Naadiya Cali: “Mowqifkaygii Ayaan Xirsi weli waa sidiisii, balse markaan wax baan ku darayaa”

Asalaamu Caleeykum,

Runtii waxaan aad iyo aad ugu farxasanahay sidaa hufan oo mawduceyga ku saabsanaa arrinta Ayaan Xirsi irrida u furay dood yar, aan marna filaneynin, in ay dad badan ra’yigooda ka dhibtaan mawduucaas. Siiba, waxaan aad iyo aad ugu farxsanahay in ay jireen qaar igu raacsanaa ra’yigeyga; oo ahaa in walasheena Soomaliyeed ee waddada saxa ah ka leexatay, in aan fursad siino, oo aan ku garab galno sida ay uga noqon laheyd dambiga ay ka gashay dhamaan Muslimiinta oo idil, meel kasta ay joogaan.

Waxaan horta hore jeclaan lahaa in aan dhamaan dadaka mawduucaan akhriyey (iyo kuwa hada kaddib akhrin doono) in aan u sheego, anigoo Ilaahey ila og yahay, in: ANIGA IYO GABADHAAN LA YIRAAHDO AYAAN XIRSI, AANAN IS AQOONIN, OO AANE XATAA AAN WELIGEEYNA IS ARKIN, OO AAN IS MAQLIN. Sidaas darteeda, waxaan jeclaan lahaa in aan u sheego dadka mawducaan ka warbixiyey, oo aan ka dareemay war celintooda in ay u muleynayaan in aan u difaacaayey Ayaan Xirsi sida qof aan aqaan oo kale.

Runtii, waxyaabaha igu qasbay in mawduucaan ku saabsan Ayaan Xirsi aan wax ka qoro, waxay ahaayeen:
1- Dareenka Islaamiga, iyo tan Soomaalinimadda ee aan u arko in ay gabadhaan igu xireyso, xataa haddii ay noqotay mid ay ku CAASIYOOTAY dadkeeda iyo diinteeda.
2- waxaan aminsanahay in qof kasta oo ibna Aadam ah uu qaldimi karo inta uu noolyahay. Qaladkaas oo noqon karo mid weyn ah, mid dhex dhexaad ah, amaba mid yar ah, laakin ay dhabta tahay in uu qaldi karo. Siiba waxaa hubaal ah in level-ka qaladaka uu bedi ku xiranyahay da’da qofka qaladka galaayo; iyo marxaladda amaba duruufta u qofkaas markaas u maro haayo.

Haddaan tusaale u soo qadano qaladaadka qofka uu galo ee ku saabsan da’da, waxaa ka mid ah dhamaan qaladaadka dhallaanka yar yar(amaba sida halkaan looga yaqaan teenagers-ka) ay galaan, kaddibna marka ay ka baxaan da’daas ay ka shalaayaan.

Sidaasoo kale, qaladaadka ku saabsan marxaladda qofka u maro, waxaa ka mid ah qaladaadka u qofka galo marka u dhibaateeysan yahay amaba u faqri xoog leh u haayo, laakin kaddib u ka shalaayo marka u ka baxo dhibaatadaas amaba faqrigaas.

3- Aminka aan aminsanahay in dadka qaarkood oo mar marka qaarkood maskax-dhaq (brain-wash) lagu sameen karo, siiba haddii ay jiraan qof ka burji adag qofka la maskax-dhaqaayo. Sababta aan u dhahay dadka qaarkooda, iyo mar marka qarkood, maxaa yeeley, dadka oo dhan maskaxda lagama dhaqi karo; iyo dadka maskaxda laga dhaqi karane, mar kasta lagama dhaqi karo. Waa wax la hubo.

4- Aminka xooga leh ee aan u aminsanahay in qof kasto lagu dhalo Islaamnimo uu, Inshallah, ku dhiman doono Islaamnimo, xataa haddii uu noqdo caasi, oo diintiisa iyo ummadiisa u caasi ka noqdo, marxalad ka mid ah marxaladaha noloshiisa, taasi oo sababta noqon karta da’ yarida u qofkaas ku jiray; amaba duruufta adag ee markaas u qofkaas maraayey; amaba xataa in qof shedaan ah heli karo, oo ka burji adkaan karo oo ka dhigi karo caasi ka hor imaada waalidiintiisa, ummadiis iyo xata diintiisa iyo caqiidadiisa.

Sidaas darteed, waxaan weli sii xoog leh aan u dareensanahay in Ayaan Xirsi, anigoo aan aqoonin, in laga yaabo in ay ka shalaatay, amaba xataa ay ka tooba keentay (in her heart of hearts) waxa foosha xun ay ku kacday, oo weliba xataa in aysan aminsaneyn waxa ay sameeynesay.

Sidaaso kale, waxaan weli sii xoog leh u aminsanahay in Ayaan Xirsi ay noqotay “CAASIYAD”, laakin aysan ahayn MULXIDAD, sida aan horeba uga soo horjeestay in sidaas lagu tilmaamo. Waxaan weli aminsanahay amaba aan aad iyo aad u dareensanahay, anigoo aan weligeeyga Ayaan arkin, in haddii fursad la siiyo, oo waano iyo hanuunis fiican ay ka hesho walaalheeda Soomaliyeed, iyo Muslimiinta, oo gacanta laga qabto sida ay uga bixi laheyd mugdiga ay gashay ooyna weli ay ku dabaalano hayso(fadlan, ha i weydinin sideey u gashay, laakinse waxaad keliya xasuusataa oona ogaataa in la dhaho: …. bisha xataa jidkeeda mar mar way gaftaa).

Runtii, waxaan aad iyo aad uga soo horjeeda in falka ay Ayaan Xirsi sameeysay lagu celiyo falal qalad ah, ayna ka mid yihiin dida handidaadka dilka iyo takfiirka. Waxaan ka jeclaan lahaa wadaaddadeena Soomaliyeed ee cilmiga diinta Islaamka dhabta ah ku xeel dheer; Rasuulkeenane Sayidnaa Muxamed (SCW) tusaale u ah, in ay Ayaan gacanta qabtaan oo ay waanooyin u soo jeediyaan, oo xataa ay la kulmaan, amaba xataa ay u sugaan amnigeeda iyo amaankeeda.

Waxaan hubaa hadii Rasuulkeena Muxamed (SCW) haddii u nala joogi lahaa in u sidaas u yeeli lahaa. Waxaa nagu filan in, haddii Aabooyin iyo Hoyooyin aynu nahay, in aan ognahay in haddii ay dhacaan, Ilaahey hanaga xijaabo, mid ka mid ah caruuteena haddii ay caasi ay noqdaan in ayna ku fikirin in aan dilno amaba aan ka takhalusno.

Waxaan badi ku dadaalnaa in aan waanino oo aan ku soo celino waddada toosan. Haddii aan kari weynina, in aan docoda u hayno in u Ilaaheey soo hanuuniyo. Waxaan 100% hubaa in haddii lagu guleysto in Ayaan Xirsi waddadeeda ay ka habaatay (amaba laga habaabiyey) lagu soo celiyo, in ay noqon doonto qofka ugu khatarsan ee diinta Islaamka u dagaalanto.

Taariikhda Islaamka waxey na bartay in Saxaabada ugu khatarsanaayeen Islaamka ay ahaayeen kuwa ugu khatarsanayeen dadka Islaamka la dagaalami jiray inta aysan soo Islaamin.

Ugu dambeyntii, waxaan jeclahay in aan halkaan mahad weyn aan uga celiyo, dadka badan ee ra’yiga ila khalaafay. Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in ay ila khalaafeen, maxa yeelay, haddii ila khilaafi laheeyn, qeybtaan labaad ma aanan qori laheyn.

ILAAHEYOW KU SOO CILI INTA JIDKAAGA TOOSAN KA LUNTAY. INTA KU TAAGANE, KU ATKEEY. AAAAAAMIIIIN.

Naadiya Cali Nur

Xogta: ALSHAHID

15 Responses to Naadiya Cali: “Mowqifkaygii Ayaan Xirsi weli waa sidiisii, balse markaan wax baan ku darayaa”

  1. Sheekh Cali November 24, 2009 at 12:57 pm

    Walaal Naadiyo waa runtaa waana in qofkii qalad galaba aan lagula boodin ee bal i degan lola tacaal Allena loo barayo, waayoo Alle ayaaba xadiiul qudsi ku heegay in uu ku farxo marka uu addoonkiia u tawbad keeno, laakiin waxaa jira dad aad u moodid in ay dadka tawbadda ka hor taagan yihiin, Alle xaqa ha na tuso ku camalfalkiiana ha na waafajiyo

    Reply
  2. Abukar Albadri December 3, 2009 at 7:50 am

    NAADIYO MID BAAN KU LEEYAHAY, AYAAN XIRSI IYADAA QIRATAY INAY DIINTA KU GAALOWDAY, DIINTANA KU KUFRIDAY.
    BUUGEEDA WAXAY MAGAC UGA DHIGTAY “INFIDEL, MY LIFE” OO MACNAHEEDU YAHAY, NOLOSHEYDA GAALNIMADDA.
    MAANTA RASUULKEENA AAD ARINKA U TIIRISAY HADDII UU NOOLAAN LAHAA AYAAN WUXUU UGU YEERI LAHAA MULXIDAD, ADIGA HA U QIILSAMEYNE NAFTIRKAAGA TOWBAD KEEN WALAALEY, WAX AAD MASKAXDAADA KA SUUREYSATAY YEYSAN KU DAMBAAJIN.
    AYAAN IYADAA LA DIYAAR AH INAY SHEEGATO INAY “IFIDEL” TAHAY, INFIDEL, MACNEHEEDU WAA INAY ILAAH IYO RASUUL MIDNA RUMEYSNEYN OO KU GACAN SEYRTAY, MA QOFTAAS BAAD U QIILSAMEYNEYSAA.
    ADIGA IS GAAR, SHEYDAANKA YUUSAN WAX KUU SUUREYN, AYAAN MARKA AY IYADA TIRHAADO WAAN TOWBAD KEENAY AYAAN DHIHI DOONNAA WAY TOWBAD KEENTAY, HADASE WAA MULXIDAD, MURTADAD AH, IYADAANA QIRATO, AMA HADDII AAN SI KALE U IRAAHDO SOO AKHRI BUUGEEDA “INFIDEL MY LIFE” AMA SOO DAAWO FILM-KEEDA “SUBMISSION”
    UGU DAMBEYN, WAXAAN KU LEEYAHAY, QOF ALLIHII ABUURAY U GEFEY HA U CALOOL NUGLAANE, HADDII AAD AWOODO KA AAMUS.
    ABUKAR

    Reply
  3. axmed June 2, 2010 at 6:08 pm

    inaa lilaah wa’inaa ilahi raajicuun
    waxan aad ulayaabay qoraalkan aad iila wareersan ooo gabadhan aad moodo inay riyo kuqortey walal hadalka ooo kooban waxa aad qortey waa wax aan waxay cuskanyihiin aaney jirin naagtan waa (GAAL MURTADAH) hadaad u quurto inaad tiraahdo walaashey waxan kuleeyahay adiga ilaah haku hanuuniyo waxaan aad ulayaabay hadaka ah WAA IN TAKFIIRINTA LAGA DAAYO subxaanalaah walal
    waxa ii muuqata inaadan aqoon ulahay erey bixinta aad isticmaalayso ee diinteenu ledahay marka waxaan kuu dardaarmayaa inaad salaatu layl tukato markaa kadib ayan arki doonaa inad WALAASHEEN TIRAAHDO NAAGTAN kuna bishaarayso inay kafogtahay kuwii horey gaalda u ahaa marka inaadan kahadlin arin diineed culimada wax waydii oo bal wax ka ogaaw arintaan waxay diintu kaqabto inaa lilaah wa’inaa ilayhi raajicuun ilaahy wanaaga hakugu duwo iyo dhamaan teen ABUUKARNA wuu mahadsanyahey

    Reply
  4. ibrahim daahir June 6, 2010 at 3:00 pm

    marka hore waad salmantihiin hadan ka hadalo arintan ay ka dhawajisay yerta nadiya la yirahdo waa idee hadaad tahay qof islam ah oo qiraya ilaahay &nebigeeni maxamed ahaa in aad tirahdo ayaan hersi waa walashen waxay xaga shareecada ka tahay danbi weyn waayo waxa uu ka liitaa qofkaasi qofka ku dhashay gaalnimada
    waxan hada ka hore daawaday cajalad ay laga duubay ayan hersi&salmad rushdi oo ninka ku sheegay quranka ilaahay hadal shaydaan
    waxay tiri ayaan hada ka hor ayaan waxan kaa akhriyay joornaal aniga oo jooga nayrobi maalintaasi aad ayan kugu xanaqsanaa oo hadan ku arki lahaa waxa laga yabaa inaan ku dili lkn waxay tiri hada waxbaan fahmay aad ayaan ugu faraxsanahay la kulankaga
    taasi aad ayan wlashay naadiya kugu cudur daaraya
    md labad een rabo inaan ka hadalo waxay tahay
    qofku haduu mar yahay qof ridoway culmada badankoodu waxay leeyihiin maha in loo duceyo iyadoo ku baanantahay in qofka gaalnimada ku dhashay aad ilaahay hanuun uweydisid taana waxa daliil kaga dhigayaa hadalka ilahay (miyey simanyihiin kuwa waxgarnaya &kuwa aan garenaynin)
    ayan hersi waa qof muslinimo ku dhashay waxayna ka tahay gaalnimada ay hada gaaloowday jees jees waayo inta ay diinta islamka ka taqaano hadduu qof gaal ah ka aqoonan lahaa mar hore ayuu allah isku dhiibi lahaa
    wlashay ilaahay danbi dhaaf weydiiso waxan uga baridaa ilaahay ayan hersi inuu cadab daran ku tuso aakhiro &aduun hadaba waxay ku sugantahay cadaab waayo waxay ku jirta nolo ciriri ah
    aad ayan kugu soo duceenayaa

    Reply
  5. A.kadir abu hama June 28, 2010 at 4:17 pm

    ASC AQWAANI FILAAH WA SHARECATUL XAQ AMA BACDU NAAGTAN WAXAY JECESHAHAY INO XAQIJISAY HADAY KU DAMBEYSO ISLAMNIMO YAR ILAAH HA U TOWBAD KEENTO AYAAN HERSI WAA MURTID DIINTA ISLAMKA KA TAGTAY DIINTAN MA AHAN HOOY AAD MARKA DOONTO KA TAGEYSID MARKA DOONTANA AD SO GALEYSID NAAGTAN DADKI LA MIDKA AHAANA ABUBAR SADIQ AYA LA DAGALAY AYAN TOWBADANA WA KA XERAN TAHAY OO 3 MAALIN AYAY XAQ U LAHEED IN AY KU TOWBAD KEENTO WANA KA DHAMATAY HANUUNKANA ILAH KUMA DUWO KUWA CAASIYINTA WAWEYN DHAMAN INTA NADIYO U SHEGTAY XAQA MAHADSANIDIN GAAR AH ALBADRI

    Reply
  6. Ismaaciil July 11, 2010 at 6:40 pm

    Marka hore waan idin salaaamayaa taa kadib anig ra’yigayga ilama aha warkaagii hadal fiican waayo waxaad u duceyneysaa naag xun oo diinteedii iyo sharafteedii katagtay taasoo kalena waxey mudan tahay cadaab,dulli iyo cariiri mid aduunyo iyo mid aakhiroba waayo taa waxaa laga diiday nabi Nuux oo wiilkiisa ku yiri wiil keygii isoo raac oo ka diiday dabadeedna uu nabi Nuux Allah kabaryay in wiilkiisa uu u nabadgo dabadeedna oo aayad Qur’an lagu soo dajiyay oo layiri kaasi canugaaga maaha oo canugaasna aan willigiisa rumeyn Allah balse kawaran naagta horay Nuurka islaamka ku jirtay dabadeedna iska diiday oo oo fadee xeysay nabigeenii suubanaa oo Allihii koonkaan keenay ku kufrisay miyaad u duceyneysaa aniga waxaan ku dhihi lahaa Rabigaaga cafisweydiiso waayo Alle waa Gafuuru Raxiimee marnabana ha u jixin jixin wax naxriis ah naag sidaasoo kale ah waayo waa qofdumay oo sheydhaamad ah

    Reply
  7. Shafi m kaahin October 20, 2010 at 12:12 pm

    Asc waan idin salamay dhamantiin aniga rayigeyga wuxu ila yahay nagtisa xun in la dilo’ waa nag xun oo diinta sharafteda ku ciyartay’ wax walbo wey ogtahay waa nag cilmi leh. Diintana wey gadatay’ dadka islamka ah waxan ka codsanaya nagtas in la dilo

    Reply
  8. Nasir February 16, 2011 at 12:17 pm

    Asc marka hore waxan salaamayaa dhamaan umada soomaaliyeed ee muslim ka ah naadiya adiga marka hore ilah utowbad keen ayan anaga walaal inoma aha miyadan ujeedin in ayan gaalnimadeda ayku darsatay aflagaadada nibi muxamed csw oo ah kheyru khalqilaah

    Reply
  9. Maxamed mustaf December 31, 2011 at 10:07 pm

    Waxaan ku dhihi lahaa hadii aad waxtarayso ayaan xirsi oo walaalnimo ay kaaga hartay tiirka keen si loo dilo markaas ayaad waxtartay

    Reply
  10. Fuaad cade April 20, 2012 at 6:35 pm

    waxan halkan waano dheeraad aan uga dirayaa naadiya uma qalantid in lagu dhoho walaal mxaa yeeley hadaad qof kufriyey aad uhiiliso misana rasuulkeena suuban caayey waxey ilatahay iney adiguba aad towbad ubahantahay ee illaah kabaq ee kafogow naagtaa ridowdey wabillaahi towfiiq

    Reply
  11. isaxaaq June 6, 2012 at 7:31 pm

    halkan waxaan kala hadlayaa naadiya waxaad ujeedaa waxaas oo qoraal ah oo adiga kugu saabsan ayna kuu soo qoreen dhalin yaro soomaaliyeed oo wiilal ubadan waxaan u malaynayaa in arintaasi ay kaaga filantahay murtadaddaa ilaahii abuuray dabiga kagashay umana baahna looyar u dooda sababtoo ah iyaadaa isugu filan maadaama ay lasoo taagantahay anigu gaal baan ahay wax qiimo ah oo ay ugu fadhido umada soomaaliyeedna majirto iyada iyo cawaankeeduba.

    hadaba waxaa iswaydiin mudan naagtaasi mayadaa wax is yeeshay mise islaamka ayay waxyeeshay ? jawaabtu way kooban tahay waxaanay kusoo ururaysaa ! nafteeda

    hadaan kuu sii bayaamiyo jawaabtaydaas qofka ma qof ayaa abuuray mise alaah haduu ku gafo yaa laxisaabtamaya, maadiga mise alaah waxaa mucjiso ah hadaad dhagaysatay hadaladeeda qaybo kamid ah waxay leedahay waxaan doonayaa in aan noolaado bilaa Ilaahay, waayahay gaalka caadiga ah isagu arintaa malaqabaa Naadiyo adaan ku waydiiyay kajaab kajawaab kajawaab maya maya maya gaalkaaba layaaban isgu ma ilaah la’aan karo hadaba yaad adigu raali galinay saa Ma ilaahay mise anga iyo kuwo ilamida anigu raali galin kaagama baahni saa waxna kuma yeeli karo waxna kuma tari karo yaamudan raali galin in laraali galiyo 1 kan ku abuuray 2 ku irsaaqay 3 ku ilaaliya 4 kuu qasba adoomadiisa waxaad uga baahato 5 ku dili doona kuna soo bixin marlabaad

    yaad iska dhaadhicinaysaa ma ayaan ayaad rajo ka qabtaa in ay il naxariiseed kugu soo eegto oo ilaahay ayaad cadha galinaysaa waa yaab oo ayaan miyaanay shakhsi liita kuula muuqan oo aan qiimo ku fadhiyin adigu qiimo weeyn ayaad ku fadhidaa ee ilaahay u noqo oo danbi dhaaf kadalab qiimaha aad ku fadhido hadaad islaam tahay waad kala wayn tahay ilaahay dhulalka iyo samooyinka

    Reply
  12. isaxaaq June 6, 2012 at 8:04 pm

    midkalena waa Raga ee waxaan idin leeyahay hablaha guursada oo idinkoon waxba haysan guursada oo idinkoo waxhaysta guursada oo ugu raaxeeya sida ilaahay quraan kiisa ku sheegay. oo ha ku xasdina raaxada oo hadaad ka xishootaan waanooc kamida xasadnimada raaxada, oo mashquulk kaga dhiga raaxada waa wax unugul raaxada dumarku inay u nuglaadaan cadawga diinta waxaa keena iyagoo umaleeyay in ninka gaalaka ah aanu ka xishoon xaga raaxada nooacay tahayba yaa idinka idiin diiday inay siday rabaan aad gabdhaha ugu raaxaysaan.

    akhriso sheekadan yar

    nin ayaa gabadh kalabaxay gurigoodii saa markay wakhti dheer lugaynayeen ayaa waxay ku hakedeen geed hadhkiis kadi hadii hal cabaar ah la fadhiyay ayaa waxaa la ar kay duqii gabadha dhalay ninkii inta uu gabadhii eegay ayuu ku yidhi qori uu watay inta soo qabsaday ku yidhi maynagaga reebaa odaygu waa inadab joogaaye waxay tidhi haa saa hal xabo ayuu bawdada kaga jabiyay oday gii waana ka tageen.

    bari danbe oo ay caruur dhashay ayaa waxaa ku dhacay busaarad waxay u xoolo doonatay odaygii xabada lugta lagaga jabiyay markaasaa wilashiisii ku yidhaahdeen aan dilno naagtii wataase.

    odaygii wuxuu yidhi hadilina markii xabada laygu dhufanayay iantayda caqligu wuxuu kaga jiray miskaha hada se wuxuu kaga jiraa madaxa

    hadaba dayartu waa caynakaas rag iyo dumarba ee laakiin hablaha raaxo la’ogaada waa nugtulyihiin ragaw waa iga waano.hablana hadal ugama baahni

    Reply
  13. Shaahid June 12, 2012 at 9:18 am

    A.S.C. ALL musliminta sln kadib aniga waxaan aamin sanahay naagtan ka tagtay wadada mustaqiimka ah oo u carartay wadada xun ee tustay in ey diinteda saxda ah ka tagto in ey tahay ku wa ale yari fii suuratil nisaa (KUWA IMAANKA RUMEYAY KADIBNA GAALOWAY KUWAS LANTUQBALA TOWBATAHOW WAAYE LAGA AQBALI MAA TOWBAD KEEN )sidaas darteda sida uu sheegay walalkey al badri gabadha qortay shekada ilah ka cabso hana nagu soo dhaweyn kuwa dinta ale katagay mase bugaagteda ma’adan aqrin ayado bye bye

    Reply
  14. Professor muse cade July 15, 2012 at 4:00 pm

    Asc dhaman walaha musliminta ah anigu waxan dhihi laha oo kaliya qofti wada saxda ah ka tagtay ayado wax og ama qaan gaar ah dib u so noqosho malaha sida ula socda mida kale naadiya awalan wad mahadsan tahay waxan ku dhihi qoftas magaceda xita ha nagu so qadin ok all thanks

    Reply
  15. Dige October 25, 2012 at 6:56 am

    ASCWW dhamaan waan salaamayaa inta akhrisan doonto qoraalkan yar, intaa dabaddeed waxaan idiin xasuusinayaa inaad in yar hadiiba ay dhacday inaad raacdeen janaaso ama meyd la soo aasayo,
    ma aragteen iilka la dhigayo qofka keligii?
    ma eegteen in dhabanka dhoobo loo barkiyo?
    ma aragteen in iilka iyo luxuda dabool la kala dhex geliyo?
    ma aragteen in ciida oo la sheego waxa dunnida ugu culus in misana lagu aasayo hogii banaanaa ee qabriga laga qoday?
    Abeesiyo naar markay ayaan soo horjoogsadaan
    oo ay Illaahii abuurtay iyo udgoone Rasuulkii ma taqaan la ogaal weydiyo
    kuwa ag dhoobanee ayaan geesi oranaaya miyay arkayaan?
    ololo aan albaab looga cararaa lahayn iyo eedaarkeeda baxayaa
    uumiyuhu markuu la anfiriiraa ayay ogaan in Illaah weyne adoontii ahayd
    ayaantaase Alloow i celi miyaa layska aqbali?
    adiguna Naadiyaay afkaagu yaanu ku eersane
    Ayaan waxay la eyni tahay kii udgoone rasuulkeena (NNKH) midingtaa anfaca lagu cunaaye adeegso la yidhiyee ma awoodo anniga yidhi e
    Alle kuma kareensiiyo loogu hoorshay ereygiisii isna itaal la’aan
    iyo eersaday aflagaadadiiyee adna ka aamu ama la ollolo ahoow.
    Dige.

    Reply

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone