Home » Entries posted by Maxamed Cabdi

Xarakada Islaax oo Xilkii ka Qaaday Dr. Cali Baashi, Ganaaxdayna Dr. Cali sh. Abubakar

Xarakada Islaax oo Xilkii ka Qaaday Dr. Cali Baashi, Ganaaxdayna Dr. Cali sh. Abubakar

Alshahid (Hargaysa) – War Murtiyaad ka soo baxay subaxnimada saakay shir ay ku kulansanaayeen madaxda Xarakada Islaax ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday masu’uulkii ururka Dr. Cali Bashi Cumar, isla markaana ganaax lagu soo roogay Dr. Cali Sh. Abubakar gudoomiyihii hore ee ururka iyo madaxa Jaamacadda Muqdisho, oo xubinimadiisii xarakada hakad la geliyay. Bayaanka [...]

Ninka asaasay Burcad badeeda oo la sheeegay inuu ku safro baasaboor diblomaasi

Ninka asaasay Burcad badeeda oo la sheeegay inuu ku safro baasaboor diblomaasi

Muqdisho (Alshahid)-Ninka asaasay Burcad badeeda Soomaaliya waxaa ilaaliyo madaxda dowladda KMG ah, isla markaana wuxuu sitaa baasaboor diblomaasi, sida lagu sheegay warbixin ay diyaarisay kooxda la socodka cunaqabataynta hubka Soomaaliya iyo Eritrea. Warbixinta oo aan weli la horgayn golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay balse nuqul ka mid ah ay heshaya Shabaka Alshahid ayaa lagu sheegay [...]

Wasiirka ammaanka Saitoti oo ku dhintay shil diyaaradeed

Wasiirka ammaanka Saitoti oo ku dhintay shil diyaaradeed

Nairobi (Alshahid)-Wasiirka ammaanka ee Kenya George Saitoto, iyo ku xigeenkiisa Orwa Ojode ayaa saaka ku dhintay shil diyaarareed oo ka dhacay duleedka caasimada Nairobi, sida ay xaqiijisay dowladda Kenya. Shilka ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay laba duuliye iyo laba ka tirsan ilaada wasiirada. Diyaarada dhacday oo uu lahaa booliska Kenya ayaa ahayd nooca loo [...]

Ururrada SYL II iyo NYC oo Muqdisho ku qabtay xuska Sannad-guuradii 69-aad ee kasoo wareegtay Aasaaskii Ururka SYL

Ururrada SYL II iyo NYC oo Muqdisho ku qabtay xuska Sannad-guuradii 69-aad ee kasoo wareegtay Aasaaskii Ururka SYL

Muqdisho (Alshahid)-Munaasabadaan oo ay isla soo qaban-qaabiyeen wasaaraada dhalinyarada, isboortiga, shaqada iyo shqaalaha iyo ururka SYL II iyo Ururka dhalinyarda Qaranka NYC ayaa ka dhacday shalay hoolka Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin sarsare oo isugu jira xildhibaanno, wasiiro, ururrro dhaliyaro iyo haween. Guddoomiyaha baarlamaanka isla markaan ah ku-simaha madaxweynaha, Shariif Xasan Shiikh Aadan oo [...]

Alshabab oo xalay weerartay degmada Garbahaareey

Alshabab oo xalay weerartay degmada Garbahaareey

Balad Xaawo (Alshahid)-Xoogaga Alshabab ayaa xalay saqdii dhexe dagaal kusoo qaaday fariisin ay ciidamada dowladda KMG ah ku leeyihiin bartamaha degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo. Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu muddo socday, isla markaana ay dagaalyahannada Alshabab u suurta gashay inay muddo kooban gacanta ku hayaan magaalada. Lama sheegin wax khasaare ah oo [...]

Munaasabad lagu xusayay Maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed 15-May oo lagu qabtay Beledweyne

Munaasabad lagu xusayay Maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed 15-May oo lagu qabtay Beledweyne

Baladweyne (Alshahid)-Munaasabad si heer sare ah oo loosoo agaasimay isla markaana uu soo qaban-qaabiyay urur dhalinyarro oo lagu magacaabo SYAO ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Mas’uuliyiin ka soctay maamulka gobollka Hiiraan, dhalinyarro, odayaal dhaqameed, haween iyo waliba dad ka tirsan qeybaha kala gadisan ee bulshada ayaa ka qeyb-galay munaasabada oo [...]

Puntland oo dib ula laabatay qaar ka mid ah ergadii uga qeyb galaysay shirka Muqdisho

Puntland oo dib ula laabatay qaar ka mid ah ergadii uga qeyb galaysay shirka Muqdisho

Muqdisho (Alshahid)-Waxaa ka dhoofay caasimada Muqdisho qaar ka mid ah ergadii maamulka Puntland uga qeyb galaysay shirka Odayaasha Dhaqanka ee lagu soo xulayo xubnaha ansixinaya Dastuurka cusub. Odayaasha shirka ka baxay ayaa lagu qiyaasay 20 xubnood, waxaana ay isla maanta gaareen magaalada Garowe. Odayaasha ayaa lagu soo waramayaa inay ka biya diideen Dastuurka cusub iyo [...]

Askari Kenyan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay xerada Dhagaxley

Askari Kenyan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay xerada Dhagaxley

Dhadhaab (Alshahid)-Mid ka mid ah askarta booliska Kenya ayaa ku dhintay, halka 3 kalana ay ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay xerada Dhagaxley ee deegaanka Dhadhaab. Miinada ayaa ku qaraxday gaari ay wateen ciidamada booliska oo xilligaas waardiyo u ahaa shaqaale ka tirsan Hay’adda UNCHR. Taliyaha booliska Waqooyi Bari Kenya, Leo Nyongesa ayaa [...]

Munaasabad lagu xusayay 15-ka May oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Munaasabad lagu xusayay 15-ka May oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Alshahid)-Munaasabad lagu xusayay 15-ka May oo ku beegan maalinta dhalinyarada Soomaaliyed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadaas ka qeyb galeen, wasiiro, xildhibaano, qeybaha bulshada iyo dhalinyaro isugu jiray wiilal iyo gabdho. Hey’adda wada hadalka bulshada CCD oo soo qaban qaabisay Munaasabadan ayaa ka dhacday Hotelka Saxafi, halkaasoo lagu soo bandhigay boor ka [...]

Galmudug oo sheegtay in dagaalyahanno Alshabab ay dhulkeeda soo galeen

Galmudug oo sheegtay in dagaalyahanno Alshabab ay dhulkeeda soo galeen

Gaalkacyo (Alshahid)-Maamulka Galmudug State ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Alshabab ay soo gaareen deegaanno ka tirsan kuwa hoos yimaada maamulkooda. Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Galmudug, Abshir Diini Cawaale ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalyahannada Alshabab ay qabsadeen dhulka howdka ah ee dhinacyada Koonfur iyo Bari kaga beegan Mudug. Mudane Abshir ayaa intaa [...]

Page 1 of 377123Next ›Last »

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone