Home » Entries posted by Bashiir M. Xersi

Ahlusunno: rajo gurtay iyo Xukun gurracan!

Inta aadan cinwaanka ka caroon, inta aadan Wadaadada dambe igu xugmin[AL ITIXAAD+ALSHABAAB] inta aadan igu dhibsan eray qallafsan, inta aadan kahan adoo is leh; maxaa Wadaadada is difaacaya ku tusay?! Inta aadan u damqan dareen aan jirin, bal adoon xoortaysnayn ila dhiraandhiri inta dhacday, iyo inta dhimman ee dhawaan soo socota. Sida loo kala irdhoobay, [...]

Geelloow: horumarin af mise horseed aafo?! Q3AAD

Qaybtii kowaad ee qormada waxaan ku soo qaadaadhignay saddaxdii shir ee Jabuuti ka dhacay iyo aafada ka dhalatay, aan kuu soo kooboo ku xasuusiyee, shirkii Soomaali u horseeday colaadda dagaalka sokeeye, ee ahaa dhismihii Dawladdii MANIFESTO ee Cali Mahdi Maxamed looga dhigay Madaxweyne, ee uu ka gadooday Gen Caydiid iyo xulufadiisii ay isla soo jabhadeeyeen, [...]

Geelloow: horumarin af mise horseed aafo?! Q2AAD

Qaybtii kowaad ee qormada waxaan ku soo qaadaadhignay saddaxdii shir ee Jabuuti ka dhacay iyo aafada ka dhalatay, aan kuu soo kooboo ku xasuusiyee, shirkii Soomaali u horseeday colaadda dagaalka sokeeye, ee ahaa dhismihii Dawladdii MANIFESTO ee Cali Mahdi Maxamed looga dhigay Madaxweyne, ee uu ka gadooday Gen Caydiid iyo xulufadiisii ay isla soo jabhadeeyeen, [...]

Geelloow: horumarin af mise horseed aafo?! Q1AAD

Inta faraxsan kuma jiro, inta hambalyeynaysa kama mid ihi, inta jadbaysanna haba igu soo qaadin, maxaa iga reebay? Adaa ogaan doonee, bal ila sii dhiraandhiri qormada. Jabuuti baa kulan ka dhacayaa, maanta looga hadli maayo sidii Soomaali loo NABADYN lahaa, ee waxaa loo fadhiyaa af Soomaaliga, af Soomaali aa? Haa, af Soomaali baa loo joogaa,. [...]

Maareynta Maalka Muqdisho!

Arar MADAXDA midbaa tagi, midna waa iman. Soo joode xukun doonaya, sii jeeste xukun laga diray xoog iyo xeeladba, labadaa ayey u dhexeeyaan inta wax xukunta. Waxayse ka siman yihiin BALLANQAAD kuna kala duwan yihiin HIRGALIN iyo HAREERMARID! Oo marna ammaan iyo xan fiican u noqota, marna dhaleecayn iyo dhibsaso u noqota. Marka laga soo [...]

Hoggaan habboon iyo Hoggaamiye hubban

Hore waxaan u qormay qormo ahayd: “Foolal cusub iyo Faro Caddaana” oo aan ku cabbiray in inta dagaal iyo dirir ka qaybqaadatay aan talo iyo xil naloogu dhiibin, isla sidookale aan xil naloogu dhiibin inta musuq iyo is daba marin samaysay. Qormadii xigtayna waxay ahayd: “Haraadigu yuusan kala harin!” oo aan ku xarriiqay in aan [...]

Ajnabigoolooadeego ma Ilbaxnimaalooarkay?!

Shisheeyihiishalay Haddii Afrika laguqaybsaday kulankii Barlin, hilaadintii1884, Suuncaddihii qaybta u yeeshay dalkeena markuu soo gaaray Xeebaha ku teedsan dhulkeena, sida sooyaalka ku xisan, eeqowl, qoraal iyo qiraalba ku dhigan, soo hunguriyeyntiisa hal qaab loogama wada falcelin, haddana, isku si looma wada hirgalin, qolo dirir, diracnimo, diidmo iyo dagaal ayey kala hortageen, qolana dabacsanaan, dar wadaajin,darmo [...]

Haddaan Madaxweynaha ahaan lahaa!

Afeef In kasta oo aan ogahay in aragtida koowaad ee cinwaankaa laga qaadan karo tahay: “MADAXTINIMO JECELAA!” amaba noqon karta meeshii laga dhihi jiray: “Habar fadhida Lagdan la fudud!”. Kaba sii darane, aanba ogahay dhibka qarada weyn ee horyaal ninka Soomaali madax u ah ama maamulkeeda qayb ka ehe. haddana “Nin xil qaaday eed qaadye!” [...]

Tiro yar mise tub toosan? (Qormo)

Tiro yar mise tub toosan? (Qormo)

Mogadishu (Alshahid)- Muran iyo dood ka dib, Madaxweynaha iyo Wasiirka koowaad waxay soo bandhigeen tirada Wasiirrada ay ka koobnaanaysa Xukuumadda cusub, oo la isla gartay inay noqdaan toban Wasiir, markii horase dood ka dhalatay tirada, maadaama la masuugay tirada yaaranteeda, marka la eego inta loo bartay ama la bidhaansan karo. Haddii laga gudbay is maandhaafkii [...]

Jiiftada: Maan maran!

Maansadan oo magaceedu yahay “Maan maran” waxay soo baxday 28/08/1012 oo ah maalinnimo Talaadadaa, maalintaa oo ku beegan maalin loo madlanaa xulashada Guddoonka Baarlamaanka, madashu waa Muqdisha, Murashaxiintu waa dhawr, aad baa loogu wada mashquulsan yahay, intii doorshadu socotay ayaa waxaa dhacay waxyaabo si markii loo fiirsho iska caadi ah, haddii si kale loo fiirshose [...]

Page 1 of 10123Next ›Last »

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone