Sheikh Nureyn Imam Al-Xaatimi oo ka mid ahaa Cullimada ugu waa-wayn deegaanka Baraawe oo geeriyooday

Sheikh Nuureyn waa qofka Saddexaad marka Bidix lagasoo tiriyo dadka meesha fadhiya, Waxaana ku xiga Sheikh Mohamed Al-Haadi

Mombasa (Alshahid)-  Galabnimadii Shalay ayaa waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Sheikh Nureyn Imam Muxamed Al-Xaatimi oo ahaa Imaamka iyo Khadiibka Xarunta Islaamiga ah ee Sheikh Nuureyn oo ku taala magaalada Mombasa.

Sheikha ayaa Illahay ha u naxariistee wuxuu geeriyooday isagoo ku sugnaa Garoonka diyaaradaha Joma Kinyata ee magaalada Nairobi, waqtigaas oo uu kusoo noqonayay magaalada Mombasa isagoo ay wehliyaan Xaaskiisa iyo Wiil uu dhalay.

Sheikha waxaa soo wajahay Xanuun dag dag ah intii uu ku sugnaa Nairobi, isagoo halkaana u tagay si uu u booqdo Gabar uu dhalay Walaalkiis ka waynaa oo horay u geeriyooday laguna magacaabi jiray Prof. Muxamed Imaam.

Markii uu xanuunsaday Sheikha waxaa la geeyay Cisbital wuxuuna geeriyooday isagoo jooga Garoonka diyaaradaha oo doonaya inuu dib ugu laabto Mombasa.

Marxuumku wuxuu isagoo la socda Qoyskiisa u baxay Nairobi, wuxuuna ka tagay magaalada Xeebta ku taala ee Mombasa ee dalka Kenya halkaas oo uu ku noolaa illaa markii ay dagaalada sokeeye ka qarxeen dalka Soomaaliya.

Wuxuu Imaam iyo Khadiibba ka ahaa xarunta Islaamiga ah ee Sheikh Nureyn tan iyo markii Mombasa lagu aas-aasay Sanadkii 1997-dii.

Sheikh Nureyn wuxuu ahaa mid ka mida Culimada ugu waa-wayn deegaanka Baraawe ee Soomaaliya, waxaana uu waliba ahaa dadkii ugu horeeyay ee Umadda u ilaaliyay Diintooda, Guryaha deegaanka Baraawe iyo Masaajidoodana ka buuxiyay Cilmiga iyo Xuska Alle.

Wuxuu Imaam ka ahaan jiray Masaajidka caanka ah ee Xaaji Waylow oo ay wax ka barteen Dadka Diinta barashadeeda ardayda u ahaa ee deegaanka Baraawe joogay kuwoodii ugu caansanaa.

Sheikha wuxuu abaabuli jiray kulamo Diimeed, wuxuuna waxbari jiray dad aad u badan oo iyaga qudhooda kaalin wayn markii dambe kasoo qaatay fidinta barashada Diinta Islaamka ee deegaanadii uu Sheikhu ku noolaa iyo goobihii ka ag dhawaaba.

Sheikh wixii ka horeeyay dagaalada sokeeya marnaba kama uusan tagin deegaanka. Wuxuuna waqtigiisa ugu badan galin jiray bixinta Darsiyo Diini ah, soo dhawaynta Ardayda waxbarasho usoo doonanaysay Masjidkii uu markaa gacanta ku hayay iyo goobaha kale ee uu isagu ka hirgaliyay deegaankaba.

Duruusta Diiniga ah ee kala duwan iyo Luuqadaba wuu bari jiray dadka, wuxuuna ku bixin jiray Casharadaasi kala duwan Luuqada Baraawiinka ee looga hadlo deegaanka uu Sheikhu kasoo jeeday una dhashay.

Marnaba kama uusan tagi jirin Baraawe marka laga reebo waqtiyo kooban oo uu booqasho usoo aadi jiray Eheladiias oo ku noolaa Muqdisho sida Ina adeerkiis Sheikh Muxamed Al-Haadi oo ah Qaadiga ama Xeer-ilaaliyaha reer Al-Xaatimi ahaana Imaamka iyo Khadiibka Masjidka Marwaaz ee ku yiilay Muqdisho.

Sheikh Nuureyn allaha u naxariistee wuxuu guursaday Laba mar. Guurkiisii horena wax Caruur ah illahay kama uusan siin, hase yeeshee Guurkii dambe oo uu Sheikhu magaalada Mombasa ku galay isagoo da’diisu ay gaarayso 60-Sano ayuu ku helay Caruur 6 ah oo isaga kula noolaa magaalada Mombasa.

Meydka Sheikha waxaa la geeyay magaalada Mombasa si halkaas loogu aaso.

Illahay ayaan waydiisanaynaa inuu u naxariisto Shiikhayna una dambi dhaafo oo uu galiyo Janadiisa, lana meel geeyo dadkii Alle ka cabsiga badnaa ee Baariyayaasha ahaa. Ehelkiisa, Asxaabtiisa, Ardaydiisa iyo kuwii isaga raacsanaana waxaan u rajaynaynaa inuu Ilahay sabar ka siiyo Sheikha oo isaga dabadiisna ay Kheyr helaan.

Xogta: ALSHAHID

3 Responses to Sheikh Nureyn Imam Al-Xaatimi oo ka mid ahaa Cullimada ugu waa-wayn deegaanka Baraawe oo geeriyooday

  1. Abdulrahman Masheikhi October 2, 2012 at 1:02 am

    Sheikh Nurein Imam Abasheikh, Wuxuu ahaa Shiikhayna iyo hagahii nolosheena,Waxaan leenahay, Allah ha u naxariisto janadiisa firdowsana inuu dego ha u kaso.,
    Ambiyada,Shuhaddada,Saalixiinta iyo kuwii runsheega badnaa macooda Allah ha yeelo sheykhayna.
    Dembigiisana Allah ha dhaafo.
    Waa mahadsantihiin.
    Wabillaahi -ttawfiiq…wassalaamu Calaykum Warahmatullahi Wabarakatuh…

    Reply
  2. maryam October 7, 2012 at 11:43 am

    allah ha u naxiirsta sheekha eheladii iyo qarabdii u ka geriyodayna samir iyo imaan allah ha ka siiyo amiin kulu nafsin daiqatul mout evry soul has test death inalliah wana illihi rajicoon

    Reply
  3. Xaaji Jaabir Abuu sayid KHULATEEYN December 6, 2012 at 1:59 am

    INAALILLAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN.
    ILAAHOW sheekheyna Jannatul firdowsa Ka waraabi
    Aanagana kulligeena, (sheekha wuxuu inoo ahaa Barbaariyeheena, Macalinkeena, and shaqsiyan wuxuu ii ahaa loco parentis). Sabar iyo iimaan ALLAHA INAGA Siiyo.
    Waxaan tacsi gaar ah halkaan uga dirayaa ehelkiisa carruurtiisa, iyo kuwa uu adeerka u yahay oo dhan.
    Tacsi taas la mid ah waxaan halkaan uga dirayaa saaxibadayda as well as walaalahayga.
    Oo ay ka mid yihiin, Yusuf Abasheikh Imaam, Abdulxamiid Saciid Imaam, Cumar Saciid Imaam, Abubakar Saciid Imaam. Muxammad Abuu Imaam, Maxamuud Abuu imaam iyo kuwa kale oo dhan oon halkaan kusoo koobi karin.

    Waxaa aan aad uga xumaaday maanta uun inaan maqlo geerida sheekheeyga.

    Walow aan safar ku maqnaa haddana waxay ahayd mar hore inaan maqlo.

    So ILAAHAY Kheeyr aad u badan ha siiyo the the webmaster of ALSHAHID.

    Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu.

    Reply

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone