Xarunta Falanqaynta Siyaasadaha oo Dood Cilmiyeed amniga Muqdisho ku saabsan qabatay (Sawirro)

 boor

Mogadishu (Alshahid)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay Dood-Cilmiyeed ay soo qaban qaabisay Xarun lagu magacaabo Xarunta Falanqaynta Siyaasadaha oo ah Xarun magaalada Muqdisho ka dhisan.

DSC03724

Doodda waxaa kasoo qayb galay Siyaasiyiin, Aqoonyahanno, Saraakiil hore oo Ciidamada ah, iyo Wax garad kale.

 DSC03744

Madaxda Xarunta ayaa ugu horeyn furay Doodda, waxayna markaa ka dib soo dhaweeyeen ka qayb galayaasha oo bilaabay inay ka doodaan qodobbo dhowr ah oo Barnaamijku uu ku salaysnaa.

 DSC03742

Dooddu waxay ahayd mid salka ku heysay qaababka ugu haboon ee loo adkeyn karo amniga Caasimadda. Waxaana jiray Tallooyini ay ka qayb galayaashu is waydaarsanayeen oo arrimahaas iyo xaqiijintooda quseysay.

 DSC03737

Intii ay Dooddu socotay waxaa lasoo bandhigay Tallooyin la xiriira samaynta Maamul wanaagsan, Dib usoo celinta hab-dhismeedkii hagaagsanaa ee Ciidamada amniga, Gaarsiinta Muwaadinka Soomaaliyeed Heer uu ku kalsoonaan karo noloshiisa isagoo aan wax cabsi ah dareemeyn iyo ballaarinta Wacyi galinta bulshada ee ka qayb qaadashada horumarinta ammaanka.

Ka qayb galayaashu waxay isku raaceen lagama maarmaannimada in hay’adaha dowladdu ay noqdaan kuwo ku shaqeeynaya ilaalinta danta guud, iyadoo xoogga la saarayo sidii loo heli lahaa rabitaanka Shacabka iyo qanacsanaantiisa.

Doodaha ceynkan ah waxay kusoo beegmayaan waqti dalka Somalia uu ku tallaabsanayo horumar dhinaca amniga iyo Siyaasadaba ah.

Dadka arrimaha Somalia indhaha ku hayana waxay rumeysanyihiin in Aragtiyada bulshada ee la xiriirta horumarinta amniga ay tahay mid muhiim u ah ka guul gaarista dadaalada ay dowladdu ugu jirto xasilinta dalka.

Iskusoo wada duube Xarunta Falaqeynta Siyaasadaha oo iyadu Dood-Cilmiyeedka maanta qabsoomay soo abaabushay ayaa ah Xarun cilmi baaris iyo tababar oo saldhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Waxaana Xaruntan Aas-Aaskeeda lahaa Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo arkay muhiimadda ay leedahay in la uruuriyo aragtiyada Bulshada ee la xiriira arrimaha Siyaasadda.

Xarunta waxaa la aas-aasay Bishii Sebtembar 2012-ka , waxaayna intii ay dhisnayd Diraasado iyo Cilmi-baaris ka samaysay dhinacyada siyaasadda, amaanka, maamulka, dhaqaalaha, arrimaha  bulshada, warfaafainta iyo qaybo kale oo muhiim ah.

 

Xogta: ALSHAHID

One Response to Xarunta Falanqaynta Siyaasadaha oo Dood Cilmiyeed amniga Muqdisho ku saabsan qabatay (Sawirro)

  1. Aadan dhabaney January 13, 2013 at 5:26 pm

    Waan horumar wanaagsan oo somalia ku talaabsatay farxad galinesa muwadin waliba oo jecel wanaaga dalkisa waxaan rajeenayaa ineey noqtaan bilaaw wanaagsan saxaafadana waxaan rajeenayaa ineey indhaha dadweenaha u so jeediyaan wararka oo kale ee xambaarsan horumarka oo aan mar waliba loo tabin xumaanta iyo wararka xanuunka badan shabakada shahid,net waxan leeyahay horey u socdo …. asc

    Reply

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone