Saadaal ( Gabay)

Gabayagan waxa tiriyey Axmed Siciid Maxamuud waxanu uu ku saadaalinayaa in waqtigii umada sooamaaliyeed dhibtan ka bixi lahayd soo dhowaatey.
Gabaygan waxa la tiriyey markii ay wadamada carabta badankooda kacaanadu ka bilawdeen inbadan oo ka mid ah ragii haystayna ay dhaceen taasoo abwaanka tusisay in tii soomaaliyana soo dhowaatey oo mar uun dhibkan laga wada bixi doono waana mida aan ififaaleheedii maanta aragno.

Gabaygii Saadaal wuxu yiri:

Indhowaydba waataanan sugin sawdka maansada e
Mar Horaan ka saahidey inaan sadara sheegaaye
Adduunyada sifaalaha ka jira saaka balan eegno
Oo maantey samaataye balaan surinka qaadsiiyo

Saxan saxa udgoon baan urshoo saaqday gebigaye
Saylaan da’aayiyo waxaa iisawiran roobe
Sanqarahan dhacaayaan rabaa inan sifeeyaaye
Oo soomaali baan doonayaa inan u saafaaye
Farxad iyo suruur baan wadaa subaxa maantaaye

Daa iradu soo meertayoo siiri baa dhacaye
Sunnadii ilaahbaa timoo waa sidaan rabaye
Ummadii sabaan iyo sabaan silica loo geystey
Ummadii la seejee marqura samaha loo diidey
Ummadii waxay sax u lahayd loo sallimay tuugta
Ummadii la seeg seegayee saabir laga yeelay
Ummadii hadey sama dalbaan amase saanyooto
Ummadii sujuuntiyo dilkaba laga sinnaysiiyey
Ummadii hadey sarakacaan ama sinnaan doonto
Ummadii la seejee xumaha looga dhigay saadka
Wakaa maanta sey damacsanayd saatirkuu qumaye
Wixii saatan noo galay cidluu maanta suluglayne
Wakaa saaxirkii naga tegyoo xididka loo siibye
Waxan saadinaayaa inay sama ku waaraane
Oo soomaali baan eegayaa waxay sameeyaane

Inkastoon sanada soo marniyo seben colaadeedba
Inkastaan salleelowney oo saamax garan weyney
Inkastoo saqiir iyo kabiir xuma la saanyooday
Inkastoon sasnoo firirnayoo sacaba meel aadey
Inkastaynu saxariirnayoo samadu qiiqawday
Inkastoo samaantii luntoo aan wax sixi wayney
Saadaashu waa fiicantahay waana sugayaaye
Oo saxalku waa guurayaa siina jiri maayo

Sarihii kismaayiyo ku yiil suuqi xamar wayne
Safka Buur hakabo Baydhabiyo sabadii Buur dhaabo
Hiiraan halkeey saarantiyo sabarradii Jowhar
Samii Gaalkacyood Soona jiif sanac wanaageeda
Salka bari ilaa lagu simaan laga sokaysiinin
Sool iyo Sanaag iyo burciyo Surad gadaasheeda
Tan iyo saaxil seeraha Ber bera Zaylac gudeheeda
Soomaali oo idil intey soofka ku ekayso
Sokeeyiyo xigaalaynu nahay sebenka maantaaye

Xogta: ALSHAHID

This post was submitted by Axmed Siciid Maxamuud.

3 Responses to Saadaal ( Gabay)

  1. andirashid September 18, 2012 at 5:23 pm

    masha alaah wa abwaan da yar wna gabay qiira badan ilahy haja abaal mariyo

    Reply
  2. madar September 18, 2012 at 9:37 pm

    masha allah wlhi walalkayo wa gabay aad u wanagsan oo xikmad xambarsan waxan ka baryaya illah inu somalida kuwa wax ku qata ka dhigo,

    Reply
  3. kuluuu October 2, 2012 at 11:22 pm

    masha’allah Abwaan Ahmed siciid Allah yubaari fiik walaal wa gabay qiimo badan macno weyn xambaarsan mahadsanid walaal

    Reply

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone