aad ah u xirfadeydan, isa saarsaaran, xardhan, misana cilmiyeysan ayaan go’aansaday inaan qalinka dul saaro oo aan hadalka Sheekha u dhigo si ka duwan sida uu Bashiir u dhigay.

Ugu Horreyn Sheekh Cumar Faaruuq weligeey ma hor fadhiisan, laakiin maalin ayaan si toos ah uga qeyb galay muxaadaro uu ku qabtay waqooyiga Muqdisho, hase yeeshee tafsiirka Quraanka ayaan ka dhegeystay isagoo cajal ah oo aan laba mar naqtiimay, taasina Allaah ayaan uga baryayaa inuu ka abaal siiyo, uguna abaal gudo Janatul Firdowsatul aclaa.

Hordhacaas yar kaddib waxaan doonayaa inaan Bashiir iraahdo Sheekhu Shalayna wuu saxnaa maantana wuu saxan yahay.

Shalay wuxuu ku saxnaa wuxuu fatwo ka soo saaray gaalo soo duushay, oo la wada ogsoon yahay cadaawadeeda heerka ay qoto dheer tahay, taas oo qabsatay dalka Soomaaliyeed ee Muslimka ah ee uu sheekhuna ka soo jeedo, waajib muqadas ah ayeyna ku aheyd inuu fatwoodo.

Dadka markaas keenay amxaarada waxay ahaayeen kuwo ay amxaaradu u dhiibatay xilalka ay hayeen inay u yeertaanna waxay aheyd wax loo meeriyey. Waxaa la wada og yahay illaa heerka ay Amxaaradu dalka maamulaysay oo mararka qaar gaarsiisnaa inay saxaafadda caalamku qoraan inuu askari amxaaro dharbaaxay Madaxweynihii dalka Md. C/Laahi Yuusuf Axmed.

Dulleysiga ay dalka ku hayeen iyo Taariikhxumada ay joogitaankooda ummadda u aheydna cidina ma inkiri karto.

Sheekhu wuxuu ahaa hogaankii diinta ee laga sugaayey fatwada, dadka maanta Jihaadka shakiga hareeyey dalka ka wadana markaas Sheekha fatwadiisa ayey ku dagaal galeen, laakiin wixii ka dambeeyey talooyinkiisa oo dhami waxay isaga dhego tireen sida ay yeeleen culimada kale oo dhan.

Aan ku xasuusiyeen fatwadaasi iyo tan maanta aad qalin daareyso waxaa u dhexeysay fatwo kale oo sheekha soo saaray markii ay amxaaradu baxday.

Sheekhu wuu fatwooday markii Itoobiyaanku baxeen oo wuxuu yiri ”Jihaadkii wuu dhamaaday,inta hartay wada hadal ha lagu dhameeyo”, laakiin fatwadaas markii uu soo saaray waxaa loogu jawaabay cay iyo in meelaha loo mariyo inuu is dhex qaaday oo maskaxdiisa ay isku dardarsantay, mana filayo inuu sheekhu astaahilay inay sidaas ugu jawaabaan dadka Islaamiyiinta ah ee jihaadka horkacayey.

Waxaa intaas u dheeraa in hadalkiisa laga soo qaaday sida dadka caadiga ah ee idaacadaha ka hadla oo kale. Waxaa loo raaciyey yas iyo ijaafooyin waaweyn oo xitaa la gaarsiiyey in loo nisbeeyo inuu fahamka diintu ku yar yahay.

Ilaah ayaan ka magan galnay inaan culimadeena quursano anagoo isla saxan. Waayo wuxuu rasuulkeenu SCW noo sheegay inay culimadu yihiin kuwa dhaxlay ambiyada, kana dhaxlay cilmi oo aan ka dhaxlin diinaar iyo dirham midna.

Waxaan dhegeysanayey maalinkuu Sheekhu idaacadda VOA-da kala doodayey Ismaaciil Xaaji Cadow oo uu sheekhu yiri ogolaada wadahadal, ismaaciilna yiri ogolaanmeyno ilaa AMISOM baxdo-

Maalinkaas ugu yaraan 10,000 oo intaas kaddib Muqdisho lagu dilay meysan dhiman, malyuumaadka sii barakacayna maysan sii barakicin, niyad xumida shacabka ku dhacdayna meysan jirine farxad ayaa daku la ilmeynayeen maadaama amxaaro baxday.

Laakiin wiil sita qori oo dadka dilaya, Allaahna kheyr ka rajeynaya ayaa sheekhii warkiisa beeniyey iyadoo aysan jirin meel inta lagu dooday sheekha lagaga jid helay oo aan aragnay.

Bashiirow haddii wiilasha yaryar ee keligood isu fadwooday ay ku saxan yihiin inay Sheekha intay diinta ku quursadaan maskaxdooda jihaadka ka maamushaan, Sheekha oo aan qirsan nahay inuu ka cilmi badan yahay wiilashaas inuu manta go’aankan qaato wuu ku saxan yahay.

Sababta uu ugu saxan yahay waa tan.

1. Dalkii waxaa ka socda dagaal kii ugu xumaa abid oo misana la leeyahay waa jihad oo noloshii dadkana ciriirigii ugu xumaa la geliyey, taas oo AMISOM u sahashay inay geystaan xasuuqii ay ku taamayeen inay qiil u helaan kooxaha dagaalamayana way diideen in arrinka wahadal lagu dayo si bal looo arko inay wax xallismi karaan.

2. Sheekha oo cilmigiisa kaashanaya iyo dhammaan culimadii la qabtay fikirka in Itoobiya lala jihaado waxay qolooyinka isku heysta Soomaaliya ku qancin waayeen inay arrintooda u bandhigaan Kitaabka oo ku gareytamaan, shuruudaha meesha la soo dhigay ee ay ka mid tahay AMISOM na wadahalka lagu daro, maadaama qolana ay dooneyso inay xoog ku saarto, qolada wadatana aysan diyaar u aheyn inay yeelaan taas. Iyaguna waa awood jirta oo aan la inkiri Karin.

3. Dhalinta dabka qaaday ma muuqato mustaqbal ay soo wadaan oo ay dadka ka filan karaan, keliya waa laga baqaa, baqdintaasna waxaa keentay gacan kuleylkooda, taasi waxay culimadii ku riday inay naftooda uga baqaan.

4. Dhalinta dagaalameysa culimada uu Sheekhu ka mid yahay intay la doodeen kuma qancin inay xaq ku taagan yihiin oo way iskala waynaadeen maadaama ay yihiin libaaxyo laga baqo amarkoodana fulo.

Sidaas darted ayuu Sheekhii u arkay in dadka maanta Jihaadka Soomaaliya hogaaminaya aysan diyaar u aheyn inay maslaxo raadinayaan balse arrinkoodu yahay inay dantooda gaaraan ama dhintaan. Diintuse ma qabto dantayda aan gaaro ama aan dhinto.

Wax yaabaha aadka naxdinta u ah waxaa ka mid ah in culimada ay ka mid yihiin Sheekh Cumar Faaruuq, Shariif Cabdinuur, Sheekh Umal, Sheekh Maxamed Idris iyo kuwa la filka ah laga dhigtay wax lagu maadeysto.

Xushmadii waalidnimo iyo diintii ay dadka bareena waxaa laga soo qaaday waxba kama jiraan iyadoo la eegaayo inuusan taageersaneyn danaha ururkaasi.

Sheekhii aan jihad u arkin waxa ka dhacay Soomaaliya wuxuu xaq u leeyahay in lala dodo, lana fahamsiiyo, haddii isaga xaq ku taagan yahayna laga qaato, laakiin ma mudna in laga duro meel cidlo ah.

Culimadu aragti way ku kala duwanaan karaan sida ku cad mad-habaha aan heysano ee afarta ah iyo Sheekh Maxamed Cabdulwahaab ee ka dambeeyey misena faham ka qaatay caqiidada saxda ah.

Haddii aan gunta u soo dhaadhaco oo aan ka jawaabo Bashiir Su’aashiisa ah sheekha ma shalay ayuu saxnaa mise maanta sheekhu Labada marba wuu saxan yahay ee wadciga ayaa kala duwan.

Haddii aad la xiriirto oo aad isaga kala dodo sabatana inuu kaa qanci lahaa isasoo nusuus adeegsanaayo ayaa hubaa.

Ragii uu shalay markii ay daciifka ahaayeen u fatwooday ee u hiiliyey, markii ay xoog is bideen isagii ayey ka soo qaadeen nin diinta jaahil ka ah, ama caqligiisu ku filneyn oo is dhaxqaaday, arrinkani waan filayaa inaad Pal talk ka dhegeysato mar walba iyadoo culimada lagu lafa gurayo oo ay xag xaganayaan wiilal yar yar oo aaminay inay shuyuukhdii ka cilmi bateen. Hanuunka Allaah ayaan dhamaanteen noo weydiinayaa.

Anigu Cabdiqaadim xaalkiisa gali maayo oo ma fahmayo siyaasadiisa, wax kasta oo uu sheegaya dhab uma wada qaato oo waa siyaasi dadka qaldi kara, laakiin tan Axmed Diiriye aan wax yar kaa iraahdo iyadana.

Axmed Diiriye ma wuusan aheyn kii amxaaradda ka cabaadsiiyey ee ay sina uga nasan waayeey, ma wuusan aheyn afka kaliya ee shacabka dhibaateysan u hadli jiray, ma wuusan aheyn kii wiilkiisii loo dilay dartiis isagana god u galay oo muddo dheer u qafaalnaa amxaaro.

Axmed Diiriye wuxuu ahaa qofka dareenka caalamka u soo jiiday Soomaaliya ee iftiimiyey xasuuqii ay amxaaradu geysanayeen. Anigan kula hadlaya oo u shaqeeya Aljazeera ayaan Axmed Diiriye oo ka cararay gurigiisa ku soo wareystay geed hoostiisa Ceelka Cali Turcaaye, isagoo noqday qofkii ugu horeeyey ee hadla oo yiraahda axmaaro shacab ayey xasuuqeysaa, xilli aan cidina ku dhicin inay amxaaro wax ka sheegto.

Markii ay amxaaradu baxeen isaga iyo saaxiibadiisa waxay isku dayeen inay ka odeyeeyaan kooxihii amxaarada ka dhexlay xilka ee ka soo kala jeestay dhicana Jihaadka iyo dhinaca Dowlada, laakiin waxaa lagu yiri haddii aad hadashid aashaa.

Markii uu waayey wax hadalkiisa qaata, isagoo tiisa u yaaban, ayaa haddana lagu qasbay inuu gurigiisa ka soo cararo oo magaaladii uu xureynteeda u dagaalameyey ku dhuudhuunto.

Ilamaha ahan inuu filanayey inay jihadiyiintu ku dhahayaan waan ku dileynaa isagoo la og yahay sida uu garabkooda u ahaa, mana ka astaahilin inay sidaas yeelaan, laakiin ka soo qaad qof lagu dan gaaray oo hadalkiisana la tuuray. Marka uu xaalku marayo waxay dantu bideysaa inuu mowqif kale qaato.

Aniga Sheekha iyo Axmed Diiriye waxaan rumeysnahay inaysan qaldaneyn, kuwa qaldani waa kuwa is dagaalaya ee haddana diidan in la maslaxeeyo oo kitaabka Alle arrinkooda loo bandhigo.

Allaah wuxuu quraanka nagu amray “HADDII AAD ARRIN ISKU QABATAAN U CELIYA ALLAAH IYO RASUULKIISA” taas oo macnaheedu yahay Quraanka iyo Sunada.

Haddaba, Sheekha inta aanan gaarin oo aanan galabsan cuquubo diimeed illeyn qofkii Allaah culimadiisa xagxagto waa loo yaabaaye, waa inaan is weydiinaa haddii uu sheekhu qaldan yahay ma waxaa saxan wiilasha dhiiga dadka ku qubeysta.

Haddii Xaqa looga aamuso baqdin darteed waxay dantu qasbeysaa in runta la qariyo, runtu waa xal dhab ah, xaqa in la sheegaana waa waajib, Sheekh Cumar Faaruuq Macalin Cabdi Suldaana wuu saxan yahay shalay iyo maantanba, ee meesha ay cilladu ka jirto isha la soo raac.

Xogta: ALSHAHID

8 Responses to Sheekh Cumar Faaruuq Shalayna wuu Saxnaa Maantana wuu Saxan Yahay!!!

  1. Guhaad July 15, 2010 at 3:49 pm

    Labada faalaba waan dhuuxay, waana dad xir fadooda soo bandhigaya.
    Albadri waxaan leeyahay kheyr Allaah haku siiyo, Bashirna waxaan leeyahay sidoo kale, waxaanse u raacinayaa sheekha cafis weydiiso waad yara xanjafisaye.
    Waa inaad ogaataa inaan shuyuuqda loola dhaqmi karin sida siyaasiinta, waayo waxay mudan yihiin ixtiraam.
    labadiinaba waad mahadsan tihiin

    Reply
  2. Sahal Cilmi July 17, 2010 at 5:16 pm

    Kheyr ayaan u rajeynayaa culimadeenii maanta midba mowqifka taagan yahay, waxaana rajeynayaa sida ugu dhaqsiyaha badan inuu Allaah nooga dul qaadi doono Heeryada AMISOM, Alshabaab iyo DKMG-ka.
    Ilaah mu’min noo adeega ha noo keeno.

    Reply
  3. salmaan July 31, 2010 at 12:09 pm

    soomaalidu waxay tiraahdaa afnool hadal madaayo, waad isku dayday inaad difaacdid cumar faaruuq laakiin waxaasi difaac unoqon mayaan, maxaa laba gaal oo isku mid ah oo america oo ah cadawga muslimiinta labadaba ka danbayso midkoodna ka dhigay jihaad midka kalena ka dhigay fitno,waa dad dan gaara leh qof walba oo saaxibul caqli ah waa ujeedaa, laakiin waxaa ilaahay mahadiis ah in dadka soomaaliyeed ee muslinka ah fahmeen khidadaha shaydaanku soo maleego, maantana meesha uu xooga saaraa waa qaar culumada ka mid ah oo uu ka weeciyay dariiqii saxda ah. taasina waxba u dhimi mayso jihaadka iyo mujaahidiinta toona.

    Reply
  4. cabdiqadir August 2, 2010 at 11:12 am

    @salmaan loooool!!! ma waxaad naga dhaadhicin rabtaa in la aflagaadeeyo culimada somaliyeed?, war aaway jihaadku miyaan dadku wada rakeen dadka aad dhaheysid waxaay fahmeen jihaad waa mooryaan lakireeyay ee maaha somali is xilqaantay!!!! marka jihaad ha oran yaadan ku cadaab muteysane.

    Reply
  5. Al-hosni August 12, 2010 at 6:39 am

    runtii mowduuca waa mid xasaasi ah aniga se waxan aqriyay kaliya kan walaalkeena albadri kan bashiirna wan aqrindoona waxana kaogaan doona meesha ay sirta ka qurunsantahay oo qilaafka ka taagan yahay.
    lakin walaalka salmaan runtii aniga ila ma ahan waxa somalia ka socda waa jihaad.
    sababo fara badan awgood. mana doonaayo inaan ku xeel dheeraado arintaas maxayeelay qof waliba way u cadahay oo shaac kama saarna.
    balse aan u soonoqde ee. salmaan walaal horta culimada hadii ay qaldan yihiin iyo hadii ay saxan yihiin waa culimadeeni oo an shalay cilmiga u doonan jirnay misina nabaray cilmigan yar ee an maanta meelaha la boodeeno.
    balse waxad oogata qof diin leh inuu san caynin culimada, haba qilaafo ra’yi uu leeyahay qofkaas ama dan gaar ah uu wato. cayda ama aflagaaadada culimada waxa ka yaala sharci iyo axkaam nabigana wuu ka digay in culimada la caayo. maxa yeelay waa dhaxalki uu ka tagay nabiga. sida daraadeed waxaan leeyahay walaalaha aaminsan ineey wadan jihaad misana ku tagan yihiin dariiq xaq ah, anigo se ma aaminsani taasi, inay iska daayayan aflagaadada foosha xun oo ay u geysanaayan culimadeena. waana mahadsantihiin dhamaantiin

    Reply
  6. Mohamed-deq karahaye August 22, 2010 at 2:16 am

    Labada walaalba waa mahadsanyihiin ,
    Runtii waa mowduuc Muhiim ah , waxaan marka hore aad ugu bogaadinayaa walaalaha dhamaantood in aad loo ixtiraamo culimada islaaamka ah , ha u qaadan wax ka sheegooda wax sahlan ?
    Waxaan jeclaan lahaa kaliya inaan weydiiyo walaal Albadri
    Sheekhu shalay markii uu lahaa ciidamada ethopianka ah ha lala dagaalamo , maanta maxay tahay sababta uu ugu yeerayaa inay dalka ethopian ku soo laabto , macnaha marka uu leeyahay IGAD macnaga ethopiana waa ku jiraa weeye ? ok waxaan aragnaa inaad maqaalkaagaan aad aad dhinacooda ka duraysid ciidamada Amison , laakin sheekhu waa taageeray in la soo kordhiyo .
    Ilaahay waxaan ka baryeyna inuu xaqa na fahansiiyo . Amiin

    Reply
  7. Ibnuyusuf September 3, 2012 at 3:46 am

    Fajac baan u go,ay goorti aan akhriyey faaladaadiiye
    Fiqi xumo ayaa muuqatiyo fawdo diineede
    Mana fiirsanaysaane waad fara baxaysaane
    Dameer faraw sidiisii ayaad faran dulaysaane
    Fatwo baadilyo jawr ayaad fiican leediine
    Fajar koo dilaacaad rabtaan fooq ad saar taane
    Fiitno iyo sawaab bay dan garan kalana faalayne
    Faranjina madaw iyo cadaan midu ma fiicnayne
    Fangas weeye Amisom ninkii faahimaa garane
    Waana ficilki xabashida waxay faafinaysaaye
    Fatwo aan sharciga waa faqine fawdo gabigeeda

    O
    OoO

    Reply
  8. Ibnuyusuf September 3, 2012 at 3:49 am

    Oo ruux fayaw aan ka iman yaad ku foognayde
    Fiirinmaysid xugunkiyo naskee fayska fooftaaye
    Fudayd iyo caruurnimona waa faaladaad qorie
    Ka fariiso diintiyo sharciga faahim maad tihin

    Reply

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone