Jaamacadda Camuud oo Billawday Diiwaangelinta Ardayda 2010/1011

Maamulka Jaamacada Camuud waxa uu ogaysiinayaa dhamaan dadka diyaarka u ah inay iska diiwaan galiyaan Jaamacadda Sanad Waxbarasheedka 2010/2011 in ay is diiwaangalintu bilaabmi doonto 15 September 2010 isla markaana ay socon doonto mudo bil ah oo kaliyo oo ku soo gabagabaysmi doonta 15 October 2010.

Jaamacadda Camuud oo ah Jaamacaddii ugu horaysay ee dalka waxa ay sanadkan u diyaarisay dadka waxbarashada jecel inay bixindoonto takhasusyo kala duwan oo ay ka mid yihiin:

1. Kuliyada Waxbarashada waxaad ka helaysaa:

  • Bio/chemistry:-degree 4 sano ah
  • Physics/Math:-degree 4 sano ah ama Physics/Math:-diploma 2 sano ah
  • Geo/History:-degree 4 sano ah ama Geo/History:-diploma 2 sano ah
  • English/History:-degree 4 sano ah
  • Business/Math:-diploma 2 sano ah

2. Kuliyadda Maamulka, Maaraynta Iyo Dhaqaalaha waxaad ka helaysaa:

  • Management/Accounting:-degree 4 sano ah
  • Accounting/Management:-degree 4 sano ah
  • Economics/Finance:-degree 4 sano ah
  • Finance/Economics:-degree 4 sano ah
  • Public Administration:-degree 4 sano ah
  • Project Management:-diploma 2 sano ah
  • Business Management:-diploma 2 sano ah

3. Kuliyada Shareecada iyo Qaanuunka waxaad ka helaysaa:-

  • Sharia/Law:-degree 4 sano ah
  • Law/Sharia:-degree 4 sano ah
  • Arabic Language:-diploma 2 sano ah

4. Kuliyada Caafimaadka

  • Caafimaadka:-degree 6 sano ah
  • Nursing:-degree 4 sano ah
  • Dentistry:-degree 4 sano ah
  • Pharmacology:-degree 4 sano ah

5. Kuliyada Beeraha iyo Degaanka

  • Agriculture:-degree 4 sano ah

6. Kuliyada Injineeriyada

  • Engineering:-degree 4 sano ah

7. Information Technology

  • IT:-degree 4 sano ah

Waxa kale oo intaasi dheer oo aad jaamacadda Camuud ka helaysaa adeegyo kale oo dheeraad ah oo loogu talo galay ardayda oo ay ka mid yihiin:-

1. Adeegga Internetka
2. Ciyaaro kubada cagta ah iyo tartamo kale oo ardayda dhexdooda ah
3. Deeq waxbarasho oo ay jaamacadu siiso ardayda sanadwalba ugu wanaagsan
4. Iyada oo shaqaalaysiisa ardayda qalinjabisa sanadwalba intooda ugu satraysa
5. Iyo iyada oo u fududaysa ardayda ka timaada meelahafogfog sidii ay meel ah dagaan u heli lahaayeen.

Hadaba shuruudaha ugu muhiimsan ee is diiwaan galintu waa:-

1. Inuu ardayga is diiwaan galinayaa haysataa shaadada dugsiga sare oo la aqoonsan yahay ama wax u dhigama
2. Afar sawir oo nooca baasaboorka ah
3. Iyo lacagta diiwaangalita oo

Dhamaan ardayda sanad dugsiyeedii ugu dambeeyay ka qalinjabisay dugsiyada dalka waxa ay u bahan yihiin oo kaliya in laga hubiyo in uu magacoodu ku jiro liiska ardaydaka gudubtay imtixaanadii dalka ee ay wasaarada waxbarashadu hayso.

Isdiiwaangalintu waxa ay bilaabmaysaa dhawaan ee ka mid noqo inta nasiibka u yeelatay inay wax ka barato jaamacadda camuud oo ah jaamacadda ugu horaysa dalka Somaliland ee bixisa waxbasho tayo leh oo la isku halayn karo.

Wixii faahfaahin ah ee intaasi dheer kala soo xidhiidh xafiiska diiwaangaliyaha guud ee Jaamacadda Camuud ama taleefnaka uu lambarkiisu yahay 00252 2 450 4500

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone