Xoghayaha Xiriirka Kubadda Cagta Somalia oo la kulmay gudoomiyaha Kubadda Cagta Jabuuti

Xoghayaha guud ee Kubadda Cagta Somalia Cabdi Qani Carab iyo qaar bahda Kubadda Cagta ee Somalia iyo Jabuuti ka mid ah

Jabuuti (Alshahid)-Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa magaalada Jabuuti ku tagay socdaal deg deg ah oo aan horay loosii shaacin halkaas oo uu kulan kula qaatay guddoomiyaha cusub ee xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Suleymaan Xasan Waaberi.

Labada masuul ayaa kulankooda iskulasoo hadal qaaday sii xoojinta xiriirka wada shaqeyneed  ee ka dhexeeya labada xiriir ee kubada cagta Soomaaliya iyo Jabuuti oo muddo dheer is bahaysi wadaag ku ahaa dhinacyada FIFA, CAF iyo CECAFA.

Xoghayaha ayaa gaarsiiyay guddoomiyhaha dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed, wuxuuna u rajeeyay in uu Allah ku garab galo masuuliyada cusuls ee loo xil saaray.

Intaa kaddib xoghayaha guud oo isla markaasina ah guddoomiyaha guddiga tartamada ee bariga iyo Bartamaha Africa waxaa uu dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho,  iyadoo maantana uu usii ambabaxay magaalada Kampala halkaas oo cayaaraha CECAFA ay ka furmayaan 24-ka bishan, wuxuuna maamuli doonaa cayaarahaas oo tan iyo inta ay ka dhamaana uu joogi doono magaalada Kampala.

Xogta: ALSHAHID

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone