Naafo ku nool Kismaayo oo nolol xumo ka cabanaya

Sawir keyd ah

Kismaayo (Alshahid)- Qaar ka mida dadka Laxaadka beelay ee ku nool magaalada Kismaayo ayaa cabasho nolol xumo ku saabsan u diray cid kasta oo awood dhaqaale leh, iyagoo sheegay inay la daalaa-dhacayaan daryeel la’aan iyo dhibaatooyin kale.

Iyagoo la hadlayay Warbaahinta Maxaliga ah ayeey Naafadani sheegeen in waqti badanba ay la liic-liicayeen dhibaatooyinka nololeed ee heysta, sidaa darteedna waxay Shacabka Soomaaliyeed, hay’adaha Samafalka iyo cid kasta oo awooda ka codsadeen inay gargaar dhinac walbaba leh usoo fidiyaan.

Qayla dhaantooda waxay kusoo aadaysaa iyadoo magaalada Kismaayo ay Sanadihii dambe ka mid ahayd goobaha ay saameeyeen xiisadaha dagaal ee gobalada Koofurta iyo Somalia ku dhex marayay Alshabab iyo dowladda Soomaaliyeed.

Wixii ka dambeeyay markii Alshabab laga saaray magaaladaasina waxay dhinacyada Kismaayo gacanta ku dhigay iyo Wufuud dowladda Somalia ka tirsan oo halkaa booqdayba muujinayeen dhibaato nololeed oo halkaas ka taagan.

Wasiirro dowladda ah oo ugu dambeeyay Wufuudii Kismaayo tagtay ayaa maalmo ka hor markii ay halkaas booqdeen waxay Warbaahinta u sheegeen inay soo arkeen xaalado nolol xumo oo heysta dadka magaalada intooda badan. Waxayna hay’adaha Gurmadka bixiya u jeediyeen baaq ku saabsan in lasoo gargaaro dadkaas.

Xogta: ALSHAHID

One Response to Naafo ku nool Kismaayo oo nolol xumo ka cabanaya

  1. albaraawi January 7, 2013 at 6:59 pm

    waxaa layaab leh wariyayaasha warka soo qorayo ee aan hadana kala garanayn maagalada ay ka hadlayaan iyo sawirka meesha u saaran waxaan idinka codsanayaa dadkiina warka qoro inaad is waafajisaan magaalada aad ka hadlaysaan iyo sawirka aad soo qaadanaysaan hada sawirka meesha idin saaran waa baraawe magaalada aad ka hadlaysaana waa kismaayo taasi waxay daliil u tahay aqoon dari idinka haysato waxa aad qoraysaan meesha aad ka hadlaysaan xataa sida ay u taalo maba taqaaniin ee wax hubsada

    Reply

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone