Jeebabka Maydadka Shabaab oo Waxay u Dirirayaan laga Helay

Dagaalkii Shalay ka dhacay Muqdisho oo shabaabka iyo Xisbul islaam looga riixay goobo badan oo ay haysteen ayaa halkaasi laga helay waraaqo ku jiray jeebabka dhallinta alshabaab oo ay ku qornaayeen waxa lagu dagaal geliyey ee ay doonayaan.

Waraaqahan jeebabka shabaab laga helay ayaa waxaa diyariyey nin lagu magacaabay C/llaahi Ansaari, waxaana waraaqaha ku qornaa oo lix bog ka kooban quruxda iyo fadliga gabdhaha xuurayl caynta oo warqadaa lagu sheegay wixii kuso arooray gabdhahaa ee axaadiis ama quraan ah.

Waxaa loo sheegay dhalinta in qofkii jannada gala uu helayo laba xuural cayn halka kuwa shahiida ay ka helayaan 72 xuuralcayn.

Waxaa sido kale loo sheegay in maanta waxa Soomaliyaka socdaa jihaad yahay oo ninkii dagalka ku shahiida uu helayo 72 xural cay. Dhalinta oo ku nool daruufo adag oo laga yaabo inaan qaarkood guur ama nolol wanaagsan arag ama rajo dhaw ka qabin ayaa loo tilmaamay in wixii qofku u noolaa ay ahayd inuu jannada iyo raallinimada alle helo iyo xuural caynta oo uu ka xaroobo rabitanka addunyada.

Waxaa kaloo loo sheegay in xuural caynu u xanaaqaan dartod oo ay haatan alle fadligii jihaadkii Soomaaliya ka dillaacay sidaa darteedna ay xamar dul heehaabayaan xuural cayn u baahan rag kasbada.

Inta badan dhallinta ay shabaabku dagaal galiyaan ayaan aqoon durugsan u lahayn diinta iyo nolosha aduunyadaba iyadoo laga waardiiyeeyo inuu gaaro warka culimadii waaweyneyd e Soomaaliya ee xarakaatka soomaaliyeed aas aasay xattaa haba ahaadeen kuwa tayyaarka salafiyada ee ay ku abtirsadaan ama kaso jeedaan inta badan ragga haatan shabaabka hogaamiya.

Sidoo kale inta badan madaxda shabaabka ayaan la maqal iyagoo shahaadada iyo xuural caynta doontay oo safka hore ku dhintay ama is qarxiyey balse waxaa ugu daran in ragga ugu madaxsan ay aad isku qariyaan oo aan muuqadaba la arag ama aysan saxaafadda hor imaan marka laga reebo rag aan muhiim u ahayn oo safka warbaahitna la keen o laga maarmi karo halka ragga laf dhabarta ah ay dhuuntaan oo aysan inta badan safka hore iman marka laga reebo nin ama labo gantaal raadasanayey lala helo mooyaane.

Waxaa culimada Soomaaliyeed ee leh aragtiyada kala duwan iyo culimada dunida muslimkaba isku waafaqen in waxa  soomaliya ka jira uusan jihaad ahayn oo u dhexeeya qolo kaligod muslim ah iyo kuwa gaalo ah waxaase ayaan darro ah in dhallin Soomaaliyeed la qaldo oo iyaga oo xuural cayn doonaya ay ku dhintaan dagaal Soomaalii u dhexeeya oo laguna diidan yahay rabitaanka inta badan ee Soomaalida muslimka ah oo doonaya in Soomaaliya ka hana qaaddo dawlad Soomaalidu leedahay oo islaam ah balse ku eg xaduudaheeda oo aan caalam kale duullaan ku ahayn.

Waxaa kaloo ayaan darro ah in culimada ka hadasha in waxa Soomaliya ka socda jihaad ahayn ama dhiig muslim daadanayo lasoo qaxiyo ama dil lagu handado sida ku dhacday culmo badan oo gudaha Soomaaliya joogtay.

Waraaqaha jeebabka sha baab laga helay waa kuwan

Xogta: Goobjoog.net

Xogta: ALSHAHID

8 Responses to Jeebabka Maydadka Shabaab oo Waxay u Dirirayaan laga Helay

  1. abu salaaim October 4, 2009 at 5:00 pm

    waxaan aad tageersanahay ururka al shabaab waayo dada jacel wadanka inuu nabad naqdo oo rabaan iney ka cirbtiraan cadowga ku soo duuley wadanka runtii waxaan leeyahya waligood ha jiraan ma awoodi moye hadii aan ku nolan lahaa dalkeyga waan la dagalami lahaa cadowga ku soo duuley wadanka iyo waxii sooraaco waxaan ilahey ugu bariyaa inta ku shaiiday inuu ilahey ka abaal mariyo igu deeqo janada

    Reply
  2. nasrulaah October 27, 2009 at 4:49 pm

    asc walaal waxaan kaa codsanayaa inaad iiga soo jawaabto hadaad nin cilmi leh tahay waxa aad sheegatay oo ah in aysan xurul ceyn jirin alaah sub xanah ayadihiisa ayaad beenineysaa xuruceyn waxaa ka hadleysa suuratul waa qicah alaah unoqo oo qur aanka baro iyo sunaha rasuulka waxaa tahay nin aan cilmi laheyne asc

    Reply
  3. abu azhari March 22, 2010 at 8:36 am

    waxan ad u jeclahay qalbiagan ka tageera alshabab oo ah runta keli ah ee somalia ka jirto lakin hala soxo mujahideenta waxa ka qaldan mash,lah waayao wax uga roon malahan diinta ilaahey aya dadku baranayan soomahn waayo jahilnimo waa mida halkan na keentay wad mahadsantihiin ilah mujahidiinta gacantooda kor haka dhigo

    Reply
  4. sihaam April 3, 2010 at 9:23 am

    asc.waxaan alshabaab iyo wixii raacsan waddiinayaa sidan? walaalyaal ma marrkii hore ayeeynaa ahayn mulin oo hadaa dadka diinta labarayaa mise waa sheeko shaydaan waddo? mida kalle dadkii soomaaliyeed iyo dalkii waa baabbe,een waxaana baabi,iyey aadkii,hadda iyo dan .maxaa quruxbadan miyaan bannaa mise qarranimada waaqabanaa? raggii horre waxay raddian jirree shan dal oo ka kooban xiddita calanka agoommoobay.ragga hadda jooggaana labbadii diqiga lagukeennay baykadhiggeen saddex. waynu bannay oo waxa iinnoo sugnaayd hoog iyo caddaw ugu danbayntii kabaxa waddaa kabax dawllad .soomaaliyee 2000kun ciidan hubbaysan hubka casriga ah oo ay bixiyeen asraa,iil iyo amerika ayaa laggu qasanayaa dalka soo maalya ee wax garaddoow ka, kaca meesh waa gumoobbanaayee.dalkeennii laqadday inagoo taaggan waa iibaaroor waa iihoog waa ii hallaag i caawiyaa walaalyaal kakaca fadhigga sirnna yeesha wscs

    +

    Reply
  5. qaran September 7, 2011 at 3:33 pm

    alshabaab waa tuug waa na jaahiliin
    balmay qoriga iskadhigaan oo wada hasddalkas ogolaa daan waa dufowyq

    Reply
  6. Mumtaz March 12, 2012 at 11:52 am

    Asc
    Aad iyo aad ayuu umhadsanyhay qoraaga maqaalka
    wllaha waxaan idin waydiinayaa wll Abu sulaiman Iyo Nasrulaah inamada labaxoow wllayaal ma hadaan muslimada qadanayaa mise muslinimada horaa uhaysana wllayaal Awoowayaasheen hada ma waxay geeriyoodeen ayagoon islaam ahayn Wa cajiiiiiiiiiiiiiib!!!!!!
    sHABAABKU SE WAXAAN MAQALNAA INAY MALIN KASTA QARXIYEEN MEEL SHACAB MASAKINNA JOOGEEN EE MA SHACABKAASAA GAALADA WADANKA KUSOO DUUSHAY ? Idinka oo dagdagina qoraagu ma oran ma jirto Xural cayne ka fiirsda taasna waa u egtahay wax dhalinta lagu qalday maxaa loo arki waayay nimanka madaxdaa oo jihaadka ku dhintay waa suaal ayana is wyadiin mudan? ilaahoow xaqa na waa faji Asc Akhyaarta

    Reply
  7. Yusuf mohamad April 1, 2012 at 11:11 pm

    Guusha wexey ku danbeen mujahidintacaaya ama haa caynina waa isku mid kasoqad malahan hadalkina ok!?

    Reply
  8. cadeey July 15, 2012 at 1:09 pm

    subxanallaah qofkasto wuxuu qoro ama kuhadlo waala weydiinaa teeda kale dastuurka iska jira raga ayaa dhibka badan kasoo gaari doonaa .nin laba naag guursankara majiro ,labanin waa isguursan karaa ll ragoow isjira wadanki waala qaatey raganimadiina ilaashada oohin oohin oohin oohin

    Reply

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone