Mas’uuliyiinta Somaliland oo ka qayb-galay Aaska Abwaan Gaariye (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland oo Aaska Abwaan Gaariye ka qayb qaadanaya

Hargeysa(Alshahid)- Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ka dhacday Munaasabad Aas-qaran ah oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), iyadoo Aaskana ay kasoo qayb galeen madaxda ugu sareysa maamulkaas.

Meydka Marxuum Abwaan Gaariye oo ku jira Sanduuqii loogu tala galay yaalayna Dadweynihii ku tukanayay Jinaazada hortooda

Dadweyne fara badan ayaa iyaguna kasoo qayb galay Aaska Marxuum Gaariye oo isagu Meydkiisa maalintii Shalay ahayd lasoo gaarsiiyay garoonka diyaaradaha ee Ber-Bera.

Madaxweynaha Somalialnd Mudane Siilaanyo iyo Abwaan Hadraawi oo isku gacan qaadaya halka Aasku ka socday

Madaxweynaha Somaliland, Xildhibaanno, Wasiirro, mas’uuliyiinta Ururada Siyaasadda iyo waxgarad kale ayaa horboodayay ka qayb-galayaasha Aaska. Waxayna xubnahan hadalo ay halkaa ka jeediyeen ku muujiyeen sida ay uga murugeysanyihiin geerida ku timid Abwaan Gaariye.

Ka qayb-galayaashii Aaska oo Marxuumka u duceynaya

Waxaa halka uu Aasku ka dhacay oo ahayd Qubuuraha loo yaqaan Xeedho ee magaalada Hargeysa hadalo ka jeediyay shaqsiyaad caan ah oo ay ku jireen Abwaano waqti dheer lasoo shaqeeyay Marxuum Gaariye. Dadkaasina waxaa ka mid ahaa Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame Hadraawi.

Abwaan Hadraawi oo ka dhex muuqda mas’uuliyiintii ka qayb gashay Aaska Marxuum Gaariye

Abwan Hadraawi iyo raggii kale ee ka hadlay goobta ayaa ka sheekeeyay Taariikhda Marxuum Gaariye iyo dhaxalka Suugaaneed ee uu ka tagay.

Alle ha u naxariistee Marxuum Gaariye wuxuu dhawaan ku geeriyooday wadanka Norwey oo uu mudooyinkii dambe ku xanuunsanayay.

Waxay dadkii wax laga waydiiyay Gaariye ee gudaha dalka iyo dibada jooga isku raaceen inuu kaalin wayn ku lahaa horumarinta Fanka Soomaaliyeed iyo in lasoo gaarsiiyo heerka uu maanta taaganyahay.

Kooxihii Fanka ugu waa-waynaa ka hor intii aanay burburin dowladii Soomaaliya ayuu Abwaan Gaariye ka mid ahaa, wuxuuna ka tagay noocyo badan oo Suugaan ah, kuwaas oo ka hadlaya dhinacyada kala duwan ee muhiimka u ah nolosha bulshada.

Suugaanta uu ka tagay Marxuumka waxay isugu jirtaa Heeso, Gabayo iyo qaybo kale oo Suugaan ah. Waxayna ka hadlayaan Waxbarashada, Nabad-galiyada iyo arrimaha Bulshada.

NB: Sawirada ku jira Qoraalkan waxaan kasoo xiganay Shabakadaha Wararka ee kala ah www.hadhwanaagnews.com   iyo www.Oodwaynenews.com 

 

Xogta: ALSHAHID

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone