Darjiinada Caruurtu ku cayaarto oo 21-Sano ka dib Somalia lagu arkayo

Mogadishu (Alshahid)- Waxaa lagu guuleystay in la furo Darjiin ay Caruurtu ku cayaaraan oo laga hirgaliyay Xerro Qaxooti oo hos tagta Hey’adda Bisha Case e Turkiga laguna magacaabo Jaziiraddii Nolosha, taasi oo imaanaysa 21-Sano oo dagaal Sokeeye uu Muqdisho ka socday ka dib.

Gudoomiyaha Bisha Case e Turkiga Axmed Lutfi Aakar ayaa furay Darjiinkan iyadoo ay kasoo qayb-galeen furitaanka tiro badan oo Caruur Soomaaliyeed ah .

Markii la furay ka dibna Caruurtu waxay ku tartameen Qaadista Ukunta iyo Kiishash culculus oo ay ku helayeen Abaal-marino iyo Hadiyado uu bixinayay gudoomiyaha Bisha Cas.

Darjiinkan waxaa laga dhisay dhul Badkiisu uu dhanyahay 500 oo Mitir Laba jibaaran (500 M2), waxayna ka koobantahay Garoon Ciyaareed iyo goob lagu nasto iyadoo ay sidoo kalena yaalaan halkaasi Qalabka Ciyaarta sida Wiifoowga.

Caruurta ayaa waxaa u suurtagali doonta inay Kubadda Cagta iyo Ciyaaraha kaleba ku dheelaan Darjiinka oo ah goob daboolan.

:Xigasho

Wakaaladaha Wararka

Xogta: ALSHAHID

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone