عربي - English - Soomaali
Ahlu Sunna oo shaacisay in ay weerar ku qaadayso degmada Ceelbuur. | Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Sharif iyo Raiisal wasaare Cumar oo meel xun maraya. | Alshabab oo ugu baaqay ciidamada dowladda ee degmada Doolow ku sugan in ay isa soo dhiibaan. | Urur saxaafadeed cusub oo looga dhawaaqay dalka Netherlands. | Shirkii Lund oo la soo gaba gabeeyay. (Daawo Sawirada) | Kenya oo ka feejigan weerar kaga yimaada Alshabab | Xiriirka Sudan iyo Uganda oo mugdi soo galay | Duqaymo ay dadi ku dhinteen oo maanta Muqdisho ka dhacay. | Madaxweyne Sharif oo dalacsiiyay 87 sarkaal. |

Qadar wuxuu dhashey isagoo ay Calooshiisa iyo Wadnihiisu Bannaanka yaalaan (Waa Mucjiso Rabbaani ah)

24 March, 2010

Muqdisho (Alshahid) - Mucjisooyinka Rabbi waa badan yihiin subax walba waxaa arkeysaa wax kaa yaabiya taasina waa awooda rabbi hadaba iyadoo taasi jirto ayaa deegaanka Xaafadda Xamar Jabjab Magaalada Muqdisho waxaa hooyo soomaaliyeed ay ku dhashey Canug ay banaanka taalo Calooshiisa iyo Wadnahiisa taasoo ay si aad ah ula yaabeen dadkii ka dhawaa ama soo arkey

Canuga oo ah wiiil waxaa lagu magacaabaa Qadar Maxamed Muxyadiin ayaa caafimaaadkiisa kale ay aad u wanaagsan tahay waxaana aad arkeysaa Caanaha uu cabayo halka ay marayaan iyo weliba dhaqdhaqaaqa wadnahiisa oo si aad ah muuqda

Wiilka oo dhowr bari dhalan ayaa waxaa hooyadii oo lagu magacaabo Deeqa Axmed Jaamac waxay sheegtey in markii Umulasadii ka dhalisey ku wargelisey in willka Calooshiisa iyo Wadnhiisa ay banaanka yaalaan waxayna fartey in ay dhaqtar la xiriirto si ay ula socoto xaaladda wilkaas waxayna hooyada dhashey willkaa sheegtey in ay la xiriirtey Dhaqaatiir ayna ku yiraahdeen wiilka wuxuu u baahan yahay qaliin dibada ah

Labaatankii sanno ay dagaalada ka socdeen dalka soomaaliya waxaa ku dhashey Caruur fara badan kuwaas oo la sheegey in ay ku dhasheen arrimo dadka soomaaliyeed ka yaabiyey kuwaas oo isugu jirey Cuduro la garan waayey iyo Mucjisooyin jirkiisa lagu arko kuwas oo lagu soo Bandhigey Webebka soomaalida waxay dhaqaatiirta qaar ay sheegeen in ay ugu wacan tahay Sunta lagu shubayo Badda iyo Berriga Soomaaliyeed

Hooyada dhashey willka ayaa waxay sheegtey in aysan awoodin qaliiin dibadeed waxayna ka codsatey dadka soomaaliyeed ee Ilaah wax siiyey in ay gacan ku siiyaan sidii wiilkaas qaliin deg deg ah loogu sameyn lahaa

Hadaba Cidii dooneysa in Gacan siiso Qoyskaas kala soo xiriiri.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 0025215532494

Xogta: ALSHAHID
Categories: Muuji, Warar
Tags:

1 Jawaab oo la xiriira “Qadar wuxuu dhashey isagoo ay Calooshiisa iyo Wadnihiisu Bannaanka yaalaan (Waa Mucjiso Rabbaani ah)”

  1. qadar maxamed m.ibraahim says:

    waad mahad santihiin dhaman shaqaalaha xogta Alshahid baahinta aad baahineysaa baahida shacabka soomaaliyeed waxaan ahay wiil soomaaliyeed oo kunool magaalada muqdisho gaar ahaan xaafada waaberi xawaan ahay wiil katirsan bahda saxaafada ee muqdisho waad mahad santihiin

Tacliiq qor

Xyeysiin
Log in /