Qur’aanku Wuu Xarrimay In Qof Dhagax Lagu Dilo!

Hordhac

Burburka umadeed ee dadka iyo dalka soomaaliya ku habsaday wuxuu astaan unoqday, in bulshada dhexdeed ay kasoo ifbaxaan calaamado iyo falal fool xun oo ka tarjamaya marxalada adag ee wadanku marayo. Cudurka burburka symptoms-kiisa ama calaamadihiisa kuwa ugu xun waa kuwa ay ku dhaqmaan Alshabaab iyo Xisbul Islaam, falalkaas oo ay kamid yihiin, sida; qofka oo dhagax lagu dilo, lug iyo gacan isdhaaf loo jaro amaba dad dhexdiis la’isku qarxiyo.

Astaamahani dhammaantood waxay ku tusayaan ka fogaanshaha diinta iyo jahliga xoogga badan ee haysta kuwa falalkooda gurracan ku tilmaamaya ku dhawaasho diin ama hirgalin shareeco.! Hadaba sidaa owgeed, waxaan qormadan ku eegi doonaa xaqiiqada sooyaalka taariikheed ee Rajmiga/dhagax ku dilka, sida qu’aanku u ceebeeyay falka Rajmiga iyo in Rajmigu yahay falalka dadka sanamyada caabuda ee gaalada ah iyo dadka jabaabirada ah ee xaqa is hortaaga ay ku dhaqmaan, sida; Qaabiil, Wathanigii Aazar Nabi Ibraahiim aabihii, Fircown, Qoladii Shuceyb, Qoladii sedexda Nabi loodiray iyo Qowmukii Asxaabul Kahfi doonayay in ay dhagax ku dilaan.

Micnaha Ereyga Rajmiga iyo Taariikhdiisa

Ereyga Rajmigu asal ahaan wuxuu kasoo jeedaa luqada afka Carabiga, waxaana loola jeedaa, in dhagax wax lagu dilo. Ereygani wuxuu afka Soomaaliga ku yahay; qofka oo dhagax nafta looga qaado. Inkastoo qaamuuska afka Carabigu ereyga Rajmi macnoyaal kale kasii farcamaan, hadana midka guud ee ugu horeeya waa sida aan kor ku xusay. Ruuxiisa doonaya tafaasiil dheeraad ah haka eego qaamuuska afka Carabiga, maadaama halkan ujeedkeygu aanu aheyn dood xaga luqadda ah inaan sii wado intan ka badan.

Sooyaalka taariikheed ee Aadanaha sida qur’aanku inoo sheegay waxaa laga dheehan karaa, in qofkii ugu horeeyay ee ina Aadam ah oo dhagax lagu dilay uu ahaa Haabiil, waxaana ku dilay walaalkii Qaabiil oo Alle ku tilmaamay inuu ahaa ahlu naarka, qur’aankuna qisadan wuxuu uga hadlay sidan;

وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ ابْنَيْ آدَمَ بِالْحَقِّ إِذْ قَرَّبَا قُرْبَانًا فَتُقُبِّلَ مِن أَحَدِهِمَا وَلَمْ يُتَقَبَّلْ مِنَ الآخَرِ قَالَ لَأَقْتُلَنَّكَ قَالَ إِنَّمَا يَتَقَبَّلُ اللّهُ مِنَ الْمُتَّقِينَ ﴿٢٧﴾ َئِن بَسَطتَ إِلَيَّ يَدَكَ لِتَقْتُلَنِي مَا أَنَاْ بِبَاسِطٍ يَدِيَ إِلَيْكَ لَأَقْتُلَكَ إِنِّي أَخَافُ اللّهَ رَبَّ الْعَالَمِينَ ﴿٢٨﴾ إِنِّي أُرِيدُ أَن تَبُوءَ بِإِثْمِي وَإِثْمِكَ فَتَكُونَ مِنْ أَصْحَابِ النَّارِ وَذَلِكَ جَزَاء الظَّالِمِينَ ﴿٢٩﴾ فَطَوَّعَتْ لَهُ نَفْسُهُ قَتْلَ أَخِيهِ فَقَتَلَهُ فَأَصْبَحَ مِنَ الْخَاسِرِينَ ﴿٣٠﴾

Alle (SC) isagoo nabigiisa Muxammed ah (NNKH) la hadlaya wuxuu yidhi; “Dadka uga sheekee warkii labadii wiil ee ilmo Aadan si xaq ah, markii ay qurbaan/sadaqo bixiyeen oo midkood laga aqbalay kii kalana lagu diiday. Dabadeedna kii laga aqbalay uu yidhi; Alle kuwa isaga ka cabsada ayuu wax ka aqbalaa (27). Balse hadii aad gacantaad igusoo fidiso si aad ii disho, anigu marnaba gacanteyda kuusoo fidin mayo si’aan kuu dilo, maxaayeelay waxaan ka cabsanayaa Allaha dunida oo dhan rabbiga u ah (28). Waxaan doonayaa inaad dambigeyga iyo kaagaba isku darsato oo aad kuwa naarta galaya ahaato, taasaana abaal u ah kuwa gardarada badan (29). Kadib naftiisa ayaa u qurxisay inuu walaalkii dilo, wuuna dilay, wuxuuna kamid noqday kuwa khasaaray (30).

Sida dilka Haabiil u dhacay isagoo kawaramay Ibnu Jariir Al-dabari wuxuu tafsiirkiisa Jaamic Albayaan ku yidhi; Qaabiil markii uu damcay in uu walaalkii dilo, wuxuu garan waayay sidii uu udili lahaa, dabadeedna Sheydaan/Ibliis ayaa shimbir iska soo dhigay, markaas ayuu intuu Sheydaankii shimbir soo qabtay oo laba dhagax dhexdood galiayay ayuu dhagax kale madaxa kaga burburiyay. Sidaa ayuuna Qaabiil kaga dayday Sheydaankii dilka walaalkii Haabiil, oo intuu isaguna dhagax qaatay madaxa kaga bashaaqay walaalkii oo dhacadiid u jiifa, halkaa ayuuna ku naf waayay Haabiil, wuxuuna noqday ruuxii ugu horeeyay sooyaalka taariikhda Bani’aadamka oo dhagax nafta looga qaado.

Intaa wixii ka dambeeyay Rajmigu wuxuu noqday fal lagu garto dadka diin laawayaasha ah oo aan dhowrin xaqa Alle (SC) iyo kan Aadanaha midna toona. Tusaale waxaa u ah arinkan qoladii nabi Nuux (NNKH) loo diray oo caabudi jiray asnaam/taalooyin, waxayna ahaayeen qolo dhagax wax ku dila hadii waxa ay doonayaan aad ku diido. Sidaa owgeed, markii nabi Nuux uu usheegay in ay Alle kaligii caabudaan oo asnaamtan baryadooda iska daaya, maxaad u maleyneysaa in ay ugu jawaabeen…!!?

قَالُواْ لَٮِٕن لَّمۡ تَنتَهِ يَـٰنُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمَرۡجُومِينَ (١١٦)

Jawaabtoodu waxay noqotay in ay yidhaahdaan; “Nuuxow hadii aadan joojinin wanaaga aad noogu yeedheyso, waxaad ka mid noqon doontaa kuwa dhagaxa lagu dilay” (116). Jumlada ugu dambeysa aayaadan waxay daliil cad u tahay, in qoladani dad hore ay dhagax ku dileen/Rajmiyeen, inta aaney ku handadin nabi Nuux in ay Rajminayaan.

Sidaa si lamid ah, falka Rajmgu inuu fal diinta ka fog yahay waxaa ku tusaya. Markii Alle nabi Muuse fircown usoo diray, waxaa jirtay in Fircown uu ku dhaqmi jiray ciqaab ilaa maanta taariikhda bani’aadamka aan horay loogu arag. Marka laga gudbo sheegashada Ilaahnimo ee Fircown, waxyaabihii ka dhashay diin laawanimadiisa waxaa ka mid ahaa; inuu dadka god galiyo dabadeedna dhagax uu ku dili jiray/Rajmin jiray, inuu ruuxa salbiyo/togo illaa uu ka dhinto, inuu lug iyo gacan isdhaaf ah ka jaro, inuu qofka qaarka dambe u aaso kadibna miinshaar laba qeybood uga kala dhigo iyo ciqaabyo kale oo aad u fool xun. Isagoo Alle ka hadlaya falka Fircown uu doonayay inuu nabi Muuse kusameeyo;

وَإِنِّى عُذۡتُ بِرَبِّى وَرَبِّكُمۡ أَن تَرۡجُمُونِ (٢٠)

Nabi Muuse wuxuu yidhi isagoo Alle kamagan galaya in Fircown uu Rajmiyo; “Waxaan ka magangalay rabbigey iyo rabbigiin in aad dhagax igu dishaan” (20).

Sidoo kale qoladii Nabi Shuceyb (NNKH) waxay yidhaahdeen; (Shuceyboow in badan waxa aad sheegeyso maba fahamno, ee hadii qolooyinkan kula socda aaney aheyn dhagax baanba kugu dili lahey) Ayada 91.

قَالُواْ يَـٰشُعَيۡبُ مَا نَفۡقَهُ كَثِيرً۬ا مِّمَّا تَقُولُ وَإِنَّا لَنَرَٮٰكَ فِينَا ضَعِيفً۬ا‌ۖ وَلَوۡلَا رَهۡطُكَ لَرَجَمۡنَـٰكَ‌ۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡنَا بِعَزِيزٍ۬ (٩١)

Dhalinyartii asxaabul kahfi ee iimaankooda la carartay ee 300 boqo oo sano jiifay markii ay soo baraarugeen waatii ay damceen in magaalada wax ay cunaan kasoo iibsadaan, waxayna ku yidhaahdeen mid iyaga kamid ah iyagoo ladardaarmaya inuu is qariyo si naftooda ay rajmi uga badbaadiyaan waxay ku yidhaahdeen (Hadii dadka magaalada jooga ay gacanta inagu dhigaa dhagax ayey inagu dili ama diintoodey/gaalnimo ayey inoo celin, markaasna waligiin liibaani meysaan) aayada 20.

إِنَّہُمۡ إِن يَظۡهَرُواْ عَلَيۡكُمۡ يَرۡجُمُوكُمۡ أَوۡ يُعِيدُوڪُمۡ فِى مِلَّتِهِمۡ وَلَن تُفۡلِحُوٓاْ إِذًا أَبَدً۬ا (٢٠)

Nabi Ibraahiim (NNKH) markii sida qotoda dheer uu aabihii u waaniyay isagoo ku leh, aabo asnaamtan ha caabudin oo sheydaan harraacin, nasiib darro falceliskii aabihii wuxuu noqday inuu ku yidhaahdol (Wuxuu yidhi; ma ilaahyadeyda/asnaamteyda ayaad naceysaa Ibraahimow? Hadii aadan joojinin falkaas waan ku rajmin/dhagxeyn ama waad iga dheeraaneysaa) aayada 46.

قَالَ أَرَاغِبٌ أَنتَ عَنۡ ءَالِهَتِى يَـٰٓإِبۡرَٲهِيمُ‌ۖ لَٮِٕن لَّمۡ تَنتَهِ لَأَرۡجُمَنَّكَ‌ۖ وَٱهۡجُرۡنِى مَلِيًّ۬ا (٤٦)

Halkanna Alle (SC) wuxuu kaga waramayaa asxaabul qaryah dadkii magaalada Antioch daganaa sida Ibnu kathiir soo arooriayay, ee intii laba nabi loo diray soo eryay ee Alle nabi kale ku sedexeeyay wixii dhexmaray. Iyagoo cadhada ka haysay sedexdan nabi cabirayana ayey dadkii magaalada degenaa ku yidhaahdeen ; (Waanu idin baaseysannay ee hadii aydaan ka reebtoomin waanadiina dhagax baan idinku dili doonaa, xagayagana waxaa idinka soo gaadhi doona cadaab kulul) aayada 18.

قَالُوٓاْ إِنَّا تَطَيَّرۡنَا بِكُمۡۖ لَٮِٕن لَّمۡ تَنتَهُواْ لَنَرۡجُمَنَّكُمۡ وَلَيَمَسَّنَّكُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٌ۬ (١٨)

Sidaa owgeed ficilka rajmiga/dhagax in wax lagu dilo waa fal diin la’aani keento, qur’aankuna wuxuu ficilkani ku tilmaamayaa mid fool xun sida; zinada, gaalnimda iyo ribada oo kale inuu lamid yahay, Allena uu dadka waxgaradka ah uga digayo in ay ka waantoobaan ficilada foosha xun ee noocan oo kale ah. Sideedabana ficilada foosha xun ee noocan oo kale ah waxay umadaha kasoo ifbaxaan marka ay mustawe aad u hooseeya xaga dareenka insaaniyada ah ka gaadhaan, balse marnaba tusaale uma aha diin jaceyl iyo wanaag midna toona.

Ciqaabta Zinadu waa Jeedal

Mar hadii waxa qur’aanku ka yidhi Rajmiga aan cadeeyay iyo in Alle (SC) falka noocaan ah uu ku ceebeeyay kitaabkiisa sida loo cambaareeyay shirkiga, dilka xaq darrada ah, ribada iyo zinada oo kale. Sidaa owgeed, su’aasha mudan inaan isweydiinno ayaa ah, qur’aanku muxuu ka yidhi ciqaabta ruuxa zineysta?

Akhristaha qiimaha badan waxaan ka codsanayaa inuu si qoto dheer u fiiriyo aayadan hoos ku xusan. Alle (SC) wuxuu kitaabkiisa qur’aanka ah ku yidhi;

ٱلزَّانِيَةُ وَٱلزَّانِى فَٱجۡلِدُواْ كُلَّ وَٲحِدٍ۬ مِّنۡہُمَا مِاْئَةَ جَلۡدَةٍ۬‌ۖ (٢)

Micnaha aayadu waa sidan; “Naagta iyo ninka zineysta jeedla midkastoo iyaga kamid 100 jeedal” aayada 2. Aayadu makala soocin qof horay usoo guursaday iyo ruuxii aan guur soomarin toona, balse waxay si toos ah u sheegeysaa falka zinada iyo ciqaabtiisa.

Bal kawarama hadii Alle Suuratu Nuur ku xusay jeedal..!!! Marka waxaa cajiib ah, in Alle (SC) layidhaahdo jeedalkii wuu sheegay balse rajmigii/dhagixii masheegin.! Hadaba miyaan la odhan karin ruuxa aaminsan Rajmigu inuu shareecada kamid yahay, wuxuu Alle (SC) ku tuhmayaa xikmad xumo/la’aan, oo inta dhagixii laga tagay ayaa jeedalkiina lagu xusay qur’aanka..!!! Mida kale dhagaxa iyo jeedalka kee qallafsan/daran ama muhiimsan??? Mas’aladani waa mas’ala khatar ah, ee raga aaminsani haka laabteen.!

Dhinaca kale waxaan aaminsanahay in ujeedada qur’aanku u xusi waayay rajmiga uu yahay, in rajmigu fal fool xun oo insaaniyada ka fog yahay, sidaadarteedna Alle (SC) iskaba dhaaf’e inuu shareeco ka dhigo’e, balse falka noocaasi ah “Rajmiga” iyadoo laceebeynayo ayaa qur’aanka lagusoo arooriyay, sida; zinada. sariqada, ribada iwm.

Sidoo kale, ciqaabta jeedalka intaa loogama hadhine, Alle (SC) fulinteeda wuxuu shardi uga dhigay “Afar Markhaati” oo ku dhaarta in ay arkeen falka galmada oo dhacaya iyo labada xubnood ee taranka ninka iyo naagta oo isugu jira sida fargashigu/faraantigu ugu jiro farta oo kale. Hadaba waxaa layaab ah, in ay jiraan 4 qof oo marwalba diyaar u ah in ay baadi goobaan nin iyo naag galmo sameynaya ay soo dul istagaan…!!! Iyadoo waliba aan wada ognahay, in aaney suura gal aheyn in labo qofi isu galmoodaan inta ruux sedexaadi meelaha kadhowyahay…!!! Balse xikmadda ka dambeysa “Afarta Markhaati” waa in aan la’arkin labo ruux oo wadooyinka isku fuul fuulaya oo akhlaaqda iyo sharafta mujtaca meel uga dhacaya in jeedalka lagu edbiyo iyo in ay kawaantoobaan falalka “Anti Social Behaviour” ka dhaawacaya sharafta ruuxa bani’aadamka ah.

Xaqiiqada Dhabta ah ee Axaadiithta Kusoo Aroortay Rajmiga

Marka hore Rajmigu wuxuu tusaale cad u yahay ka dheeraashaha diinta’e, ficilkan foosha xun tusaale uma aha diin ku dhawaasho ama shareeco jaceyl sida dadka qaar u dhigeen.! Mida kale, maalmahan waxaa soobaxay dad sunnada rasuulka, sharafta iyo sumcada Islaamka ku duminaya iyagoo “Halku dhagga Sunnada” isku qarinaya, jahli ha ugeeyo ama cadaawad haku xambaartee. Sidaa owgeed anigoo labada masdar ee tashriica Islaamka Al-qur’an Wassunna ka imanaya aaminsanna, ayaan waxaan halkan ka cadeynayaa in axaadiithta kusoo aroortay mas’alada Rajmiga in ay dhammaantood mowduuc/been abuur yihiin sanadkooduna mustawe ahaan uu aad u liito diintana foolxumo iyo dhaawac u geysanayaan.

Inta badan axaadiithta Rajmiga waxaa masdar u ah kitaabka Muwadda Imaamu Maalik, dabadeedna Bikhaari iyo Muslimba isaga ayey ictimaadeed si xoog leh oo isagey ku dul dhiseen riwaayaadka ilahooda ay iyagu soo wariyeen, kadib ayey labaduba, Bukhaari iyo Muslimba waxna ku kordhiyeen iyagoo marna sanadka wax kabadalaya, marna siiqada wax kabadalaya marmarna xarfiyan/sidiisa usoo guurinaya. Tusaale ahaan; xadiithkan si xarfi ah ayey Bukhaari iyo muslimba Muwadda igasoo guuriyeen;

ان رجلين اختصما الي النبي حيث زنى ابن احدهما بزوجة الاخر حين كان يعمل اجيرا لديه ، وتقول الرواية ان النبي حكم بجلد الابن مائة جلدة وتغريبه عاما ، وبرجم الزوجة بعد اعترافها

Sidoo kale isla xadiithkan isaguna si xaraf xaraf ah ayaa loosoo minguuriyay;

وهي مجئ اليهود للنبي ليحكم بينهم في رجل وامرأة زنيا وانهم اخفوا عن النبي حد الرجم الموجود في التوراة واحكامها ، وقد كشف لعبتهم عبد الله بن سلام ، وحكم النبي برجم الرجل والمرأة .. وهذه الرواية تتناقض مع القرآن ، لأن الرجم ليس من تشريعات التوراة الحقيقية ، حيث يقول تعالي عن التوراة واحكامها ( وكتبنا عليهم فيها ان النفس بالنفس .. المائدة 45 ) أي لا يجوز قتل النفس الا قصاصا فقط ، وعليه فلا يجوز قتل النفس بغير النفس .

Sidaas si lamid ah, xadiithka 693 ee kitaabka muwadda waxaa uu ka hadlayaa xadiith loo tiirinayo Cumar ibnu Khaddab (RC) oo sii maraya taabicigii Saciid ibnu Museyb inuu isagu ka maqlay xadiith Cumar, balse markii ay caddatay in Saciid uu 2 jir ahaa markii uu Cumar geeriyooday “Dabaqaat Ibnu Sacad” taariikhyahankii weynaana uu sidaa kitaabkiisa ku qoray, ayey dabadeedna Bukhaari iyo Muslimba iyagoo sanadka kasaaraya Siciid isla xadiithkan wariyeen, balse markan Cabdullahi Ibnu Cabaas ayaa qoorta loo galiyay inuu isagu ka maqlay Cumar.

فالمعروف ان المؤرخ محمد بن سعد اعلن في كتابه ( الطبقات الكبري ) في ترجمة سعيد بن المسيب ان ابن المسيب لم يلق عمر بن الخطاب ، حيث مات عمر وابن المسيب كان طفلا في الثانية من عمره ، لذلك قام البخاري و مسلم بتلافي هذا الخطأ ، اذ اسندا الرواية نفسها وروايات اخري اكثر تفصيلا ليس الي سعيد بن المسيب ولكن الي عبد الله بن عباس . و لكن لم يكن في ذلك تجديد او ابتكار .لأن مالك ذكر في بداية حديثه عن الرجم اول رواية وهي الحديث رقم 692 واسندها الي ابن شهاب الي عبيد الله بن عبد الله بن عتبة عن ابن عباس وذكر قول عمر ( الرجم في كتاب الله عز وجل ، حق علي من زني اذا احصن من الرجال والنساء ، اذا قامت عليه البينة او كان الحمل او الاعتراف ) ثم جاء مالك بعدها بحديث رقم 693 وهو الذي يحوي خطبة عمر المزعومه والتي يذكر فيها الجملة القائلة ( الشيخ والشيخة اذا زنيا ..) وجاء البخاري فاستعمل نفس الرواة والاسناد في الحديث رقم 692 للموطأ وذكر صيغته ثم اضاف حديثا اخر مطولا فيه خطبة طويلة لعمر ، بينما قام مسلم بتلخيص الحديثين ( 692 ، 693 ) من الموطأ في حديث واحد . وبنفس الاسناد لابن عباس.ا

Waxaa jira xadiith kale oo runtii aad u liita oo isla kitaabka Muwadda ku yaala 692 Imaamu Maalik xadiithka wuxuu kawarinayaa Ibnu Shihaab Al-zuhri xadiithkuna isaga ma dhaafsiisna, Ibnu Alzuhrina taabici ayuu ahaa, xadiithkuna waa sidan;

( اخبرنا مالك ، اخبرنا ابن شهاب ان رجلا اعترف علي نفسه بالزنا علي عهد رسول الله ( ص) وشهد علي نفسه اربع شهادات ، فأمر به فحد . قال ابن شهاب : فمن اجل ذلك يؤخذ المرء باعترافه علي نفسه . وجاء البخاري بعد مالك بنصف قرن فتلافي الخطأ واصلح الاسناد ، فقال : حدثني الليث حدثني عبد الرحمن بن خالد عن ابن شهاب عن ابن المسيب وابي سلمة ان ابا هريرة قال : اتي رسول الله ( ص) رجل من الناس في المسجد فناداه يا رسول الله اني زنيت ، يريد نفسه ، فأعرض عنه النبي .. الخ الي ان يقول ( فلما شهد على نفسه اربع شهادات دعاه النبي وقال :أبك جنون ؟ قال لا .. الي ان ينتهي الحديث برجم الرجل المجهول .. ثم تتوالي روايات اخري في نفس الموضوع بتفصيلات نعرف ان الرجل المجهول اسمه ماعز .وانه فر من الرجم ولكنهم طاردوه حتى قتلوه .

Kadib Muslimbaa isla xadiithka wariyay, wuxuuna ku kordhiyay inta la ogyahay magaca ninka oo uu ku sheegay Maaciz Ibnu Maalik oo reer Aslam ah iyo sidoo kale inuu ahaa nin dagaalada/ghasawaadka ka hara si uu uzineysto, taasoo keentay in Rasuulku khudbo ku tilmaamo, in raga qaar ay dagaalada ka haraan si ay u zineystaan, hadii buu yidhi rasuulku (SC) la’ii keeno ruux sidaa sameeyay ciqaab adag baan ku ridi doonaa. Hadana isla riwaadan Muslim wuxuu ku kordhiyay illaa uu towbadkeeno, riwaayad kale oo isla Muslim ah baa leh rasuulkaa dambi dhaaf Alle u weydiiyay Maaciz, wuxxuna yidhi towbada Maaciz waxay ku filantahay ummadoo dhan.

ثم يأتي مسلم بعد البخاري فيضيف تفصيلات اخري نعرف منها انه اسمه ماعز بن مالك من قبيلة اسلم وانه كان يتخلف عن الغزو ليزني مما جعل النبي يخطب غاضبا قائلا : فما بال اقوام اذا غزونا يتخلف احدهم عنا له نبيب كنبيب التيس ، علي ان لا اوتي برجل فعل ذلك الا نكلت به) ويقول مسلم انه ما استغفر له . ثم تأتي رواية اخري تجعل النبي يستغفر لماعز وانه قال ان توبة ماعز تكفي أمة بأكملها – وهنا تناقض جزئي بين روايات مختلفة في موضوع محدد .

Axaadiithta Rajmiga kooda igula qaabka daran aanna ugu hor arkay markii aan diinta baranayay waxaa uu ahaa, xadiithkii gabadhii Yuhuudiyada aheyd ee xaamilada aheyd ee nabiga u timid si loo Rajmiyo. Xadiithku waa 696 ee kitaabka Muwadda Imaamu maalik, Bukhaarise qiima uma yeelin, balse Muslim ayaa aad u buunbuuniyay, oo intuu xadiithkii maaciz kudab xidhay ayuu riwaayad dheer oo xiiso badan ka dhigay. Markalana riwaayad iyada kaligeed u gooni ah ayuu usameeyay.

في الحديث رقم 696 في موطأ مالك يرويه مالك عن يعقوب بن يزيد عن ابيه عن عبد الله بن ابي مليكة ، ان امرأة اتت الي النبي فأخبرته انها زنت وهي حامل ، فقال لها اذهبي حتي تضعي فلما وضعت اتته فقال لها : اذهبي حتي ترضعيه ، فلما ارضعته اتته فقال لها “: اذهبي ختي تستودعيه فاستودعته ، ثم جاءته فأمر بها فأقيم عليها الحد

Qisadan sida “Horror Movies” oo kale loo dhigay oo kali ah ayaa daliil ugu filan ruuxa muslimka ah ee sunnada nooleynaya inuu diido axaadiithta Rajmiga gabi ahaantooda. Sabab diini ah iyo mid mandiqi ah toona kuma saleysna aqbalitaanka iyo ku adkeysashada waxyaabaha noocan oo kala ah.

Waxaase taa kasii daran, bal kawaran hadii gabi ahaanba xadiithkani ku salaeysan yahay dood fiqhi ah oo laba qolo dhexmartay, marka si qoladii su’aasha laweydiiyay ay uga jawaabaan in naag uur leh la rajmin karo iyo inkale, ayaa xadiithkan gabi ahaantiisaba lagu keenay. Xadiithkani wuxuu xambaarsan yahay ereyo diinta Masiixiga ah sal ku leh, sida in gabadhu ay Rasuulka ku tidhi; waxaan doonayaa inaad i dahirto, iyadoo u jeeda dhagax igu dil. In dil mooyee aan waxkale lagu daahir noqon karinna diinta islaamka sal kuma laha ee waa afkaar Masiixi ah.

Gabogabo

Nabi Muxammed (NNKH) Alle ayaa soo diray, wuxuuna usoo dhiibay kitaabka qur’aanka ah si uu dadka ugu cadeeyo wixii iyaga/dadka loosoo dajiyay. Isagoo Alle (SC) arrinkan ka hadlayana wuxuu yidhi; “Waxaannu kugu soo dajinaya Muxammadow kitaabkii si aad dadka ugu cadeyso waxa iyaga loosoo dajiyay, waxaa suura gal ah in ay fakaraane” (Suurada Alnaxl aayada 44). Hadaba waxaa layaab ah, in iyadoo Alle uu ka dhigay ciqaabta zinada jeedal, hadana layidhaahdo rasuulkaa dhaqax ka dhigay….!!! Taasi ma sharaxaad baa mise waa been abuur? Dadbaa jira Alle iyo rasuulkiisa ku been abuuranaya! Bal kawaran hadii jeedal sheeg lagu yidhaahdo oo aad Rajmi tidhaahdo? Labadani wax micno ah oo ka dhexeeyaa jira?

Nabi Muxammed Alle (SC) wuxuu ku tilmaamay inuu runlow amaano badan yahay, dadka u tiirinyaya hadaladan rasuulku aanu odhan ee xadiith saxiix ahna ku tilmaamaya, waxay shaki galinayaa amaanada rasuulka (NNKH), kama suura gasho, in Alle (SC) dhagax u waxyoodo suubanaheena, isaguna ereygaa mid khilaafsan uu dadka usheego ama faro. Dadka falalkan ku dhaqaaqay waxaan uga digayaa, in ay ka joogsadaan xad gudubka iyo tacadiyada ay u geysasnayaan dadka, diinta Alle iyo sharafta rasuulka (NNKH). Wixii idinku dhaqaajiyayba, ama jahli ama xumaan kalaba, waxaa idiin furan xaqa dadkii aad disheen oo aad u celisaa dadkoodii iyo inaad Alle (SC) u toobad keentaan mar dambana eydaan ku dhaqaaqin falka Rajmiga inaad dadka ku dishaan dhagax. Ilaahow ma gaarsiiyay adigu markhaati ka noqo.

Tixraac

Murtada Al-zabidi (1965) Taj Alcarus Min Jawahir Alqamus Alcarabi, 2nd edittion, Kuwait.

Ibnu Jariir Addabari, Jaamic Albayaan Fii Tafsiir Alqur’aan.

Tafsiir Ibnu Kathiir.

Muwadda Imamu Maalik.

Dabaqaat Ibnu Sacad.

Saxiix Albukhari.

Saxix Almislim.

Suuradda Maa’ida, laga bilaabo aayada 27-30.

Suuradda Shucaraa aayada 116.

Suuradda Dukhaan aayada 20.

Suuradda Huud aayada 91.

Suuradda Alkahfi aayada 20.

Suuradda Maryama aayada 46.

Suuradda Yaasiin aayada 18.

Suuradda Alnuur aayada 2.

Suuradda Alnaxl aayada 44.

http://www.metransparent.com/old/texts/ahmad_sobhi_mansour_text/ahmed_sobhi_mansour_lapidation_in_hadith_2.htm Ahxmed Subxi Mansuur. Qeybta axaadiithta oo dhan halkan ka eeg.

http://www.gedoonline.com/?p=15021 Alshabaab oo naag dhaxag ku dilaya magaalada Waajid, halkan sawirada iyo qoraalkaba ka daawo.

http://www.calanka.com/warka/article82.htm Xisbu Alislaam oo nin dhagax ku dilaya magaalada Afgooye, halkan sawirada iyo qoraalkaba ka eeg.

Xogta: ALSHAHID

28 Responses to Qur’aanku Wuu Xarrimay In Qof Dhagax Lagu Dilo!

  1. Abdiqani February 5, 2010 at 5:29 pm

    Al-ustaad Nuuradiin Askar,
    Bacda Salaam saaxiib si wanaagsan ayaad Aayado qur’aan ah isugu soo toos toosisay waana kaa fa’idaysanay oo waxa aad nagu soo kordhisay wax cusub oo aan horay loo maqal marka waxan leenahay kuwii horay uqariyay ee culimadii hore ah ilaahay ha unaxariisto danbigoodana ha dhaafo maadaama ay qariyeen ama ay ka gaabsadeen waxyaabo muhiim ah ama ay fahankale ka qaateen adigana sido kale ilaahay hakuu naxariisto hana ku cafiyo hadii aad si qaloocda wax udhigto ama aad ceel qadhaadh ama mid macaan ka soo biyo cabtayba,
    Jaah wareerka haysta culimada ayay kamidtahay in waxkasta la iskaga daba tago ama asal ahaan la kala sheegi waayo mudo dheer wixii diini ah ee rasmiya iyo wixii afkaar wadaad ah!! muslimiinta waxad moodaa inuu nin walbaa damacsanyahay inuu dabaqo oo hirgaliyo fikirka sheekhiisa kuna mayal adaygo waana dhaqan aad u xun inaan inaga oo asal ahaan diinteenu udub dhexaad utahay wada tashi iyo wada hadal inaan ku mayal adaygno afkaar kalitalisnimo ah oo waliba nin Aadame ah uu gooyay,
    Maxaan ku diidnay inaan hirgalino afkaarta Aadamaha iyo caqliga bashariga ah ku yimi sida Dimuqraadiyada hadii aan waafajin karno maslaxadeena mise iyadana waxa iska leh oo aan u khilaafaynaa reer galbeed? waa hadiiba waxa aan isku haynaa ay tahay afkaar dhaqan galinteeda dad samee ah waxa la oran karaa waxa aad u haboon in meel dhexe la isugu yimaado oo la hirgaliyo wixii basharka u roon! maanta wadaadada xaalkoodu wuxuu noqdey sidii ninkii yidhi wadaadoow adaa lagaa haye Alif wax maleh iyo wax buu leeyahay !!! Nimankiinan Aayadaha iyo Axaadiista soo dareerinayoow bal dhinac uun isugu baydhoo saaxiibayaal la yimaada wax dadka iyo dalka uroon khaasatan caalamka islaamka holcaya dhamacdiisa wax lagu bakhtiiyo hadii aad fursad uhaysaan bal la yimaada idinka oo sidan haatan aad wax u wadaan wax ka badalaya waxa hubaal ah inaad hal talaabo hada horay uqaadeen dabadeed markaad faraha uga gubateen dhibka salafiyiinta casrigan ee darbiyada jiidha!! hada qolyaha wadaadada qunyar socodka lagu tilmaamo iyo xataa kuwooda xawli usocodka ah waxa ay ku hadaaqayaan waxan rabnaa wada tashi iyo dawladnimo hab doorasho ah !! Yaasalaam taasaa la idinka rabaa hadii aad ucarbisantihiin oo aad haysaan qorshayaal lagu socdo oo dadka gudaha anfaca, hadii aad gudaha ka dhisantaana waxa hubaal ah inaad ubabac dhigi kartaan cadawga wax ka soo abaabula meelaha mandaqadiina ka baxsan! Saaxiibayaal Jaah wareerka ugu dhibka badan wuxuu ka imanayaa hadana sida caalamka islaamka bukaankiisa loo dawaynayo, cudurka maanta caalamka islaamku la il daranyahay waxa weeye cudurka halista ah ee qabatimay dhalinyaradii mustaqbalka u ahayd muslimiinta amaba lafdhabarta rasmiga ah, cudurkaasi waa cudurka argagixisnimada……………… hadaba sida loo dawaynayo cudurkaasina waa mushkilad hor leh oo waxa soo baxay dhakhaatiir horleh oo leh waxan dawaynaynaa cudurkan waana culimo muslimiin ah oo iyana raba inay muslimiinta wado kale mariyaan !! waxad moodaa in wadaadku casrigan wali ushaqaynayo habkii wadaadadii hore ee ahayd inuu kitaabka furo oo dadka u eego dhawr gini ku qaato!!! maanta boqolaal mashruuc oo horleh ayaa loo maalgaliyay si ay uga daba tagaan baraaruga ururada diinta iyo xamaasada dhalinyarada muslimiinta qalbiyadooda gashay waxana wadaadadan cusub oo u eeg kuwii horay dhulka u kharibay ee isu yaqiina salafiya casriya oo ah nimankii beeray basbaaskan lagu gubtay ay markale hadana wadaan afkaaro dadnimo xumo ah oo xumaynaysa muuqaalka guud iyo ilbaxnimada muslimiinta,……………
    Muslimiintu ha garteen in hab nololeedka dunida xeerarkeeda bartaan si wanaagsana ula jaanqaadaan nolosha inta rabi uga qoray

    Reply
  2. avatar
    Siciid Cali Axmed February 11, 2010 at 1:50 am

    In la isku dayo in shubuhaadka diinta laga diifaaco waa arin fiican oo loo baahan yahay waana in la soo dhaweeyaa. Inse la isku dayo in asaasiyaadka ay diintu ku dhisan tahay meel lagu xooraa difaac ma noqonayso ee waa meel iska tuur. Doodu ma aha arinta Rajminta oo kaliya ee waa qaabka naqdinta ee akhyaarta uu Nuuradiin ka mid yahay ay isugu dayayaan in ay mawduucan u naqadiyaan.

    Arinta ah hadii Quraanka laga waayay daliil looma hayo ma aha mandiq cilmiyaysan oo lagu diidi karo rajminta. Hadii mandaqa akh nuuradiin iyo asxaabta aaminsan in Quranka qudha la qaato dee markaas waxa loo baahan in wax badan oo diinta imanka lagu yaqaano dib loo eego. Hadii inta Salaadood ee la tukanayo iyo sida loo tukanayo laga qaatay axaadiista Nabiga (csw) sidee loo diidaa tan uu Ustaad Nuuradiin bada ku daray.

    Malaa in khaladaadka ay Shabaabka iyo Xisbul Islaam galeen loo tuuro arimo qaanuunka Islaamka meel ku leh isla markaana ah arimo ay umada Muslimiinta ah iyo culimadoodu isku waafaqeen 15 kii qarni ee tagay waa mid aan difaac ahayn ee waxa ay noqonaysaa hasiimo nafsiya oo ku dhacday dadka Muslimiinta ah.

    Mahadanidin

    Reply
  3. abdul February 11, 2010 at 12:38 pm

    salaan kaddib

    Akhii Saciid, ninkan maqaalka wuxuu la yimid wax caqli gal ah oo ku saleysan research ama baaritaan marka adiga waxaa lagaa doonayaa in aad si cilmiyeysan uga hadasho oo axaadiithta ninkan diidey aad soo takhriijiso.
    hadii kale sheekada waxay iska noqon waxay ila tahay.
    culumaa isku raacdey 15 qarni aayad quraan ah maahin, ee sababtey isugu raaceen iyo waxay daliishadeen la imoow akhii.

    waan idin qadarinayaa adiga iyo walaalka maqaalka iska leh waxay iga tahay on inaad noo faaideysaan hadaad nagu dhaantaan.

    walaalkiin Abdulkadir

    Reply
  4. avatar
    nuradin February 11, 2010 at 4:57 pm

    Marka hore Sheikh Siciid iyo Cabdul waan idin salaamay, marka xigta, waxaad moodaa sheekh Siciid in arrinkan si’uun aad ugu adkeysaneyso, balse adillo farabadan oo aan keenay kadib, ma jirta sabab diini ah oo kugu xambaareysa inaad falkan Alle iyo Rasuulkiisa u tiiriso adigoo WADAADDO kale sii maraya. Xageyga wixii daliil ah oo aan hayay waan keenay, xorbaadna u tahay inaad iska diiddo ama yeesho, balse asaas diini ah kuma qotomo ku adkeysashadaadu ee adigaa is jecleystay falkan sidan u qalafsan. Waana abuur Alle, dadka qaarbaa naxariis badan dabiiciyan, halka kuwo kalan ay qalbi adag yihiin waa iska Human Nature ee Islaam ma ha!!!

    Reply
  5. avatar
    nuradin February 11, 2010 at 5:05 pm

    Marka hore Sheikh Siciid iyo Cabdul waan idin salaamay, marka xigta, waxaad mooddaa sheekh Siciid in arrinkan si’uun aad ugu adkeysaneyso, balse adillo farabadan oo aan keenay kadib, ma jirta sabab diini ah oo kugu xambaareysa inaad falkan Alle iyo Rasuulkiisa u tiiriso adigoo WADAADDO kale sii maraya. Xageyga wixii daliil ah oo aan hayay waan keenay, xor baadna u tahay inaad iska diiddo ama yeesho, balse asaas diini ah kuma qotomo ku adkeysashadaadu ee adigaa iska jecleystay falkan sidan u qalafsan. Waana abuur Alle, dadka qaarbaa naxariis badan dabiiciyan, halka kuwo kalan ay qalbi adag yihiin waa iska Human Nature ee Islaam ma aha!!!

    Reply
  6. J.Ibrahim February 12, 2010 at 7:16 am

    ASCWR
    Walaal dhamaan waad idin salaamay culimo
    Nuura diin walaal waxaad sheegtay wax maskaxda iyo naftu macquul u aragto,
    laakiin haddii rajmi aanu jirin aaway wixii lagu xakumi lahaa haweenay la qabo-
    oo sinaysatay Jeedal ama karbaash kaliya caqli galmiyaa ,tusaale waa la furayaa
    Geelii waa laga soo celinayaa waa la saamaxayaa.I.w.m .nikii qabay maxaa loo
    Sheegayaa .Walaal daliil kaaga uma arko mid adag,sababtoo maad sheegin
    xukunkii saxa ahaa,waxaad sheegtay mid aad khalad uragto adigu.
    Nuura diin waxaad ku jitraa danbi haddaad khaldan tahay,
    Wallaal ha isku dayin inaad soo heshid Aayad Qur,aan khalad loo
    qoray ama kitaabka lagu soo daray
    Wallaal icafi haddaan gafay waxaan ahay cilmi gaab iyo luqad gaab
    ASCWR

    Reply
  7. Abdiqani February 12, 2010 at 5:23 pm

    Maanfurkii Muslimiinta ayaa lagu jiraa wiilkan yarina wuxuu soo rogay research kii uu sameeyay Hassan Al-turabi marka siciidow haku dhex wareerin arintan waayo adiga kuwo ku lamida ayaa arintan guux wayn ka dhaliyay kadib markii afkaartan iyo mid la mida uu hindisay sheekh turaabiga suudaan ,caruurtanina darkaas ayay ka soo biyo cabeen sida laga yaabo inaad adiguba uga soo biyo cabtay darka sacuudiga marka labadiinuba dib ayay isula wareeraysaan hadii aad mawjadahan dib uga doodaan!!!

    Reply
  8. Abdiqani February 12, 2010 at 5:32 pm

    Ee isku yimaada wadaado hadii aad tihiin oo barta afkaarta dhexe si ayna mid walba tiisa ula qumanaan maadaama oo aad isla ogoshihiin inta ugu badan waajibaadka diiniga ah iyo axkaamta islaamiga ah, waxa fiicnaan lahayd in goloyaasha dawliga ah aad ku salaysaan afkaartiina nidaam qunyar socod ah oo aan dhalinayn mayal adayg iyo qalafsanaana aad dhisataan idinka oo ah xanbaliya, shaaficiya.maalikiya ,xanafiya . xataa kuwii danbe ee casrigii tagay wahaabiya, ikhwaaniya, wasadiya, kadib si wanaagsan aqalka baarlamanka ugu wada dhexdooda kadibna kutubta isku qanciya wixii reference ahaan ugala madaahibta iyagana ha iskula yaabina oo markaas tixgaliya mad-habka afkaartaas qaba ama ucudur daara!!! kadib waxa idiin dhismi nidaam wanaagsan oo kala danbayn leh oo ah mid la iska wada dhex arko oo loo dhanyahay muslimiintana waad ka saaraysaan sicilica diintana waad ka saaraysaan dar xumada iyo magac dilka ay culimada murmaysaa sababeen,
    Barta dooda wanaagsan ee cilmiga ku salaysan idinka oo kolba aan soo qaadanayn afkaar uu ninkale hindisay ama aan xaalada uga sii darayn!! waayo hada afkaartan oo kale waxa weeye sidii nabar qoloftiisii laga qaaday!!! rajmiga waligeed hadii diin loo haystay la soco saaxiib wax badan oo kale ayaa iyana iman in laga tanaasulo oo aad bidhaamin doontaa ama maskaxda muslimiinta ku soo dhex maaxanaya…………………

    Reply
  9. ziyaad February 14, 2010 at 12:49 pm

    asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu salaan ka dib walaalayaal anigu waxaan oran lahaa kitaabka alle iyo sunada yaan hadal la galin meelahana lagu soo qorin waxaan aqoonteeda la lahayn maadaama ay suuro gal tahay in dad diinta jaahil ka ah inta aqriyaan kadib danbi weyn ku dhex dhacaan danbigaasna waxa suuro gal ah in walalkeen nuradiin la wadaago. marka alle aan ka baqno cilmi dalabno oo khilaafka yarayno kordhin qilaaf natiijadeeda waan aragnay wabilaahi tawfiiq.

    Reply
    • saleebaan February 15, 2010 at 2:58 pm

      waxaan u arkaa in muslimiintii musiibo wayn ku habsatay , maanta waxaan maraynaa in la iska shaki galiyay diintii islaamka, marka anigoo hadalka soo gaabinaya waxaan ku leeyahay ninka isku magacaabay nuurudiin , anigoo ay ii caddahay inuusan nuur ku soo kordhin diinta, asaga iyo qolooyinka la dhacsanba waxaan leeyahay manoo keeni kartaan quruuntii fadliga lahayd ,laga soo bilaabo khulafaa uraashidiin illaa 12kii qarni oo ka danbaysay wax waxa aad ku hadasheen ku hadlay, hadii aan hadalkiina micnayno wuxuu noqonayaa in ay baadil ku sugnaayeen dhamaan quruuntii dahabiga ahayd ee muslimiinta sida bukhaari,maalik,abuu xaniifa ,shaafici, muslim,axmad ibnu xanbal, abuu daauud ,tirmidi, ibnu maajah,nasaai, bayhaqi, imaam nawawi, suyuudi, ibnu taymiyah,ibnu kathir,ibnu qayyim,daaraqudni, abuubakar, cumar ibnu khadaab ,cali bin abii daalib cuthmaan ibnu cafaan, iyo dhammaan asxaabtii rasuulka scw,marka taasi ma dhici karto maxaa yeelay akhyaartii ummada nabi maxamad dalaal kuma kulmin ee waxa turaabi idiin akhriyay baa dalaal ah, runtiina waxaa tahay nin indha adag oo aad ugu dhiiran uguna dhaga nugul baadilka, in badan baa reer turaabi ay isla qarinayeen afkaarta baadilka ah laakiin waxaa tahay fidno abuurihii uhorreeyay oo la gaban waaya, waxaan kuu sheegayaa rajmigu waa min maacaalimi diin bidaruurah ninka ka hadlaana mujtahid noqon mayee waa nin raadinayaa wax uu reer galbeedka la hortago maxaayeelay iyagaa qalbigooda kuwayn ee allaah qalbigiisa kuma wayna, reer galbeedka aad diintii islaamka qaarkeed aad ku diideenna , haddaad rajmi ogolaataan iyo hadii kale midna idinma rabaan ,guntii iyo gabagabadii albaabada tawbadu waa idiin furan yihiin hadaadse diidaan waxaan idin leenahay ikhsauu laa tacduu qadrakum.

      Reply
  10. abu sami February 16, 2010 at 10:45 pm

    sc wr wb

    salaan qaali ah ka dib,

    walaalkan maqaalo dhowr ah oo aan ka akhriyay waxa uu ku raadoobay madarasada caqliga oo naqliga ka hor mariya.
    waxa uu caan ku yahay in uu shubuhaad iticmaalo, waxa yaab badan inkirida axaadiiskata sugnaatay oo dadka cilmigaas ku takhasusay sugeen

    waxaan ka baqayaa in uu sinbiririxda walaalkani sida uu shubuhaadka u raad raacayo, sida uu hada barashada fal safad ugu mashquulsan yahay.

    Reply
  11. ziyaad February 17, 2010 at 8:06 am

    wann idiin salaamay walaalahayga suleyman io sami salaanta islaamka salaan kadib walaalayaal nuradiin warkiisa wa cadyahay oo waan fahmay qawlkiisu meesha uu kudhacayo neesha uu ka soo dhacayana wada garany laakiin falilaahil xamd diinteenu wa waadix ninkana ilaaheey ha soo hadeeyo ,anigu waxaaan ku noolahay wadan gaalo waxay yihiin iyo damacooga waan ka dharagsanahay goolkayguna waa in aan ka soo haajiro oou haajiro dhul muslim insha allah allena waxaan ka baryayaa anigoo dintayda ku adag oo fahansan ku dhaqankeeda iyo xukunkeedana aanan weydiinayn reer galbeed iyo waxa la halmaala in waqtigaygu yimaado aamiin yaa rabi.

    Reply
  12. Ali gaab February 19, 2010 at 9:22 pm

    A/CykmWWT, dhib maleh nin kitaabka alle beeniyee waxan la yaabay il adaygga ninka waxan qoray iyo doqonnimada dadka uu la dhex yimid, bal inta u yar dabacdey eega salaadda uu sheegto inuu tukado waaba haddii uu tukado e, culummadii u soo gudbisay ee Bukhaari iyo Muslim ayuu leeyahay waxbay iska toos toosisteen oo isku aad aaddisteen, ilaahey ciddii taqaannaan ku dhaarshee ninkaasi wax xushmad ah miyuu diinta u hayaa, waxa ka sii daran intuu Kelmadda RAJMI ka soo raadsaday qur’aanka meelaha ay gaalada kibirtay qofkay doonaan ku dhihi jireen waan ku rajminayaa oo la macno ah dhagax baan kugu dilayaa ayuu daliil uga dhigtay in qur’aanku diidey maadaama uu gaalo ayaa sidaas tiri hadal ku soo toosistey isagu, markaa buu xishoodka iyo dadnimadii buu ka tegaye far waaweyn Cinwaan uga dhigtay QUR’AANKU WUU XAARAANTINIMEEYEY RAJMIGA

    Subxaanallaah, war hadduu rabo inuu iska sinaysto yaa ka hor taagan muu gaalada uu la joogo ayaa ku rabtee iska fuulfuulo dumarka Dancers ka ah, islaamku wuu kaa kaaftoomaa umana baahna adiga iyo cid Bukhaari iyo muslim ceebaysa ilaahay raxmaddiisii ha ka waraabiyo, ee orod ula tag afkaas kufaarta aad sidaas ugu shaqyanayso.

    Ilaahow muslimka u gargaar, gaalka aan dhib nugu wadinna ha iska noolaado.

    W/Tawfiiq.

    Reply
  13. Abdiqani February 20, 2010 at 10:07 pm

    Saleebaan iyo akhyaarta kale waa idin salaamay waxan urajaynaynaa qolyahan cusub ee raba inay reer galbeedka iska dhisaan inay jidka Alle ku soo noqdaan, waxa hubaal ah ama haka tanaasuleen ama hadabaqeen diinta inayna marnaba wax maslaxo ah aan loo hayn qolyahan diinta qaybna qaadanaya qaybna qarinaya,
    Waan fahansanahay damacooda oo idil waxa weeye siyaaso iyo hunguri dawlad casri doon ah marka waan eegaynaa in wadaad maamulo iyo in khamroole siyaasada u hago

    Reply
  14. saleebaan February 21, 2010 at 2:30 pm

    asc ,abdiqani ,aligaab,ziyaad iyo abuu saami walaalayaal aad baad ugu mahadsan tihiin sida aad uga wada jawaabteen hadalkaa munkarka ah ee qof aan cilmi ulahayn ilaahay diintiisa uu ku qoray meeshaan, runtiina waa wax qofkii iimaan qalbigiisa ku jiro uu ka gubto markiibana uu ku daddago inuu raddiyo, waxaan uga mahadcelinayaa qolada websiteka maamusha sida ay noo siiyeen fursadda aan kusoo bandhignay jawaabtayada kagana gilgilannay afkaarta gaala daba orodka ku salaysan oo qoruhu meesha ku soo bandhigay, waxaanan kaloo idinka codsanaynaa haddii aad tihiin bahda maamusha websiteka inaad afkaarta sidaa khatarta u ah aydaan u ogolaan in lagu daabaco warbaahinta dadka muslimka leeyihiin, mahadsanidiin .

    Reply
  15. ziyaad February 22, 2010 at 7:47 am

    nuurudiin ma tihid ee waxaad tahay jaahil qa;lbigu madaw yahay ee alle u tawbad keen oo iska daa indha adayga iyo qarda jeexa salaatul layl caawa usoo kac alle bari kadib web sitekaan hadal hadalkii hore ka fiican kii horana radinaya soo qor.wabilaahtawfiq.

    Reply
  16. Shiine February 25, 2010 at 2:59 pm

    Aayadaha safka aad soo galisay oo dhan waxay taariikh ka sameeyeen, Rajmiga dad kala duwan oo rajmi wax ku cadaabay. Isla dadkaas marka laga dhacdada Qaabiil iyo walaalkiis way practice garanjireen dilka qofka….. taas waxaan kala jeedaa, wax xujo ah oo lagu qanco dad aan Alle aaminsanayn ayaa wax ku ciqaabi “Dhaga-dilka” iilama muuqato, maadaamo aan isku waafaqsanahay in ay wax dili jrieen dhagax la’aan diinituna ay ku waafadey isla ciqaabtaa…. illa iyo hadda hal faaido oo ku jirta, mowduucan ah, in “Dhagax ku dilku” uusan diinta waafaqsanay, midka mida aayadahaasi faah-faahisay, ma jirto.

    Haddii aayad dhaheysi, ilaah ma banayn “dhagax ku dilka”, ama waa shay khaas ku ah, diin la waash, ama ummadaan umanaan bannayn in wax ku dilaan qaabkaas sida loo diiday dabka, Yes, waa noqon lahayn shey ugu haboon marqaati u keenis. Hada se, waa un barako meel habanayn lagu aroorshay.

    “Dhagax wax ku dil” in aysan sharciga ka mid ahayn, waa wax aan jeclaan lahayn, balse from critque point, covincing ma’ahan qaab arguments kaagu evidence-ga aat adeegsatay, qof horey excuse u raadinayay mooyee.

    Reply
  17. Shiine February 25, 2010 at 3:11 pm

    Aayadaha safka aad soo galisay oo dhan waxay taariikh ka sameeyeen, “Rajmiga” dad kala duwan oo wax ku cadaabay. Isla dadkaas marka laga rebo dhacdada Qaabiil iyo walaalkiis way practice garanjireen dilka qofka iyada oo la adeegsanayo qaabab kale….. taas waxaan kala jeedaa, wax xujo ah oo lagu qanco dad aan Alle aaminsanayn ayaa wax ku ciqaabi jiray “Dhaga-dilka” iilama muuqato, maadaamo aan isku waafaqsanahay in ay wax dili jrieen dhagax la’aan diinituna ay ku waafadey isla ciqaabtaa…. illaa iyo hadda hal faaido oo ku jirta, mowduucan ah, in “Dhagax ku dilku” uusan diinta waafaqsanay, midka mida aayadahaas ooi faah-faahisa, ma hayno.

    Haddii aayad dhaheysi, ilaah ma banayn “dhagax ku dilka”, ama waa shay khaas ku ah, diin la waash, ama ummadaan uma’ aanaan bannayn in wax ku dilaan qaabkaas sida loo diiday dabka, biyo IWM Yes, waa noqon lahayn shey ugu haboon marqaati u keenis. Hada se, waa un barako meel habow ah lagu aroorshay.

    “Dhagax wax ku dil” in aysan sharciga ka mid ahayn, waa wax aan jeclaan lahayn, balse from critque point, covincing ma’ahan aayadaha aad soo aroorisay, sida ciwaankaaga tusinayao ee ah, “In Qur’aan Xarimay Rajmina” kuma aadan gudan qormadaad in aad ka libkeento claim-kaas. Haddii aan seegay pointiga, qofow i toos; balse please, wax cad iiga soo qabo maqaalkan dheer. Thanx

    Reply
  18. Ahmed February 26, 2010 at 4:52 am

    Looooooool midka koofida ubbada le, ee ku leh fiiri, “Quraan unbaan ogolnahay”… war xoogaa ayaad xariiqatey, ee hadal laysku qurxiyay, isaga oon mar qura “thesis” kiisa qoruhu one single aayad oo u ku taageero soo marin ayuu conclusion ku booday. War sheekadu haddii ay fikrad tahay, waa gaarkeed, haddii facts ku salaysan marjic tahayna, meesha “Quraan wax xaartimeeyay” aad ku heysay la illowye, maxaad ku taageeraysa… Oh!!! Waan gartey, mar haddii “Axaadiithta” in aan break la siinanay, Siciidow aad imply- gareysay, Aayadahana Mar haddii ay taariikhoodeen “Rajmo” dad xun oo sameeyay, waxaan noogu badashay, in ay macnahoodu ahaa waa “Xaaraan”… Qoraha, jawaab ayaan ka sugaynaa, balse adigu baabkaa?

    Diintu qassab maahan, haddaad doonto Cilmaani waad noqon kartaa tu kalen waad qaadan kartaan…, Xaqiiqo ahaan, shakhsiyadaada wax kama aqaan, balse at least haddii aad malaayiin rabtaan in aad wax la wadaagtaan, raaca shuruucda basica u aha marka qofku Claim lid ku ah shay shaac baxay uu la yimaado. Wax support ah ku dara; waxaa laydiin qaataa adinka daliilo aan biblical ahayn la yimaada, taas xaggeeda kolley ka madoobidine.

    Reply
  19. Muajahid February 28, 2010 at 9:50 am

    Ugu horrayn Allaah ayaa mahadleh kaddibna waxan salaamayaa akhyaarta barnaamijkan sida fiican uga hadashay intaa ka bacdina waxaan usoo jeesanayaa wiilkan yar ee kibray ee kor isugu kaajay ee qur,aanka beenta ka sheegaya waxaana leeyahay Ragow Kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado.
    Intaa ka bacdina ha ogaado kani inuu riddoobay uuna yahay gaal Ilaahay ka furtay maadamna uu diiday xukun sharci ah oo Diinta islaamku ay sugtay, haddii lagu qabtana dilkaagu wuu banaan yahay islaan hadaad qabtana way kaa furantay isla daqiiqaddii aan article-kan qortay Mujrim yohow ilaahay ka furtay, seefta Mujaahidiinta ayaa ku sugaysa.

    Reply
  20. muslim March 8, 2010 at 3:22 pm

    ninkan iskumagacaabay nuuradiin waa nin cadaystay nifaaqnimo waxaana oronkaraa inuu yahay munaafaq waayo waxuu beeninyaa axaadiisbadan nin diinta yaqaana ma aho nabiga marnaba marajmini haweenay uur leh , waxaa dhacday in haweenay Uur leh ay nabiga scs u timid ayna usheegtay in ay sinaysatay inmahan aabahiis kadibna nabiga scs waxuu amray in marka ay dhasho loo keeno kadina xadkii ayaa laga oofiyay oo waa la rajmiyay
    waxaa kale oo sugnaday in qofkii horay u guursaday hadii uu sinaysto in la rajmiyo waana suganyahiin axaadiistaas marka ninkan nuuradiin isku magacabay waanin ku hadlaayo magaca reergalbeedka ii saaxiibow ilaahay u towbadkeen intaad leedahay raali gali reergalbeedka ha halaagsamin

    Reply
  21. Nuuradeen Zanki March 13, 2010 at 6:39 pm

    Assalaamun calaykum waraxmatullahi wabarakaatuk

    Salaanta islaamka kadib. Waxan halkan aan jeclaan lahaa in aan wax ka iraahdo mawduucan kusaabsan dilka qofka Zinaysta ee dhagaxa lagu dilo. Waxa uu walaalku soo qaaday Allaha u dambi dhaafee tusaaloyin kusoo arooray qur,aanka kariimka ah oo qawmkii hore ee la halaagay ku handadi jiray inay dhagaxaynayaan ambiyada Alle. Laakiin waxan wax laga xumaado ah in isaga oo wax cilmi ah u lahayn diinta islaamka iska dhex dabaasho oo sida caqligiisu jecelyahay uu wax u shego isaga oo ku been abuurtay diinta Allah una gafay culimadii diinta islaamka nasoo gaarsiisay kana dhawray khalad iyo faham xumo iyo in la leexiyo axkaamtii allah uu soo dejiayay culimaduna qoreen, fiqiqa islaamakna meel adag kaga yaal.

    Hadaba waxan jeclan laha inaan soo qaato dhaw axaadiis oo saxiix ah si dhubuhaadkan baadhilka ah dadku ugu sirmin iskan ilaaliyaan dada noocan oo kale ah ee ee caqligooda kusaleeya diinta naskana isaga taga.

    Waxa marka hore aad wax loola yaaba ah been abuurka ninkan uu ku been abuurtay Qur’aanka kariimka ah ee uu ku shegay in aan Qur’aanku xarimay Rajmiga bal si aan jahliga noocan oo kale ah u tusno dadak muslimiinta ah, waxa lagama maarmaan ah in la ogaado Allah in Quraanka ku baneeyay Rajmiga laakiinse aayadaasi markii dambe la nasakhay Aayad ahaan laakiin xukumkeedii uu baaqi noqday. Allah waxa uu yiri

    والشيخ والشيخة إذا زنيا فارجموهما ألبتة نكالا من الله والله عزيز حكيم

    Hadad si fiican u akhrisan aayadan oo ay isku waafaqsan yhiin culimadii islaamka in la nasakhay lafdi ahaan laakiinse uu xukumkeedii baaqi noqday, waxana taas daliil u ah bukhaari atharka laga wariyaya Amiirul mu’miniin cali R.C

    في صحيح البخاري -رحمه الله- أن عليا جلد زانيا ثيبا ثم رجمه فقال: جلدته بكتاب الله ورجمته بسنة رسول الله -
    صلى الله عليه وسلم- يريد -رضي الله عنه- أنه جلده بعموم قوله -جل وعلا

    Cali Allaha ka raali noqdee waxa uu karbaashay qof horey u guursaday oo Zinaystay kadibna waa uu Rajmiyay waxa uuna yiri (Waxan ku karbaashay anoo raacayo kitaabka Allah waxaana ku Rajmiyay dariiqii rasuulka C.S.W anoo raacaya.

    Hadaba taasi waxay daliil cad u tahay in arintani aysan ahayn waxa ay khilaaf galiyeen saxaabadii rasuulka ka dhaxlay diintan qaaliga ah hadana nasoo gaarsiiyay iyaga oo naf iyo maalba ku bixiyay.

    Sidoo kale:-
    Waxa Imaamu al bukhaari iyo muslimba ay wareiyeen xadiiska.

    عَنِ ابْنِ مَسْعُودٍ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ : (لا يَحِلُّ دَمُ امْرِئٍ مُسْلِمٍ إِلاَّ بإِحْدَى ثَلاثٍ: الثَّيِّبُ الزَّانِيْ، وَالنَّفْسُ بِالنَّفْسِ، وَالتَّاركُ لِدِيْنِهِ المُفَارِقُ للجمَاعَةِ)[110] رواه البخاري ومسلم.

    Rasuulku waxa uu xadiiskan ku cadeeyay in qofka muslimka ahi uu dhiigiisu sadex shay ku banaan yahay.

    1- Qof guur horey usoo maray hadana Zinaystay
    2- Naf naf kale dilay si loo qisaaso ( Hadii ay dadkii wax laga saas dalbadaan)
    3- Qof ka baxay diinta islaamka.

    Hadaba xadiiskan cidna iskuma khilaafin muslimiinta dhexdooda in qofkii zinaystaa guurna soo maray ay banaan tahay in lagu dilo dhagax cabirkiisu aad u weynayn aadna u yarayn.

    Hadaba hadii aad xadiiskan si fiican u dhuuxdid waxad arkaysa in ay banaan tahay in la dilo oo dhiigiisu banaan yahay qofkii Zinaysta horena guur usoo maray, hadaba Ninkan maqaalka qorey waxa uu si toos ah u beeninayaa Sunadii rasuulka C.S.W oo ah mid fasiraysa Kitaabka Allah S.W. Hadii sida uu sheegayo in qofka Zinaysta aan la dili karin ee la karbaasho ma isagaa been sheegi mise Axaadiistan kor ku xusan buusan aaminsanayn ileen waxa jira dad badan oo qur’aanka kaliya aaminsan sunadana aan la tusi karin qoladas oo ah firqo baadi ah oo kusoo badatay caalamka maanta loona yaqaano (AL-QURAANIYUUN)

    Waxan shaki ku jirin in ninkani been cad ka sheegay kitaabka ALlah iyo sunadii rasuulka C.S.W si uu u baadiyeeyo dad badan oo muslimiinta.

    Bal si aan cadayn u keeno lagu dawaynayo ninkan jahliga ka buuxo waxa laga wariayay Cumar R.C

    وأخرج مسلم : 3/1317حديث( 1691 ) عن عمر رضي الله عنه أنه قال وهو جالس على منبر رسول الله صلى الله عليه وسلم إن الله قد بعث محمدا صلى الله عليه وسلم بالحق وأنزل عليه الكتاب فكان مما أنزل عليه آية الرجم قرأناها ووعيناها وعقلناها فرجم رسول الله صلى الله عليه وسلم ورجمنا بعده فأخشى إن طال بالناس زمان أن يقول قائل ما نجد الرجم في كتاب الله فيضلوا بترك فريضة أنزلها الله وإن الرجم في كتاب الله حق على من زنى إذا أحصن من الرجال والنساء إذا قامت البينة أو كان الحبل أو الاعتراف

    Cumar isaga oo fadhiya minbarkii Rasuulka C.S.W aya waxa uu yiri Allah waxa uu la diray Nabi muxammad xaq waxa uuna kuso dajiyay Kitaab (Qur’aanka) waxyabihii dajiyay waxa kamid ahaa aayada RAJMIGA,waanu akhrinay, waana weelaynay, waana fahanay, rasuulku C.S.W waa uu rajmiyay, anaguna waanu rajminay gadaashiis waxanse ka cabsan hadii dadku ku dheeraado waqtiga in ay yiraahdaan Qur’aanka kuma jirto aayada Rajmiga kadibna dadku ay baadiyoobaan iyaga oo ka tagaya waajib uu Allah soo dajiyay, Rajmigu waa xaq kitaabka Allah dhexdiisa cidii Zinaysata oo rag iyo dumarba leh hadii guur horey usoo mareen hadii cadayn loo hayo ama ictiraaf.

    Hadaba Khulafadii muslimiinta ee diinta ka dhaxlay rasuulka waxay cadeeyeen in Rajmigu kamid yahay waajibaadka Allah soo dajiyay ee uusan ahay kaliya in la karbaasho. Waayo aayada kuma cada cida la karbaashayo in uu yahay qof aan waligiis guursan iyo qof horey u guursaday taasna waxa fasiray Sunadii rasuulka ee axaadiista saxiixa ah iyo atharka laga dhaxlay saxaabadii rasuulka C.S.W.

    Hadaba waxan ugu baaqayaa wallaka maqaalkan qorey inuu Allah u tawbad keeno inta uusan dhiman waayo in la inkiro sunadii rasuulka waa Kufri iyo diin ka bax aan geed laagusoo gaban.

    Inta xaqa doonaysan Allah haku anfaco waxi ann qorey wixii khalad ah waa naftayda iyo shaydaan waxan asiibayna Allah ayuu ka yimid.

    Allaha naga badbaadiyo bidcada iyo baadida intaba waxa lagu jiraa Zaman la inkirayo nusuus badan wax ka darana wa ala maqli doonaa.

    Salamaun calaykum waraxmatullah

    wallakiin
    Nuuradeen Zanki

    Reply
  22. sheekh ciise April 23, 2010 at 3:54 pm

    ASALAAMA CALEYKUM WARAXMATULAAHI WA BARAKAATUH
    SALAAN KA BACDI WAXAAN SI KHAAS AH USALAAMAYAA WALAALAHA CULIMADA AH EE UU KA MID YAHAY NUURADIIN,
    WAXAAN HADALKEYGA UJEEDADIISU TAHAY ,TALO SOO JEEDIN. QOFKA MUSLIMKA AH HADII UU DOONAYO INUU ARIN DIIMEED BAARITAAN KUSAMEEYO WAXAA MUHIM AH .ANSHAX(AKHLAAQ) QOFKA WAA INUUSAN DHAAWICIN DAD DIINTOOD AMASE CAQIIDADOOD ,QURAANKA ALE WUXUU KU DIIDEY IN GAALADA ILAAHYADOODA LA CAAYO, LAATASUBUU AALIHATAHUM LIYASUBUU ILAAHAKUM CADWAM BIQEYRI CILM. HADABA KA WARAN DAD MUSLIMIIN AH OO, OO ALE IYO RASUULKIISA IYO AWAAMIRTA WAAJIBKA AHBA SI FIICAN U GUTA. HADII LA DOONAYO IN FIQHI ILAAHAY KU FAHAMSIIYEY AMSE SHEEKH UU ALE FAHAMSIIYEY, UU SHEEKH KUUYAHAY, AAD RABTID INAAD WALAALAHAAGA MUSLIMIINTA AH USOO BANDHIGTID, MARKIIBA HA ISKU XAMBAARIN , ERAYADA KULANSAN KARA DIIDMO, SIDA WAA XAARAAM.WAXBA KAMA JIRAAN, WAABIDCO, WAABAADIL, WAADULMI, WAA SHEEKO ISRAAIIL IYO YUHUUD KA DAMEEYEEN, IWM, LAAKIIN WAXAAD SI FIICAN USOO BANDHIGTAA IN BAXSI AAD SAMEYSAY AAD KU ARAGTAY ARIN SIDAAS AH AYNA KUULA MUUQATAY MID TOOSAN ,HASE AHAATEE HADII AYJIRAAN CULIMO WAX IGU SOOBIIRINEYSA ,WAAN SOODHOWEYNAYAA, SIDA XAQA AHNA ILAAHAY AYAA GARANAYA ,HADII ARINTAASI DHACDO WAXAA LAGA YAABAA ADIGA LAFTIGAAGO INAAD HESHO CILMI AADAN WELI GAARIN WAAYO ILAAHAY KELIYA AYAA CILMIGA KOOBAY ,OO NEBI MUUSEBA LAGA DIID QOF IGA CILMI BADANI MAJIRO WAFOWQA KULA DII CILMIN CADIIM,
    INTAAS KADIB ANIGU NUURADIIN,ASKAR BARASHO HORE KUUMAAN LAHAYN AAD BAANA UXIISEEYAA MAQAALADA AAD QORTID QOF MACQUUL AH AYAADNA UMUUQATAA , SIDA AAD WAX UTAXLIILISID, MARKA HADA WAXAAN KUUGU NAZTEEXEYNAYAA INAAD FIKIRKAAS KA LAABATID AADNA SI FIICAN U AKHRISID TACLIIQA NUURADIINZAKI

    Reply
  23. seynab July 2, 2010 at 4:35 pm

    wan li salamey walaala yala muslimiinka ahow marka hore …..runtiii diinta in ay tahay wax qofka binaadanka u fican maxa yeley uuma wadaagaayo aaqiro iyo aduunba marka walahi waxaa ila fican diinteena in aan ku dhegno maxa yeley waxad agkeesaa somali dibidaha iyaado aya waxey iska dhigaayan sida gaalada isku shabahaayan marka hadu mar ilahey wadan aa wadankaaga ahen ku keeno ama wadan galo marka in aad xasusanaataa diintaada ama waxa musliminka laku tilmaamo marka insha alah waala yaalooo diinteena yaa meel cidlo luu ridin ama la i lobin tasi ayan ilaahey ka bariya insha alah asalamu caleekum dhantiina byeeeeee

    Reply
  24. Nuur October 16, 2010 at 12:52 am

    Marka hore walaalkeena maqaalka soo diyaariyey waa mahadsan yahay. Soomaalida walaalahay ahna waxaan idiin sheegayaa saddex shey: marka kowaad qof walba camalkiisa isaga ayaa masuul ka ah. Shiikh hore iyo mid dambe midna masuul idinka noqon maayo Alle hortiis maalinka qaiyaamaha. Cilmiga diinka qof walba isagu waa inuu raadsadaa. Qor’aanku sidii uu u soo degey buu u yaalaa. Sunnada nebiga (cs) waa waajib in la raaco, laakiin su’aashu waxay tahay maxaa ah sunnihii nebiga. Xaddiis walba haddii la dhaho waa saxiix iyo haddii kaleba yaa 100% huba inuu sax yahay? Walaalkeen taas ayuu ka hadlay ee tixgelin ha la siiyo. Tan labaad in walaalkeen fikraddiisa lagu tuuro waa “nin yar” waxay iila muuqataa daciifnimo iyo dulmi. Tan saddexaad wax kasta oo laguu sheego waa adiga iyo masuuliyaddaada inaad raadsato wixii ka run ah. Siduu walaalkeen inoo sheegay uma baahnid inaad warkiisa rumayso. Laakiin in la dhaho sidaasaan anigu weligey rumaysnaa oo waa xaddiis la soo weriyey hadal maaha oo haddii uu xaddiiskaasu been noqdo hadde qiyaamaha sidii Alle aad uga gar bixi lahayd adigaa yaqaan. Sheyga keliya oo aadan shaki gelin karin waa quraanka. Xaddiis kasta oo jira waad ka hadli kartaa inuu sax yahay in kale, Labadii khaliif ee ugu horreeyey (Abuu Bakr iyo Cumar) wey diideen in axaadiista la qoro, sababtuna waxay ahayd iyagoo ka baqayey in dadku quraanka ka leexdo.

    Reply
  25. DALJIR May 16, 2011 at 9:35 pm

    A S C WAA LAWADA WAREERSAN YAHAYE BALSE WEY FIICANTAHAY INAAD WAX FITISHTO AMA BAARATO MAXAA YEELAY ANIGU WAXAAN KALIGEY LAWAREERSANAA DHAGAX QOF LAGU DILAAYO WAY IGU SOCON WEYDAY EEBBAA YIRI BALSE WADAADO KU SHEEGAYAAL AAN EEBBE CAABUDIN BALSE CARAB CAABUDO AYAAN SU,AALO WEYDIIYEY KU.SAABSAN DHAGAXA WAXEY IIGU JAWAABEEN MA,DIINTAA SHAKI KAAGA JIRAA BUKHAARI BAABA LAGA WARIYEE WAR,ILEYN TANOO KALE WAAD MAHAD SANTAHAY QOFKA SOO BAARAY IN UU RIJMIGA XADIIS LAGA SOO WARIYAY EE AAN AHEYN QURAAN XATAA 100/100 LAGA BEEN SHEEGAYO RASUULKEENII SUUBANAA NABADGALYO IYO NAXARIIS KORKIISA HA,AHAATEE WABILAAHI WAX YAALAHA AAN QUR,AANKA SHEEGIN SOO QORA SIDA GACMO GOYNTA QOOR GOYNTA QABYAALADA IYO KUWAKALOO BADAN WABILAAHI TOWFIIQ

    Reply
  26. DALJIR June 14, 2011 at 6:24 am

    SAXIIB NINKA FUREY SHEEKADAAN (NUURIDIIN)GACMO GOYNTA AYADANA KASOOSHEEKEE BAL AAN OGAANEE WAANA MAHADSANTAHAY

    Reply
  27. axmed sh hassan muumin August 24, 2011 at 11:18 pm

    waan jeclahay in diin ta la adeegsado shar cigeega iyo xukun keeda

    Reply

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone